Sifooyinka Saxafiga Wanaagsan iyo Saxafiga Xun. W/Q Abdulkadir A Osman (Farayaamo)
Sifooyinka Saxafiga Wanaagsan iyo Saxafiga Xun.
Abdikadir A Osman
Farayaamo@hotmail.com
Sabteembar 3 2012
Qof walba oo ka shaqeeya mihnadda saxaafadda , ha ahaado war sootabiye, qoraa, tifaftire, qaadaadhige, qormo sameeye, fikrad cabbire, faallo sameeye, baaritaan sameeye, filim qaade, ama tarjume waxa uu kusifoobayaa inuu yahay saxafi, laakiin ma dammaanad qaadayso dhammaan shaqooyinkaasi inay kaa dhigaan saxafi wanaagsan.
Ka sokow barashada xirfadda saxaafadda waxaa jira qodobbo muhiim ah oo ka caawin kara inuu qofku noqdo saxafi wanaagsan oo shaqadiisu nadiif tahay ;anshaxa iyo qawaaniinta saxaafadda waa laba qaybood oo saxaafadda meel wayn kaga jira una baahan in la dabaqo ee aan laabta lagu haysan kaliya..
Khaladaadka farsamo iyo midda xirfadeed ee saxafigu ku kocokamahadli doono , maxaa yeelay waxay u baahanyihiiny waqti dheer , waxaanse ku ekaan doonaa anshaxa iyo xeerka saxaafadda ee lagu tuntay saxaafadda Soomaalida, waxana labadan qodob u arkay inay mudan yihiin in wax laga dhoho.
Heerka khaladaadka anshax ee saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya warbaahinta talefishinka, raadiyaha iyo wargaysyadu wuxuu ahaa mid wax uun rajo laga qabo , hase ahaatee marka ay meesha soo gashay warbaahinta Internetka ee lagu magacaabo (Online Journalism) waxay dabkii holcayay kusii qabatay Bansiin.
Qormadaydan si ay u noqoto mid wax uun laga faa’iido ma noqon doonto mid la shaqsiyadeeyay ee si guud ayay u bidhaamin doontaa khaladaadka anshaxa, gaar ahaan bogagga Internet-ka.
Anshaxa iyo Xeerka Saxaafadda.
Saxaafad iyo anshax makala maarmaan. Aan qeexid gaaban ka bixiyee waa maxay anshax ? Maxayse ku kala duwan yihiin anshax iyo xeer ? Maxaase uga baahanahay ? Anshaxa waa waxa fiican in la sameeyo, waa waxa dadwaynuhu ay caadi u arkaan samayntooda. Anshaxa inta badan khasab maahan laakiin waa wax garaadkeennu na farayo samayntooda. Tusaale, ninka dhaqtarka ah marka uu bukaan u yimaado ee uu xanuun hayay u sheegto, balse dhaqtarka uusan u lahayn takhasus, waxa uu diraa dhaqtar kale oo ku dhaama arintaasi, taasi waa anshax ee ma jirto cid ku dirqin karta inuu dhaqtar kale kuu diro. Xeerkuna waa mid aadan dhaafi karin samayntiisa oo haddii aad jabisid aad ciqaab ku mudan kartid. Marka la’aantood ama saxaafaddu tallaabo horumar ah ma rogi karto.
Beenta iyo mala awaalka.
Saxaafadda Internet-ka Soomaalidu waxaad mooddaa inay soo marayso halkii ay soo marayeen saxaafadda reer galbeedka sanadkii 1900,xilligaasi oo warbaahintii shaqaynaysay loo bixiyay (Yellow Journalism ama Yellow Press) . Xilligaasi waxaa wargayska ama joornaalka lagu gadan jiray inta uu been sheego, dacaayad sameeyo, qof sharaftiis meel uga dhoco, qof uu facsharo isla markaana dacwad been ah sameeyo. Dhammaan qodobadaasi hadda meelnakamasoo galaan saxaafadda xorta ah ee jirta. Balse hadda waxaa lagu tartamaa imisaad run sheegtay, imise jeerbaadanse khaldamin, imisaadan wax aad soo gudbisay cudur daar ka bixin.
Warbaahinta Internetka waxay noqotay goob wixii saxaafadda xaaraanta ka ahaa lagu xalaashaday, sida beenta iyo mala awaalka.
Runsheegiddu waa aasaaska saxaafadda, waana midda sumcaddaadu ku xiran tahay. Dadwaynuhu hadday been kugu bartaan waxay kuoran“beenloowgii” ama “ beenaalihii” , ee waxba laguu qarin mayo. Intaad been sheegi lahayd ama warar aan jirin iskuduwi lahayd waxaa ka fiican inaadan war sheegin.
