Sheekh Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud Oo Isku Soo Haray Doorashada Wareega Seddaxaad Ee Madaxweynaha
Muqdisho [Radio RBC] Waxa la soo gaaray wareega seddaxaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay isku soo harreyn labada musharrax ee kala ah Shariif Sheekh Axmed oo helay 64-cod iyo Xassan Sheekh Maxamuud oo isna helay 60-cod.
Waxa hadda guddiga doorashada ay wadaan codadka ay siinaayaan xildhibaanada labada musharrax ee isku soo haray wareega seddaxaad ee doorashadda madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa hadda soo dhammaatay tirinta codka, waxana hadda sanduuqa cod bixinta furaya guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.
Waxa hadda cod baahiyaha lagu wareejiyay Genaral Muuse Xassan Cabdulle oo soo qabtay xilka KMG ah ee guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ee hadda jira.
Labada Musharrax ee isku soo haray doorashada wareega seddaxaad ayaa hadda isku meel fadhiya, kuwaasoo ka war sugaya natiijadda doorashada madaxweynaha.
Waxa deggan goobta ay ka dhaceyso doorashada, oo cid waliba waxa ay dhagaha iyo in dhaha u taageysaa natiijadda doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo wareegan seddaxaad musharrixii cod badiya uu noqon doono madaxweynaha afarta sano ee madaxweynaha Soomaaliya.
Ilaa hadda codadka ay tiriyeen guddiga doorashada waxa ugu horreya musharrax Xasan Sheekh Maxamuud, laakin lama saadalin karo musharraxa ku guuleesan kara doorashada, ilaa laga soo gabagabeeyo codadka xildhibaanada oo wakiil ah shacabka Soomaaliyeed.
Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka iyo kuwa dibeddada ayaa ka war sugaya natiijadda doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horreysay lagu qabanaayo magaalada Muqdisho.
Ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeyay, waxana la dhigay ciidamo badan kuwaasoo suga doorashadda.
La soco RBC Radio















[...] Visit site: Sheekh Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud Oo Isku Soo Haray Doorashada Wareega Seddaxaad Ee Ma… [...]