SIR CULUS: Qorshayaasha Qarsoon ee Labada Shariif u Dejiyeen Xildhibaanada Codka Dhiibanaya Si Codka Looga Iibsado


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Kadib heshiis la yaableh oo ku dhexmaray Villa Soomaaliya habeenkii Jimcaha, ayaa Shariif Axmed iyo Shariif Xasan oo hadda si weyn isugu soo dhowaaday waxay ka fekerayaan qorshaha ugu culus ee looga badbaadi karo in xildhibaanada ay codka siinayaan lagu ogaan karo.

Qorshahan ayaa yimid kadib markii Shariif Axmed uu walaac ka muujiyey in xildhibaanada lacagaha faraha badan ka qaatay ay dhici karto inay musharixiin kale u codeeyaan maadaama codeynta ay tahay qarsoodi, si taasi ay u dhicina loo baahan yahay wax looga hortago.

Shariif Xasan oo hadda hogaanka u haya ololaha Shariif Axmed ayaa dejiyey qorshe halis ku ah xildhibaanada baarlamaanka, Waxaana Raxanreeb u suurtagashay in ilo xogaal ah ay u soo gudbiyaan tallaabooyinka la dejiyey ee la damacsan yahay in maalinta Isniinta ee berito laga fuliyo baarlamaanka dhexdiisa inta ay sicoto doorashada.

Labada Shariif waxay maanta xaflad weyn u qabteen taageerayaahooda oo ay isugu yimaadeen hotelka City Plaza iyagoo halkaas ku soo bandhigay heshiiska ay wada gaareen sida ay cududooda u miideeyeen.

Qorshaha qarsoon ee berito

Shariif Xasan wuuu dejiyey saddex talabo oo muhim u ah inay iyaga guuleystaan maadaama waxa laga welwelsan yahay ay tahay in codka qarsoodiga ee xildhibaanada aan la ogaan karin cida uu u codeeyay [xildhibaanada lacagta qaatay]. Waxaana uu ku qanciyey saaxiibkiis Shariif Axmed in uu ku kalsoonaado ‘farsamooyinka casriga’ ee uu u dejin doono maalinta berito marka ay doorashada bilaabato.

Labada Shariif waxay codadka ku iibsanayaan lacag gaareysa $50,000 doolar illaa $60,000 doolar (halkii cod), waxayna xildhibaan kasta ka saxiixayaan warqad heshiis ah oo damaanad qaadeysa inuu u codeeyo SHARIIF AXMED.

Lacagtan waxaa dheeri ka ah lacag caddaan ah [cash] oo u xiran $50,000 doolar (halkii xirmo) waxaana loo qoondeeyay inay jeebabka jaakadaha ku qaadaan rag tobaneeyo ah oo ka mid ah gacan yarayaasha labada Shariif oo beri tegi doona hoolka baarlamaanka iyagoo iska dhigaya sida ciidamada amaanka, waxaana lacagtaasi loo adeegsan doonaa “raacdo-reeb” haddii loo baahdo wareegyada dambe ee doorashada.

Sidoo kale musharixiinta wareega hore ee doorashada ku hara ayey Labada Shariif kula gorgortami doonaan lacagta ay keensanayaan baarlamaanka dhexdiisa si looga wareejisto codadka ay heystaan una cadeeyaan inay codadka ay heleen ay ku wareejiyeen SHARIIFKA.

Haddaba sidee codka xildhibaanka lagu ogaan karaa?

Shariif asan ayaa keenay in marka hore la sameeyo saddex tallaabo oo isku xigta;-

1- In xildhibaan kasta oo labada Shariif ay wataan lagula ballamo in SAWIR ka soo qaado warqadiisa codeynta isla marka uu ku jiro qolka yar ee codkiisa uu ku soo xariiqayo, waxaana sawirka uu ku soo qaadayaa telefoonkiisa/telefoonkeeda gacanta [mobile] si loo xaqiiqsado inuu u soo codeeyay SHARIIF.

Warqada codbixinta waxaa ku qoran magacyada iyo sawirada “25 musharax”. markaas xildhibaanka wuxuu qalinka ku xariiqayaa “musharaxa” uu rabo, taas ayaana u fududeyn karta in farsamada Shariif Xasan u ekaato mid shaqeyn karta.

Waxaa dhici karta in gudoonka baarlamaanka mamnuuco telefoonada gacanta, taasoo labada Shariif ay ka baqsan yihiin inay ku dhacdo berito markaas ayay laga fekeray labo qodob oo kan ku xiga.

2- Arinta labaad; Waxaa la diyaariyey waraaqo codeyn oo u dhigma tirada baarlamaanka “275″ taasoo ay gaar u heystaan Labada Shariif iyadoo uusan ka warheyn gudoonka baarlamaanka.  Waxaa waraaqahan loogu talagalay in iyagoo diyaarsan la siiyo xildhibaanada taageerayaasha u ah labada Shariif si looga ilaaliyo in qaar ka mid ah xildhibaanada ay codkooda la dhuuntaan.

Warqad kasta waxay leedahay calaamada oo horey loogu sii hor qoray magaca “SHARIIF SHEEKH AXMED” oo ah musharaxa la rabo in xildhibaanku u codeeyo taasoo xildhibaanka iyadoo diyaarsan la galayo hoolka si marka la gaaro waqtiga codkiisa uu bixinayo ugu rido sanduuqa isagoo iska dhigaya in warqada uu ku riday sanduuqa ay tahay tii saxda ahayd.