Xuquuqda Daabacaadda.
Wax badan baad arkaysaa website ama bog Intenet xariif ah oo shaqo badan ,oo ka cabanaya hawl uu kusoo dhabar adaygay , kharash iyo waqtina ka galay oo mid ma shaqayste ah uu soo naqliyay ama soo guuriyay, sheegtayna inuu asagu leeyahay. Xeerka xuquuqda daabacaadda iyo xatooyada waxay meel adag kaga jirtaa saxaafadda. Waxba kama duwana inta aad tagtay suuqa inaad qof dukaankiis kasoo xadday beyr kabo ah, dabadeedna aad ku xaragootay oo aad dadka u sheegtay inaad lacagtaada kala soo baxday. Xeerka xuquuqda daabacaadda waxa uu fasax kuusin karaa marka aad ogolaansho ka haysatid shirkadda wax daabacday ama warka tabisay, ama si kale haddaynu u dhahno aad xigasho samayso , tiraahdona anigu malihi xogtan ee waxaa leh warbaahin hebel. Haddii dawlad shaqaynaysa lehelo waxay warbaahinta xatooyada samaysay la kulmi kartaa ganaax ama shaqo joojin. Saxafiga wanaagsan waakanyaqaanna xuquuqdiisa iyo dadka kale xuquuqdooda, waanakanxigta sawirada, qoraallada, iyo wax walba oo uu cid kale kasoo qaatay.
Sawirada Murugada leh.
Anshaxa suubban ee saxaafadda waxaa kamid ah inaadan soo bandhigin sawirada murugada leh ee aysan isha dadwaynuhu ku doogsanayn, sida sawirada dadka dhintay, kuwa jirkooda goo go’ay, kuwa shilalka gawari galay, kuwa addimada go’een , iyo sawirada caruurta yar yare ee dhibaatooyinka jireed ama nafsadeed loo geeystay iyo waliba dadka dhimirka la haddii aadan ogolaansho ka haysan dadka masuulka ka ah.
Haddii aad sawir indhaha aan u fiicnayn soo bandhigto waa laga yaaba dalkaad joogto inaan waxba laguu qabsan , hase ahaatee waxaad dhibaato u gaysanaysaa dadkii aad u adeegaysay. Waxaad isleedahay adigu dadka wax xiiso leh usoo gudbi, hase ahaatee si dadban ayaad u waxyeellayn oo sawirada dadka jirkoodu gubtay ama goo goay,waxay cabsi ku reebi kartaa caruurta iyo dadka aan xamili karin daawashada sawiradaas.
Warbaahinta website-yada Soomaalida waxaa aad ugu batay inay lasoo deg degaan sawirada qof jirkiisii goo go’ay wixii raba haku dheceen. Masuuliyad muuji oo dadka macaamiishaada ah waxay leeyihiin da’ walba ee xushmee . Tusaale, warbaahinta caalamka sida telefishin-ka , iyo bogga Intenet-ka ee BBC-da masoo bandhigaan sawiro dad jirkooda goo’go’ay,ama waxyeello jireed soo gaartay waxana la yaab leh in xataa markay soo galinayaan qof daqar yar madaxa kaga dhacay oo dhiig leh inay yiraahdaan, “ digniin: sawiradan soo socda waxaa laga yaaba inay qaarkiin xamili waayan”. Anshaxa suubban waa sumadda saxafiga wanaagsan.
Shaqsi Weerarka
Shaqsi weerarka ama (personal attack) saxaafadda meelnakamasoo galo. Qawaaniinta waawayn ee saxaafadda waxaa kamid ah dhex dhexaadnimo war u tabinta ama (Objectivity). Waa wax caadi ah inaad qof fikrad ku kala duwanaataan adigoo saxafi ah, waa laga yaabaa inaad qof dhibsato, waa laga yaaba inaad qof nacdo , laakiin marka aad iridka kasoo gasho xaruntaada warbaahinta, ama aad shaqadaada warbaahinta gudnayso waad iska illaawaysaa dhibaatooyinkii shaqsiyadeed ee aad tirsanaysay, waxaadna soo tabin sidii wax u dheceen oo aan dhibicna lagu darin dhibicna laga jarin , waxbanaha aan la xawaajiyayn. Saxaafadda Soomaalida ee xilligan badankeed waxay noqotay in loo isticmaal sida qoriga AK47, markaas adiga oo saxafi sheeganaya iyo qofka isbaarada jooga ee lacagta gurnaya farqi idiinma dhaxaynayo. Maxaa yeelay adigana qalinkaagaa kuu ah qori aad ku dagaal gashid.
