Sii Haayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhiga: Waxaa Jira Qorshe Loogu Talagalay In Amaanka Lagu Sugo
Muqdisho (RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wax badan ka qabanayo amaanka magaalada Muqdisho isla markaana ay ka hortagayso falaalka amaan daro ee ka dhacay Muqdisho.
Siihaayaha Raysal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa sheegaya in amaanka magaalada Muqdisho wax badan laga qaban doono.
Sidoo kale masuulkaan ayaa sheegay in uu jiro qorshe la diyaariyay oo lagu sugayo amaanka magaalada Muqdisho, kaasi oo ay dajiyeen hay’adaha amaanka.
Xuseen Carab Ciise siihaayaha wasiirka gaashaandhigga ayaa qorshahan ku tilmaamay in uu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka dalka isla markaana looga hortagayo falalka lagu carqaladeynayo ammaanka kaas oo ay wadaan malleeshiyaadka Shabaab.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheesan iyo waliba qaraxyo kuwaasi oo lala xariirinayo in ay ka danbeeyaan kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeedo dowlada Soomaaliya.
Hadalkaan ka soo yeeray dowlada Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo adayaa xili marar badan ay saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya ay ku celceliyeen in ay wax ka qabanayaan amaanka magaalada iyadoona aysan jirin ilaa iyo iminka wax ay ka qabteen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] See more here: Sii Haayaha Xilka Wasiirka Gaashaandhiga: Waxaa Jira Qorshe Loogu Talagalay In Amaanka Lagu Sugo [...]
sxb waxan ahjay kuwa wagoon aan baryiin kuu kalaha raxan reeb mediye marka mar ayaan dahaa maa wadaadka wax ilaeey wa xasan 004674385953