3-Waxaa kaloo qorshuhu yahay in labada Shariif ay soo geliyaan baarlamaanka gacan yarayaashooda faraha badan kuwaasoo soo sameystay kaarar aqoonsi oo qaarkood ay ku qoran yihiin marti, qarna ay ku qoran yihiin ciidamada amaanka si ay iyaguna uga qeybqaataan qorshaha lasoo maleegay ee baarlamaanka laga fulinayo maalinta doorashada. Gacan yarayaasha ayaa loo adeegsanayaa in xildhibaan kasta [kuwa lacagta qaatay] ay ka hubiyaan inay ballantii ka soo bexeen iyo in kale, waxaana xubnahan had iyo jeer ay istaagayaan meel u dhow kursiga ay fadhiyaan wakiilada musharixiinta si ay isha ugu hayaan warqada uu xildhibaanka ku ridayo sanduuqa.

Qorshanan si uu u fulo, waxay la qorsheeyay in xildhibaanada aysan marka hore warqada isku laabin oo iyadoo furan ay kala soo baxaan qolka codeynta si “gacan yarayaasha” sanduuqa agtiisa taagan ay iska u mariyaan “cida uu codka siiyey”.

Talaabadan waxaa barbar socda in kaamero wax duubta oo qarsoodi ah lagu xiro dusha sare ee qolka ay galayaan xildhibaanada markay codka dhiibanayaan si ay loo ogaado “magaca musharaxa” uu qalinka ku calaamadiyey.

Xubin ka mid ah dadka la shaqeynaya ololaha Labada Shariif ayaa Raxanreeb u sheegay in sababta talaabooyinka loo qaadayo ay tahay in laga digtoonaado in qaar ka mid ah xildhibaanada oo laga shakisan yahay ay lacagta ka qaataan kadibna ballanta uga baxaa, waxaana sheekadaasi ay soo baxday kadib markii dhowaan musharixiinta qaarkood ay xildhibaanada ugu baaqeen inay lacagta qaataan codkana diidaan maalinta codbixinta la gaaro.

Laakiin dadka la socda doorashada iyo gudoonka baarlamaanka waxay aad uga walaacsan yihiin ina arimahan ay khatargelin karaan xildhibaanada oo ay dhici karto in muqtaqbalka dambe lagu ugaarsado nafsadooda loona baahan yahay in gudoonka baarlamaanka iyo guddiga doorashada ay si adag uga hortagaan in arimahan ay ka dhex dhacaan baarlamaanka gudihiisa maalinta doorashada.

Doorashada madaxweynaha, ayaa sida gudoonka baarlamaanka uu ku dhawaaqay shalay waxaa loo wareejiyey xarunta Iskool Boolisiya oo ay amaankeeda sugayaan ciidamada AMISOM iyadoo laga wareejiyey xarunta golaha shacabka kadib markii ay tegista goobtaasi ka cudurdaarteen korjoogtada ajnabiga ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo wufuud culus ay ka joogto magaalada Muqdisho.

 

RBC Radio

Share

Tags:

74 Responses for “SIR CULUS: Qorshayaasha Qarsoon ee Labada Shariif u Dejiyeen Xildhibaanada Codka Dhiibanaya Si Codka Looga Iibsado”

  1. Laascaanood says:

    Waa qorshe fiican waana taageersanahay shiikh shariif inuu markale madaxweyne noqdo waayo waa nin qowl leh oo meel aad ugu soo hagaagayso

  2. hussein says:

    nimaan ninmaan laaluush dhiibin madax noqon maayo masuqmaasuqanaa waa kasiman yihiin hadiiba aysan cadaalad jirin waxaa noo roon shariifka waayo waxuu layimid wax qabad muuqda oo kalsooni le. waana taageersanahay waxaan kajecelahay in aan lamasuqmaasuqin lkn mamuuqato in shalaah waxaan ku tegi doonaa dadkoo wax doorta

  3. Mohamed says:

    Hadii shariif la doorto Somaliya god ayay ku dhacday shariif daciifnimadiisa waxaa cadaynaysa waxaa wili hogaanka u haya shariif xassan ooo ah nin aan waligii iskuul dhigan

  4. Muwaadin says:

    waa in maxkamad la soo taago kuwan haddii kale waxan waa siday u barteen xitaa haddii laga guuleysto ma fariisanayaan..

  5. ifrax says:

    kkkkkkkkkkk raxanreeb idinkaba noqday sharifka 3aad ee welwelka iyo cabsi galinta dadka masakinta ah ka daaya .

  6. zack-london says:

    Laascanood

    Doqon fowqul doqon….ayaad tahey………Waa in laga hortagaa laba daa nin ..berito daqada ayey ka baxayaan………waa inoo berito

  7. khadija says:

    alloow guulee sh shariif waa ubanhanahay waa daacad dalku nabad waa helayaa haduu sii wado howshii uu horey u bilaabay waa kan malin walba taagan meeshii ciidamadu qabsadaan waa nin wakhtigan loo bahan yahay mida fikrada ah waxbaa la isdaba marinayaa intaas xeeladoo midna ma lasameyn karo oo waan aqaan doorasho in badana waan soo joogey ma dhici karto ee dad baqey ayaa waxaa sameeyey oo dacaayad ka dhigaya ma suurta gasho sanduuquna waa moraayad maaha wakhtigii siyaad oo sanduuqa haada lagu guri jirey ayadana ay mamnuuca ahayd maali cad baa la joogaa insha allah sh shariif illahay hanoo soo saaro aamiin aamiin

  8. Fadlan WAJI CUSUB, CODKIINA SIIYA OO AH WADANI, DAACAD, AQOONYAHAN,

  9. aoow nabad says:

    aloow naga qabo labadan iyo intii lasafata!!!

