Golaha Wakiillada Somaliland oo markii ugu horreysay Xil-ka-xayuubin ku sameeyey 4 Xildhibaan
Hargeysa(RBC):- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta xilkii iyo xubinnimadii ay golahaas ka hayeen Afar Xildhibaan oo Mudanayaasha Wakiillada ka tirsanaa ka xayuubiyey, ka dib markii ay Shir-guddoonku ku eedeeyeen inay ka soo xaadiri waayeen labaatan kal-fadhi, sidaa daraaddeed-na ay waayeen xilka iyo xubinnimadii sida uu dhigayo xeer-hoosaadka golahaasi.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada, isla markaana ah Ku-simaha Guddoomiyaha Baashe Maxamed Faarax, ayaa fadhigii maanta ee golaha Wakiillada ka sheegay magacyada afartan Xildhibaan ee xubinnimadoodii iyo Xildhibaannimadiiba waayay, ka dib markii ay sida uu dhigayo xeer hoosaadka aqalkaasi ay maqnaadeen labaatan kal-fadhi oo isku xiga.
Afartan Xildhibaan waxay magacyadoodu kala yihiin Xildhibaan Ikraan X. Daa’uud, Xildhibaan Axmed Maxamed Cali (Beegsi), Xildhibaan Mahdi Xaaji Xasan Sugaal iyo Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil.
Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in iyadoo laga duulayo qodobka afar iyo tobnaad farqadiisa labaad ee xeerka doorashooyinka golaha wakiilada Xeer No 20/2005 waxaa Goluhu u gudbinayaa gudida Doorashooyinka qaranka si ay u soo buuxiyaan boosaskaa banaanaaday laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 29 September.
“Waxaannu maanta xilka ka qaadnay afar xildhibaan oo golaha ka tirsanaa, annaga oo u tixraacayna qodobka 50-aad, farqaddiisa shanaad ee Dastuurka Somaliland iyo Xeer-hoosaadka golaha qodobka 4-aad, farqaddiisa 3-aad oo dhigaya in Xildhibaanka 20 kal-fadhi ka oo goluhu yeesho ka maqnaada fasax la’aan in xilka iyo xubinnimada-ba uu waayayo.” sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax.
Fadhiyada Golaha Wakiiladda ayaa inta badan kooram la’aan u baaqda, iyadoo aanay jirin wax tallaabo ah oo laga qaado Xildhibaanada seg-saaga gudashada waajibaadkooda shaqo.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii u horreysay ee intii uu golaha Wakiillada Somaliland ee la soo doortay 29 October 2005 sidan oo kale Maamuus ka xayuubin ugu sameeyaan Shir-guddoonka golahaasi.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.












[...] More: Golaha Wakiillada Somaliland oo markii ugu horreysay Xil-ka-xayuubin ku sameeyey 4 Xildhibaan [...]
Dameerkii Baqlaha la daaqaa kamid buu is moodaa. Horgal iyo Hoosgal iyana caqli iyo garasho ma leh kuwa rartaana ka daran.