Sheekh Shariif Oo FaahFaahin Ka Bixiyay Kulamo Uu Kula Soo Qaatay Addis Ababa Madaxda Ethiopia
Addis Ababa (RBC) Madaxweynaha uu xilligiisa dhammaaday Shariif Sheekh Axmed oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay, ayaa faah-faahin ka bixiyay kulamo uu kula soo qaaday madaxda dowladda Ethiopia.
Shariif Sheekh Axmed oo ka qeybgalay aaskii ra’iisal wasaarihii hore Ethiopia kaligii taliye Meles Zenawi oo shaley lagu aasay Addis Ababa, ayaa sheegay in uu kulamo kula soo qaaday intii uu halkaas joogay madaxda dowladda Ethiopia.
Wuxuu sheegay in uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo isbadalka xagga siyaasadda ee ka dhacay dalka.
Shariif ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxana soo dhaweytiisa ka qeyb qaaday madax uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, iyo xubno uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, Taliyeyaasha ciidamada XDS iyo ciidanka bambeeydda, Xildhibaano iyo boqolaal qof oo watay sawirkiisa.
“Waxaan is aragnay ku simaha ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxan ka wada hadalnay marxaladda kala guurka ah ee ay galayaan iyo marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya halka ay mareyso, waxaana isla garanay in siyaasaddii hore ee lagu socday la sii xoojiyo” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in si guul ah ay ku dhammaato doorashada madaxweynaha dalka, si waddanku uu u helo dowlad rasmi ah oo ka saarta dhibaatada muddada dheer ka jirtay, soona celisa sumcaddii daalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha uu waqtiga dhammaaday Cabdil Wali Cali Gaas oo isna ka mid ahaa madaxdii ka qeybgalay aaska Meles Zenawi ayaa ku soo laabtay Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu kulamo gooni gooni ah uu kula soo qaaday mas’uuliyiintii ka qeybgashay aaska Zenawi ee halkaas tagtay.
Si kastaba, waxa la sheegayaa in tan iyo xaley kulamo gooni gooni ah ay qaateen madaxda Soomaalida ee ka qeybgashay aaska ra’iisal wasaarihii hore Ethiopia oo bishii hore ku dhintay isbitaal ku yaala dalka Belgium.
Radio RBC
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] Continued here: Madaxweyne Shariif Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Kulamo Uu Kula Soo Qaatay Addis Ababa Madaxda Ethiopia [...]
Raxanreeb kama sugeyn iney qariso soo dhaweyntii weyneed ee Madaxweynaha loo sameeyey kuna sheegto dadweynihii soo dhaweeyey 100 qofood iyagoo kumanaan kor u dhaafay.Xildhibaanada soo dhaweeyey ayaa kor u dhaafay 100 xildhibaan ee raxanreeb si qalad ah miyaa wax u qorteen?isku noqda koleey dorashada dhinac ayey u dhici doontaa laakiin yaan been la idinku baran sida websiteda qaarkood
Diintii Allah inta aad baratay miyad baqtigii Allah cadawgiis usoo baroora diiqday shariif shalay allah hakusoo hadeeyo
dalkaagaviyo dadkaaga nin xilqaadow way kusugayaan milase looma ooyeen haduusan guul keenin adiguna lamidbaatahay madax deenooy
Duf ku baxa dheh duli iyo damiinimo maxaa kuwaas iskugu duubay!!!
Allah Janatul-Firdowz haka warabiyee Ayax Dhowre wuxuu yiri:
Nimanyohow qumaati iyo qalooc kala qiyaas roone,
waxba lama qarshee hadal rag waa la isu qeexaaye.
Waa qaydar low kaaga jabay hadalka qaarkiise,
qardoofo iyo nimaan qaadan bay qaci ka joogtaaye,
Qalbi malahid sheydaan hadduu qaalib kaa yahaye,
dadse heedhe way qoonsan jiray tan iyo qaabiile,
Qawaaniinku waa inuu nin rag ahi kula quwoodaaye,
qooraha waxaa looga simay waysku wada qayre,
Qabiltiyo nikaax naagahaa qaata meherkiiye
Qabaanimo ninkii iga damciyo ii qasaal marada
Qadertaa ILaah iguma qaban qoodhay xeradaye
ASC, @ muna, walaal, tagitaanka uu Madaxweeyne Shiiq Shariif tagay aaska atto Melez Zenawi, waa arin diplomacy, lagu hagaajinayo saaxiibtinimada ka dhaxeeysa labada dowlad iyo shacab ee Somaliya iyo Ethopia. Su’aal, munaay, adiga iyio Melez qofka cadowga ilaaheey ah yaa og? Maadigaa og? taada ka adkaaw, ee iska dhaaf madaxda kuu shaqeeyneeyso si eey shaqadooda u qabsadaan. Hadii aad muwaadin wanaagsan tahayna inta yarta ee kaaga soo aaday in aan wadankeena hagaajino kasoo bax oo kasoo dhalaal. Waa mahadsantahay, walaal.