  10. mahmed jama says:

    laascanood adi laguma yabayana waxa tahayna nin laheestana marka hore so xorowna

  11. Asc Somalia godka kale ayey ka dhaceysaa sida hadda laga warqabo oo ay horboodayaan kuwo waxmagarto ah oo dibadaha ku bahdilmey oo xukun raadis ah markii ay isku soo sharaxeen iney madaxweyne i dhaha iyo kuwa dameeraha wadi jirey iyo dibjirka suuqyada xamar laga soo wada uruuriyey inesan somaliya dagin waxaa ka marqaati ah in wali laheysto xoolo islaameed iyo beero islaameed haddba kuwa ku dagaalamya madaweynaha waa kuwo ay wataan Kenya oo rabta iney Badda qaadato iyo kuwo kale oo raba iney somaliya galiyaan maxali oo dibadaha laga wada keeney haddba somaliya waxaa ka bilaabneysa dagaal sokeyey ay wadaan ragga xamar anaa leh ku dagaalmaya haddii aan laga wareejin caasimada xamar iney ka dhici doonto dagaal sokeyey kii ugu xumaa oo faraha laga gubandoono ragga ilmahooda dibada ay u jiraan aysan arki doonin

  12. afmadow says:

    masha allaah waa qorsho fiican dadka o dhan ba asiga ayeey la jiraan.

  13. Raxanreeb olole ayaad wadaan ma adeer faroole ayaa ini soo diray kkkkkkkk

    Labadan sharif waa laba muwaadin oo soomaliyeed waxba ha ku mashquuline faroole iyo Gaas villa somaliya waxba uma yaalan awalba qabyaalad ayey isku baheysteen xafiiskii raisalwasarihii hore Gaas 77 qof oo jifida gaas ah omar maxamuud ayaa xafiiskiisa ka shaqeysneysay waa qabyaalad qaawan reerkaas ha na dhafeen uuf.

    Raxanreeb maalintii prof galeyr isu soo sharaxay shan maqaal ayey soo qoreen oo ka dhan ah profka bal car wakaase reerkooda wax ka ka sheegeen wakaas gaas xeebtii somaliya iibsaday.

  14. jaamac says:

    war labada shariif waxay kuheshiiyeen hagardaamada soomaalida

  15. muuse says:

    somaliya waligeed ma dagayso

  16. NIN YAABAN says:

    yaab war meesha ma lo,ayaa ku xeraysan labadan Shariif sow maahayn nimankii Baarlamaankaan kii ka horeeyay siday doonaan ka yeeli jiray , kuwaanina ma la mid baa ma iyagaa soo xereeyay sidii Xoolihii maxaa loo leeyahay labada shariif haday heshiiyaan iyaga helaya kursiga, Meesha meel damiir laawayal ay codaynayaan baa, Ani ilama aha in labadaas tuke wax keeni doonaan lacagtoodaa melegeed galay hadayse dhacdo waxan la qorayo oo ay run tahay ha ogaadeen waa burbru kii ugu horeeyay oo ay hadana bilaabee nimaankaan is lahayn waxay badbadbaadin doonaan Soomaliya, Hadaba waxaan idin leenahay hadaad tihiin Baarlamaan in yar ba ha ahaatee wax garanaya haw Dooraninana Meesha ay labadan Tuug ee Shriifnimada Tuuganimo kula baxay isku bahaystaan ee waxaad Doorataan 23 ka Musharax ee kale kaad jeclaataan Wallaahi Dadka Soomaaliyeed, Beesaaalamka iyo inta ka naxaysa Soomaaliya baysan doonanayn Labada Shriif Tuug Hadaba idina ha noqonina xoolaha Labada Shariif Tuug Daka Soomaaliyeed iyo Beesha aalamkana wax wanaagsan tusa hadii kale Bakaylow Nin iyo Bur idina waxaad taarikhda ka gelaysaan Baal Madaw

  17. Waberi says:

    Nonsense , I can not believe that I think is a total fabrication . Y

  18. Cadaado says:

    kkkk, lol, waan ka xumahay in Raxanreeb dacaayadaan raqiiska ah lasoo shirtagteen adinkoo raba in aad ku dhaawacdaan doorashada Madaxweeynenimo ee la hubo in uu kusoo bixi doono Shiiq Shariif. Marka, waa nasiib daro adinkoo idaacad dhexdhexaad la’idinku ogaa in aad markaan eex bilowdeen. Maad noogu dartiin sidoo kale lacagta beenta ah “ee website yada qeeyrul mas’uulka ah” qaarkoodna eey sheegayaaan in eey qeeyb ka aheeyd heshiiska labadaan oday dhexmaray”. Wow, ma aanan idinka fileeyn in aad fahmi weeysaan in waajibka idiin saaran eey tahay danta dalka iyo dadka Somaliyeed, adinkoo garab istaagayo hogaamiyaha la hubo ee iska dhaaf waxa hada isa soo sharaxee, xataa labaatan iyo sadexdii sano aan laga helin Somalia dhexdeeda, waa Madaxweeyne Shiiq Shariif ee. Insha’allah, waa noo Isniinta iyo dabaaldaga guusha madaxweeyne Shiiq Shariif, ” a forward thinking leader, unlike none of the other presidential candidates” Viva Somalia

