Sheekh Shariif oo Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqay Inuu Aqbalay Natiijada Doorashada, Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Sheegayna In Amniga Dalka Laga Bilaabo Caawa uu La Wareegayo Madaxweynaha La Doortay [Video]
Muqdisho (RBC) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhow khudbad taariikhi ah ka jeediyey hoolka shirarka ee Gen Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu aqbalay kuna qancay natiijada guusha Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Shariif wuxuu u hambalyeeyey madaxweynaha la doorta isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la ahaqeeyo uuna jecel yahay in horumarka dalka iyo amaanka la sii wado.
Wuxuu xaflada kaga dhawaaqay Sheekh Shariif in ciidamada amaanka ee dalka iyo saraakiisha ciidamada laga bilaabo caawa ay hoostagi doonaan madaxweynaha la doortay ee dalka.
Wuxuu sheegay inuu sameyn doono xilwareejin isagoo og sida uu yiri in xil wareejinta kadib ay tahay shaqada rasmiga ah ee madaxweynaha cusub.
Wuxuu ugu dambeyntii u mahadceliyey xildhibaanadii isaga doortay.
DHAARTA MADAXWEYNAHA HALKAAN HOOSE KA DAAWO
HALKAAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA
RBC Radio












bay baay shariif iyo shariif sakiin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk caawa waa taariikh haduu ala na dhaafsiiyey labo shariif mahadsanid cabdi wali gaas siduu daaqada uga saaray labada shariif
[...] Read the original: Sheekh Shariif oo Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqay Inuu Aqbalay Natiijada Doorashada, Hambalyeeyay Madaxwey… [...]
shariif sh ahmed iyo shariif sakin yaa damacooda jahliga ku salaysan isku dayay inay
ku hogaamiyan todoba proffosors, kuwani maahan kuwii aad hogaamin jirteen ,qalinku
waqti ayuu u baahan yahay walina fursad ayaad haysataan mahadsanid c/wali gaas markii horena
waad badbadisay umada soomaliyeed ilaahay ka sokow hadana markale ayaad badbaadisay ilaahay ka sokow .