Waxaa kaloo jira qodobbo kale oo aan waxbadan ka fogayn shaqsi weerarka , sida sharaf dilka, sumcad dilka iyo facsharidda; waliba ogoow oo warbaahinta la daaboco ee loo yaqaan (print journalism) waa ka khatar badan tahay warbaahinta kale ee la dhagaysto ama la daawado ee la isku yiraahdo (Electronic Journalism), oo marka maqaal aad qof sharaftiis wax uga sheegtid waxaa lagu magacaabaa (libel) oo waxaa laga yaaba haddii sharci iyo kala danbayn timaaddo in dacwad lagugu soo oogo. Warbaahinta Internet-ka (online journalism) waa lamid oo waxbakamaduwana oo maanta warkaad qortid ,50 sano kadib waa lasoo saari karaa mar haddaad amar ku bixisid inaad Internet-ka galisid.
Maanta looma baahna kaliya in xeerka iyo anshaxa saxaafadda in Seminar ama Workshop lagu bixiyo oo qolkii tabobarka looga soo dhaqaaqo, ee waa in afta qodob ee la barto la dabaqo , waxayna tani bili kartaa sumcaddaada kaana dhigi kartaa saxafi wanaagsan oo bulshada sharaf ku dhex leh.
Abdulkadir A Osman (Farayaamo)
M.A Journalism , MBA Hrm
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] Visit link: Sifooyinka Saxafiga Wanaagsan iyo Saxafiga Xun. W/Q Abdulkadir A Osman (Farayaamo) [...]
Cabduqaadirow si toos ah ugu gdbi qqoraalkaaga kuwa qora Daaynnile iyo Waaa cusu oo cuudur aan baxayn qabba. kan qora daynile aa ediittor-ka ka ah waa nin dhiban la garay lakiin waag cusub kan qoor ma curyaan iisku kaadiyaa?
Xaqiiq ahaan waa Qoraal wax laga baranayo oo Faaido uleh bulshada iyo Bahda Saxafada, aad ayaan kugu mahadnaqayaa Sxb Farayaamo oo aan garanayo waqti dheer aana ku xasuusto radio Galkacyo aana haatan qoraalkiisa ka dareemayo in Aqoon badan oo dhinaca Media ah ukorortay.
wagar kan walee waa siyaasi aan daacada ka fog mindhaa raxanreeb baa kabta uga istaagtay waan ku fahanay waa gaas team
cabdulqaadir sxb ama sami salaan ka dib qoraalkaaga u gudbi allbanaadir iyo caasimada iyo dayniile caruurta wax ku soo qora ooaan fahamsaneyn sharciga iyo nidaamka iyo weliba qaabka saxaafadu u shaqeyso dadbadan ayaa waxay u baahan yihiin tababar dhanka saxaafada laakiin kuwaan kor ku xusey waa dadkii malaha garaadsadey xiligii dowlad la,aanta wax yaabaha qaarkood waa laga yaqyaqsadaa hadaad muwaadin xalaal aad tahay waxaa wanaagsan inaad si wanaagsan wax u qorto hadii arinku qabiil iyo nin jeclaysi galo waad fahmi kartaa anigu waa ceeb inaan qabiil wax ka sheego shaqsi maloo caynkaraa qabiilo dhan waa ceeb waxyaabaha ay soo qoraan raga qaarkood cid waliba oo isku daya inay soomaalinimo web soomaali ah booqdaan waa la arkay fadlan caawi saxaafada nadiifka oo weliba xorta ah ka hufan qabiil iyo shaqsi
Afkaaga caana lagu qabay, aad ayaad u asiibtay waxaan Eebbe uga rajeynayaa in bahda saxaafadda ee haatan u badan dhalin yaryar ay ku waana qaataan isla markaana tixgaliyaan asliuubta aad ula hadashay adigoon cidnna farta ku fiiqin ,taasoo aan ogahay in aad kjuwa badan qalbiga ku hayso, mahadi ha kaa gaadho. Ogoow sxufiyoow amaanka Qaranka qalinkaagu ku jiraa.
waxaa looga baahan yahay saxafiga in uu dhoowro xeerka iyo qawaaniinta udagsan saxaafada lagana dheeraado qaabka ay saxafiyiinta yaryar ee hada saxaafada kusoo biirtay loomana baahna laab lakaca kujira saxafiyiin badan oo hada iyagu kusoo biiray barashada mihnada saxaafad saxafikasata waxaa waajib ku ah inuu ilaaliyo qodobada an shaxa saxafada waxaa badatay dhibta saxaafadu kala kulanto kooxaha diidan nabada iyo xasiloonida wadanka good by all friends raxan reeb good evening qore : wariye axmed sheekeeye.