  19. buuhoodle says:

    walahi waa qorshe guracan oo loo malegay umada somaliyeed lakin waxaan arki doona hashaan waxay dhasho. hal xaarana nirig calaal ah ma dhasho. awal ba shiekh sharif xaq daro buu ku yimi shirkii jabuti maantana xaqdaro kale. wale waa lay sujogaa. oo meel lakal aadayo majirto waxan u cutamayn umada somaliyeedna allah baan ka magangalnahay . aniga waxaan taganahay farmaaja mudnaanta leh , dadka mudan hala siiyo .
    laascaanood boy
    walal waa gartaa.sharif waxaad ka filaysaa inuu aqoonsi ku siiyo somaliland sow mahan. wale ma dhacdo.

  20. MAXAMAD says:

    Waaaaaaaaaw!!!! Walaahi Shariif Sakiiin waa Mussibo >>Musssssssssiiiiiiiiiiiiiiiiiiibbbboooooooooo<<

    ILAAH baan kaa magan galnay.

    Masuuliyadse waxay saaran tahay Mr Jawaahiri oo ay tahay inuu hada ka hortago intaa qodob ee sirta iyo khiyaanada ah ee aad soo bandhigteen Cadaaladna uu ku dhaqo dalka iyo dadaka Allaha waafajiyo baan leeyahay

  21. Saxansaxo says:

    Aniga arintaan waan ka walaac sanahay balse waxaan isaga deynayaa in ragga tartamaya uu san midkoodna shareecada islaamka si dhab ah u qaadaneynin. Marka waxaan ALLE ka baryayaa in uu xilka noogu dhiibo midka ugu kheyr roon barwaaqo iyo nabadna noo horseeda.

  22. NIN YAABAN says:

    ADEERAYAALOW WAXAAD DOORATAAN TODOBADAAN NIN MID KA MID AH HADII KALE WAXAAD DOORATAAN 24 MUSHARAX EE KA SOO HARA LABADA SHRIIF TUUGO OO U BARTAY BAARLAMAAN LA BAH DILO BOORSO LACAG LAGU GURTO, RAYSULWASAARE BAALASHA LA HAYSTO, TAHDIID DADKA LAGU SAMEEYO, MADAX DUUBASHO SHABAAB LAGU SHEEGO, QARAX LOO XIRO NINKAY IS YIRAAHDAAN WUU IDINKA MUWAADINSANYAHAY, IWM

    ADEERAYAALOW DOORTA RAGAAN HOOS KU QORAN
    1) BAADIYAW
    2) CADAW
    3) FARMAAJO
    4) GAAS
    5) XASAN SHEEKH
    6) PROF AXMED S SAMATAR
    7) MAXED C/LAHI OMAR

    AMA RAGA KALE OO QIIMAHA BADAN WAR HOOY SOOMALIYEEY HA TAAGERININA SHARIIF SAKIIN IYO SHARIIF AF GUDUUD HANA OGAADO JAWAARI INUU NOQON DOONO MAQAAR SAAR HADII AY GUULAYSATAAN IS XULUFAYSIGA LABADA NAHAAB EE TUUGANIMADA KHAYAAMADA, HANDADAADA, KU CAAN BAXAY WAXAADNA OGAATAAN HADAAD DOORATAAN LABADAAS NIN IN BEESHA CAALAMKU KA NIYAD JABAYSO WAXAY IN BADAN KUSOO TABCAYEEN WAA IGA DARDAARAN WAR HOOOOOOOOOOOOY HA DOORANINA MEESHA AY LABADA SAKIIN IYO MISKIINKA SHRIIF BIIJO OO ISAGA LAFTIISU SAKIIN U RARAN ISKU BAHAYSTEEN
    HADAAD DIIDAAN WAXAAD DHIGTEENBA WAA INAAD DHUUNTA KU DHUFATEEN RAJADII DANYARTA SOOMAALIYEED

  23. waxan tageersane qorshe walbo u ku sooo baxayayo halyeyga khaatumo tageere sheekh shariif sheekh axmed waa guul haddu hada u horeeye cod bixinta raiga dadwaynaha somaliyeed allow guulle madxwayne sheekh shaariif sh axmed muudey dhicisow

  24. puntland 4Ever says:

    Laasocaanood
    Ilaahey ha kuu saa’idiyo caqliga iyo xigmada kugu jirto, Aamiin dheh

  25. Ceelbooc says:

    Raxanreeb waa ilaaliyaha danta shacabka sida uu sheegay musharax BAADIYOW

  26. Puntland boy says:

    Labadaa nin waa lala socdaa xataa waxay wadaan ineey Adaan Jabuuti Ama Casmara mi dood, Xalay waxay laxiriireen Xassan daahir oo waxay ku fakarayaan ineey Duurka galaan, Qorshahaan waxaa wada Waa Shariifka Ex Parlament , Waxuu ku jiraa dagaalkii ugu Danbeeyay Rabana In Shariifka shiiqa Soo noqdo Si aan loola Xisaabtamin Lacagtii Aayka Xadaeen Umada Soomaaliyeed, Marabaan in dad Soomaali ah oo umadaan wax uqabankara, Soomaliyeey be Happy shariifka ex president Waxaa u haray Hrs, Soomaliyana waxaay yeelaneysaa New President , Gaas, Farmajo, ,Samatar ama Badiyow, Viva Puntland & Soomaalia

