Sii Hayaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Maalinta Khamiista Khudbad Ka Jeedin Doona Golaha Loo Dhanyahay Ee QM


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

New York [RB C Radio] Wafdi uu hooggaaminaayo sii hayaha xilka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Cali Gaas ayaa hadda ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo ay kaga qeybgali doonaan kulan xubnaha golaha ammaanka Qarmada Midoobay ay toddobaadkan ka yeelan doonaan arrimaha Soomaaliya.

Golaha ammaanka QM ayaa dhawaan shaaciyay in ay soo dhaweynayaan doorashadii madaxweynaha Soomaaliya oo 10-kii bishan lagu qabtay Muqdisho.

Goluhu waxa uu horey u sheegay in kulanka looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya uu ka soo qeybgalo madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud, laakin madaxweynaha ayaa sheegay in uusan tagi karin New York iyo xarunta QM sababo uu ku sheegay shaqada u taalla oo ka badan.

Wafdiga uu hoggaaminaayo ra’iisal wasaaraha uu waqtigiisa dhammaaday ayaa ka mid ah madaxda caalamka ee ku qulqulaya magaalada New York , halkaasoo oo ay uga qeybgali doonaan kulanka sanad laha ee lee yihiin xubnaha golaha ammaanka QM.

Wafdiga Soomaaliya ka socda ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta QM ee New York , waxana la filayaa in sii hayaha ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu khudbad ka jeedin doono New York maalinta Khamiista ee toddobaadkan oo ay ku beegan tahay bisha September 27-keeda.

Waxa la filayaa in kulankaas looga hadli doono isbadalka ka dhashay Soomaaliya gaar ahaan doorashadii madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka iyo in Soomaaliya ay ka baxday KMG ah oo ay hadda noqotay dowlad rasmi ah.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa halkaas ku soo bandhigi doona sida ay u taageersan yihiin isbadalka ka dhashaySoomaaliya iyo in la ballaariyo kaalmada la siinaayo Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka  Nairobi

Share

Tags:

2 Responses for “Sii Hayaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Maalinta Khamiista Khudbad Ka Jeedin Doona Golaha Loo Dhanyahay Ee QM”

  1. [...] Read More: Sii Hayaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Maalinta Khamiista Khudbad Ka Jeedin Doona Golaha Loo … [...]

  2. mdeeeq says:

    Sw C W MA ARAGTIDEDA . a qaldan mise wali ayay somali bislaan oo aysan ka tagin xaqa o la qariyo? aniga fikirkega gaaban wuxuu qabaa in raiisal wasare abdi wali uu yahay nin somali ah maanta waxa somali ku fanesana keenay. waxan ogahay hoshuu u soo maray dastuurka. dasturkana hadusan hirgalin .ma laga baxeen ku meel gaar isagaa balan qaday inuu soomali ka saaro ku meel gaar ilaahna waa la garab qabtay. soomaalay abaal dhaca joojiya oo qira walaalkiin wuxuu idiin qabtay. plz u qira wuxuu qabtay. anigu walaahay ma aqaan abdi wali lakiin xaqiiqda waxaan qabaa inuu ka rumeeyay wuxuu shegi jiray fadlan somalay ilah ka baqa oo sheega runta.anoo ah mdeeq waxaan taageeri resalwasaare gaas .wasirka dasturka .kuxigenkisa jodax. waxaan kaloo taagero aan dhamaan hawada u marin. somali aan magacooda iyo muqalkoda aqoon oo ahaa dadki barayay xildhibanada ku wasoo ahaa somali intaan arkayay dadkiii u dacad sanaa . somaalay ma xishotan ma garataan qabiil wuxuu yahay. inta wax garan ayaa og ninkii wax qabtay

Leave a Reply