  27. godogob says:

    ha ku marmarsiyoon laascaanood tuugada ma daageerdee ilahay baan ka barinay mid daacad ah shariifkan aan maskaxdiisa ku shaqaysan aqoon ilaahow na dhaafi mid kii fiicana adaa og raboow 25 kooda ee noogu dhiib

  28. Ugaas Raage says:

    Raxanreeb warkan ay qortey haduu rumoobo oo markaa laba Shariif soo noqdaan arinkaa waxaa uu abuurayaa niyadjab wayn iyo guuldaro usoo hoyata Soomaaliya oo idil.Maxaa yeelay laba Shariif waxaa lagu nacay musuqmaasuq,isqabqabsi iyo ayagoo markan wadanka siwanaagsan u iibsada.

    Tolahayeey timaha iyo ciida.Soomaaliya dambe jirimayso gobolwalbana wuu go’ayaa taa hala ogaado.
    Viva Galmudug State.

  29. sixiroolkii sakiin hawshiisii ayuu bilaabay war somali haday nolol rabto labadaas ha umidoobaan hal nina
    hataageeraan si ay isu raacaan
    labada shariif hadhacaan
    baarlamaanaw dalkiina badbaadiya hadaad shacabka matashaan

  30. kaahil says:

    iskada labada jaahil way udhamatay hada aya waxay shacabka qateen laga soo celenaya kkk viva Gaas.

  31. zaki says:

    KKKKKKK Sh SHARIF WAA NIN QOWL LEH AAA. NINYAHOW MA JIIFTAA MISE WARQADI KHAATUMO UU SAXIIXAY BUU NIN QOWL LEH KU NOQDAY. OOOOPS WARQADAA HADAA WAA KA DABA YIMID WAANA IS BEDELAY,

  32. Geele says:

    Laaska

    Aduu waxaad tahay gunta ——- maxaad ka taqaan shariif aduu idoor ku haysto 21 years.
    Amus inan gumeed yohow.

  33. deqa says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxa warkaas ka kenaya waa jeebka ugukuguritay balse nacas batahay ee danogar ah ha egine eeg dantaqaranka muxuu qabtay tuugu suu urafadsana waan arkijirnay mantana lacagtisii heerkas ayay maraysa intuuk kenay waxaas waa xaqii cidanka iyo xildhibanada somaliya manta haday herka gaadho mugdi ayay dib ugulabatay guushina guldaray noqotay kursiga soomaliyed sidisa madaxwayne iyo raysalwasare iyo gudoomiyebarlaman iyo maxkamadasareba waa in aduunku usoo diyarsha dad uhaya ileen mahaysankarane kuman heshinayaane wasiiradan ha qaybsadan somali ma heshiinkaro qabil iyo laluush iyo danaysi majoojinayo runtii rajadu waa ayliidata alese waxan kabaryin dadkana kuboorin inta wagana jecel in ilah lobaryo kii bad badiye qana uu wafajiyo talada xildhibanada 2 shariif musuq masuq waliba shariifka madaxwaynah ma hubo dhibkiisu mabadna kankale waye afadu kan waninjilicsan waa nin kursiraba haduu hada kufaristan dhibmalahan magac uyal unbuu aha suu hadaba aha xukumada shaqaynaysay ragan cusb ee kartida leh wadanka inay qabtan ayaa aad ugufiican hadiilawayo naxashkenii ayankulabanayna iyo kuraasti xildhibanadu isku tumayen RAXANREEB QORALADAYDA WHY AAD U DIIDAN INAAN FIKIRKAYGA DHIBTO CUNSURINIMADAS WAAMAXAY WAA INOOTAHAY DHAWR JER AYAN DHIBTAY ARAGTI ISLMARKANA MA GUDBISAN NAGADAYA CUNSURINIMADA MISE XULUFADAAS AYAAD DIIDANTIHIN WAX LIDIKU AH ANIGU CIDNA MA NECBI SOMALI AYAN AHAY INAN KUFANO AYAN RABA SOMALIYA CABBDIRAXMAN BADIYO XASAN SH CADOOW NAAJI GAAS RAGAAS AQONTA LEH UCODEEYA BARLAMAN DAACAD HADAD UTAHAY WADANKAGA BADBAAADI DALKAGA HOOYO ILAHAYNA UGABAQ CODKAGANA MARKAD DHIBANYSO TALADA TIIROON ALOOW I WAFAJI DHEH ALAHA IDINWAFAJIYO

  34. abuuh says:

    waar beenta iska daaya waxaan aad sheegaysaan waa malo awaale

  35. Wiil-Mudug says:

    Siyaasadu sideedaba sxb Joogto ah maleh, Faroole iyo Shariif Xasan maalintay Farmaajo radayeen waa wada socdeen, maantana Faroole wuxuu leeyahay Ninkaas iyo Shariifka kale waa tuug, oo asagu muxuu yahay marka, maxaysan ragaas galeen, oo uusan galin. Tan Faroole waa ku saxsanyahay inuu dhaho hala reebo qabqabyaalasha, nin wanaagsan oo aqoon lehna wadanka haloo dooro, laakiin hadii waxaan rabo dhici waayaan waa goosanayaa caqligaas muxuu yahay, Haduu faroole goosasho ku dhawaaqo waa mid aan afkiisa dhaafayn. Tan kale anigu siyaasad ahaan waxaan jeclaan lahaa, Shiikh Shariif inuu si wanaagsan oo aan dhib lahayn, ku guulaysto, laakiin hada odayga meeshii ugu danbaysay bay ka maraysa hala daayo, Four more years for shiikh shariif, Ciyaal qurbaha kayimid yaysan na waalin, oo aan waxba la socon.

  36. laascano isku kalsonoow adiga nin kale intaad hoos fadhisid /ciilka iyo cuqdad baa heerkaa ku gaarsiyey/la heyste ayaad ahaneeysaa labada puntlan iyo somaliland

  37. wadani says:

    Asc, raxareebeey waxaad iska dhigi jirteeen dad dhex dhexaaad ah , lkn markeey sheekadii kulalaaataya waxad la soo baxdeen wajigiiinii runta ahaaa, carabnta waxeey tirahdaa “” kulla inaa’in bimaa fiihi yandhax”", weel walba waxii ku jiraa ka firdha ama ka daata, maanta waxaas oo qeeyla ah iyo cadaabdka idiinka baxaya waa markaad aragteen taageerda shiikh shariif allaah xifdiyee uu ka heeysta shacabka soomaliyed, gaar ahaan reer muqdisho, iyo inta badan xilldhibaaanada, marka hadafkiina waa dacaayada fidin iyo niyad dillid, lkn shacabka somaaliyeed waxaas wa aka qaangaaray, dhegna jalaq u siin maaya, quf qurbajaas ku asaasqay oo aan cml laheeyn,inuu wax caaya ama eedeeyo mooyeeee,.
    War dalkiina taageeero oo dhiso, jpoojiye dacaayadaha wax duminaya iyo kicinta ah, oo waliba ah daacayda aad adinka sameeysateeen.

  38. qandala boy says:

    labada Tuug ee somalia dhibaatada ku haya ama way guuleysanayaan oo somalia meel xun ayay dhigayaan dagaal sokeeye iyo dagaal beeleed kama dhamanayso somaliyana way burbureysaa hadii labadan jaahil loo dhiibo.
    Hadan nahay Dadka degaanka puntland dega 20 sano ayaan somalia daba socona oo dhaqaale iyo maskax ku bixinay balse mardanbe dhaqaale danbe iyo maskaxdanbe nagama geleyso dad jahilnimo iyo qabyaalad madax martay oo aan weligood horomar gaareyn .

  39. wadani daacad says:

    ninkii wax maleego isgaaa ku dhib qabo umada somaliyeed waxey u baahan tahay nin daacad eh oo aanan lacagtii umada xadin ilaahay waa awoodaa meeshii uu maray shariif sakiin inuu maro shariif lasoo gamay waa waxey u doorteen jawaari waakaa shariifkii kale kan kale majixaabinaaayo somaliya waa soo jeesatay laba shariiif waa ku daayeeen bye bye bye laba shariif iyo kuwa jecelba hanadaayaan ilaahay idinkisa somaliya weyka xoroobaysaa labada jaahil eee la magac baxay shariifyo wa bilaahi towfiiiiq

  40. khalif says:

    kkkkk walahay waa yaab abgaal waxii oo dhan qabyaalad ayay kadhigeen maxaa geedi keenay meesha umada somaliyeed in lagu halaago loo gu tashanayo marka hadii shariif ahmed sobaxo nin walbo badada iyo birigaa ga wardiyayso puntland iyo somaliland waxaan kula talinayaah inay xaqisadaan badahooda iyo dhulkooda wayo laba sharif horey ayay u dhaceen umadii somaliyeed hada nah badaha iyo birigu ba waa iib halaga tasahado hanah lugu kala dareero bari hadii lacagta shariif madaxwayne noqoto nin walboow meshada ilaasho somali majirteeh .

    hadii baadiyow sobaxao ama yasiin ama pr cilmi somali waa israacday walahay wanah shartii somaliyed waxaan u habelyay naynaah bari waxaa nah ii xaqiiqoo baysah barlamaanku inay daacad yihiin rabiyow adaan munaafiqiinta iyo tuugada qaban kareeh naga qabo kaa baryaynaah aaamiin

    jawaari waa dadaalay oo ceb maleh lakiin barlamaanku ma xaraan iyo cadaab miyay qadan donaan mise cadaalad iyo jano

  41. ahmed says:

    subxanalaah waaa shariif munaafaq iyo sharif sakiin ilaah ayaa qaban karah halsano ayay milliomad kaydsadeen ay umada somaliyeed ladahay ilaah hadin ku cadaabo akhiro aduunka nah ciriir ku jooga kolay ani somali ayaan ahay waligay cafin mayo lacagtay dhaceen subxanalaah .

    waxaan quustay markuu yiri sharif ahmed diinta iyo daowlada labaan ukala qadayaah . diinta waa ku tukasho dowladunah waa tastuur waa daalin sida ilaah quraan kii sa ku cad

  42. lamiiiis says:

    laba shariiiif allaha naga qabto iyaga iyo sixirkooda llaha ka qabato umada somali waa kuwii wadanka iyo bada gaday yaa rabi illahow hanoo keenin tuugadaaaaaaaaaaaan magacayada shariif wato waa labo fashilantay , oo siyaasada kaseynin jaahil +jaahil =0 kuwaas maan wax kasugeynaa marka

  43. galdogob-gobolka-xiriir says:

    walle anigu waxan u cabsi qaba xildhibaanada naftooda waxanba ka baqaya in la ugaarsado oo meel ay jaan iyo cirib dhigaan wayaan kkk allow sahal amuuraha

  44. Wiil Buuhoodle says:

    Wiil Banterbayle
    Daraawishi === iyo === dagaal waa is yaqaaniin. Guul ay ka hesho mooyaane marna lagama guulaysan hadana ma dhacayso xitaa hadii Puntland iyo SL isa soo raacaan. Siilaanyo markii 8 jeer la jebiyay ciidamadiisii soo weeraray Buuhohodle waataa ku khasabtay in uu la baxo si aan wax danbe looga layn. ====== ma ilaawin Dhuludheer iyo jabkii ka gaadhay. Shalaad dhalateene maxaad taariikh ka taqaaniin.

  45. Raage says:

    Laascaanood kkkkkkkkkkkk Maxaa qorshe fiican ah? Ma Musuqmaasuq iyo lacag ku shubasho? kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  46. buuhoodle says:

    laascaanood ninka watoow shariif ma waxaad ku taageeraysaa inuu khaatumo seeg taageeray mise macna kale ayaad wadaa waa nin jaahil ah somalia aqoon ayay u baahan tahay marka saado ali taageer adiga

  47. Allow na Badbaadi says:

    Labada Shariif waa MAAFIYO baarlammmaankuna damiirkeennoo kalay lee yihiin marka walwal kama qabno in ay meel saaraan nimankaas soaamli la dagay.

    Sharif axmed wax qorshe ah ma leh oo waddanka lagu hormarinayo. waddankana culays iyo kharash buu ku yahay. ninkaan maalin walba diyaaradi u kiraysan tahay.

    Farmaajo iyo Baadiyow baansomali midayn kara.

    Ilaahow mid shariifyada ka khyr badan

  48. allaale says:

    waxaa hubaala hadii labada shariif soo laabtaan ama midkood soo laabto in somaliya dagaalo horle soo bilaabayso alshaabna xoog soo ceshanayso beesha caalamkuna faraha kala bixi doonto.

  49. keerow says:

    ARRINTAAN MA AHAN MID KU CUSUB MASKAXDA SIYAASIYIINTA SOMALIYED OO HOREY U KASHIFEY SHAXDA SIYAASADEED OO AY DEGSADEEN LABA XARIIF OO AHAYD:

    1) INEY SI CAD U SOO MAGACAWDAAN DHAQAN BUG AH IYO XILDHIBAANO IYAGA CODKA SIIN DOONO.

    2) IN AY — KA SAARAAN TARTANKA JAGADA MADAXWEYNE SIDAASNA KU SOO SAARAAN MR GALEYR JAGADA GUDDOMIYAHA BAARLAMAANKA MAXAA YEELEY XARIIF XASSAN INUUSAN KA GADMEYNIN BAARLAMAANKA AYEY OGAAYEEN IYO SIDA LOOGA NACEY JAGADAAS.

    3) QORSHAHOODA WUXUU KU SALEYSNAA IN CALI KHALIIF GUDDOOMIYE BAARLAMAAN QAATO, SHEIKH SHARIIFNA MADAXWEYNE, XARIIF SAKIINA RA;IISUK WASAARE, SHAXDAAS WEY FASHILANTEY.

    4) TAN HADDA WAA INEY SI CADAAN AH U CIYAARAAN OO AH ILLAA WA ILLAA INU SHARIIF AXMED KU SOO BAXO MADAXWEYNE KA DIBNA U MAGAWAABO RA’IISUL WASAARE NIN UU WATO XARIIF SAKIIN, IYO INUU SAKIIN SOO QORTO WASIIRADA D&M ISAGANA JAGO WEYN KA QAATO.

    5) HADDII SHAXDAAN DAMBEY AY KU GUULEYSTAAN ILAAHEEY HAKA DIIDEE, WAXAAN SHAKKI KU JIRIN IN MR JAWAARI UU NOQONAAYO WANKII UDXIYADA CAARAFADA AY U QALAN LAHAAYEEN, WAXEYNA BEDDELI DOONAAN ISAGOO AAN XITTA HAL SANO NAYNIN JAGADAAS XITTAA HADDII AY KA TAKHALLUSI LAHAAYEEN.

  50. Daacad says:

    walaahi waa wax lala yaabo……lacagaha codka lakala siisanaayo waa lacagtii ummada laga xaday
    wali boqolaal baa gaajoonaya oo aan haysan waxay cunaan…..ma raga laga hayo shahaadooyinka suuqaa laga soo iibsan karaa een toos uga daawanay websiteyada ayaa wali talada dalka go,aaminaya
    waa wax laysaga danbayn doono,,taariikhduna qori doonto….waxayse masuuliyadi saarantahay hada waa xubnaha golaha baarlamaanka oo codkooda ka masuula….waxaase sharaf daro ah rag dhan oo noqday baddeecad tukaan laga iibsado…makuwaas lakala iibsanayaa wadanka aan ka rajaynaynaa inay wax na hogaamiyaan..iskuma jiraan raguye waxaanse rajaynaynaa inay inta wanaagsani hadasho…oo ay falalkaasi haday dhacaan marka danbe barlamaanka horkeenaan

  51. darwiish yare says:

    kkkkkkkkkkkk farmaajo nimaan ahayn ma ogolin , gaas iyo shariifyada raali ahaada hadiikale waala idinla xisaabtamayaa kkkkkk gaas musafani ayaa lasoobalamay oo kaalay sakiin sowtiilayidhi gaas ugushub khayaano kale ,, racfaan baanu kaqaadanaynaa heshiiska labada shariif waaar raxanreebay kajawaaba!!!?

  52. Ahmed says:

    Munaafaqiin been baddan waxaad inoo sheegeysaan in waxani qarsoodi ahaayeen haddana waxad umadda ka dhaadhicinaysaan in aad sirti oo dhan hesheen. Soamiddu waxa ay tiraahdaa “il ibtilaysan ayaa wax xun aragta” Oo haddii cid wax uu qabtay lagu dooranayo yaa Shekh Shariif kaga horeeya haddaan qabiil iyo cuqdad idin hayn? Yaase daacad ah oo aan laaluush bixinaynin ee musharax ah, hadiiba aan wax qabad la isku dooranayn? Oo maxaad soo qori doontaan haddii Sheikh Shariif guulayso? Dib ugu noqdda qoraaladda labaddii maalmood aad soo qorteen ee isburinayay, misana aad cudurdaar ka bixin weyseen, mise waa uun iga gaarsii iyo halkudhigiina ah war deg deg ah, xog hoose, sir culus?

  53. Eng Hassan Ismail says:

    Qorshahaan hade ku guuleystan Labada Sharif. Dalka waxaa mar kale awooda badan ku lahaan doono
    === iyo ===== . Waxaa Prime Minister ee ka dhigii doona Prof. Ali Khalif Galeyr oo Khaatuma la ordayo kana soo horjeedo horumarka Puntland.

    Qorshahaan waa qeyb ka mid eh waxee ==== wataan oo Prof. Ali Khalif Galeyr kula soo heshiyay Dubai Ahmed Siinayo iyo Sheikh Sharif Ahmed inaa laga dhigi doona Gudoomiye Barlmaan ama Raaisul Wasaare.

    Waxaa haboon inee xildhbaanada ugu shuuban wajiye cusub iyo musharxin Wadanimo ku jirsto sida Maxamed Farmaajo ama Prof Ahmed Ismail Samatar. Hadi kale waxaa la arka == iyo === oo aqalka hoose iyo aqalka sare iska mamulan Dalkana Hanti iyo deeqaha iska lunsadan sida awal lagu yaqiinay Labada Sharif.

    Allah Waxaa Ka Codsanaa inaa Helno Hogaamiye Islaminimo, Wadanimo iyo Qunyarsocod eh.

    Wabilaha Towfiq
    Eng Hassan Ismail

  54. xaadcade says:

    waa wax laga naxo hadii wali dad Somalia ah ay aaminsan yihiin in Shariif Shiekh Ahmed uu yahay nin lagu aaminikaro dalka Somalia, Somaliya waa ku ceeb in Shariif Shiekh Ahmed uu mar labaad madaxwayne u noqdo, i yada oo ay la dartamayaan rag ka aqoon, garti iyo hufnaan badan. walaal fiiri Somali nimada aqoonta iyo gartida qof aa taageeraysid, inkastoo aan rumays nahay in uu san shariif beri kusoo baxayn doorashada hadana waxaa wanaagsan in qofku wax ku fiirsho masgaxfuran

  55. kamaal says:

    Labada shariif haday mar labaad codka ku shubtaan waxaa hubaal ah inay somaliya noqonayso imaarado yar yar oo gobol walbaa samaysto maamul goboleed kadibna uu ka baxo jamhuuriyada somaliya anigu kolay go’ay oo ka baxay somali hadii labada koofiyadood soo noqdaan…

  56. maxamed garaad says:

    Sheekh sharif in ladoorto baa wanaagsan maxaa yeelay wax qabadkiisa waa la arkay, laakiin kuwa kale waxay hoosta ku wataan qabiil qurmay oo laga tagay dibna in ay noogu celiyaan bay rabaan, hadii kale farmaajo baa ugu mudan inta kale oo sharaxan hada,

  57. qabiil haku feera jabin says:

    kkkkkk Raxan reeb iyo inta shariif neceb waan layaabanahay kaaley iidinka dadka ineysan wax famin miyaad umaleysiin war shaley kaabe qabiil faroole iyo Gaas oo ah Professor qabiil ayaad taageereyseen oo la ogyahay iney lashaqeystaan burcad badeeda oo kenyana raba iney bada shidaal uga qodaan una saxiisaan waliba ninka aad hada ceynheysiin ee shariif sakiin ah ayaad isku olole aheydeen markasta oo aad rabteen nin ===AH in Baarlamaanka usoo sharaxdaan eysuurto gal noqon weysay oo hawiye ciyaaraha idinla fahmey.

    marka hadii uu shariif sakiin weli saaaxiib idinla sii ahaan lahaa wuxuu ahaan lahaa nin wadani wadani ah soomaahan kkkkkk Gaasna wuxu noqon lahaa madaxweynaha qaranka soomaliya oo hade la ogaa in xafiiskiisa dowladi kumeelgaarka ey kashaqeyn jireen 77 ====== oo kaliya ah waa jufadiisa hoowe bal ogoow iskabadaa === kale iyo ===== waa layaab. bal fiiri qabiil meeshuu kagaarey. shariif waa ninkii kusoo muujiyey oo magacaada kor uqaadey oo garoowe oo aan laheyn guryo shir lagu qabto ama shisme qurxoon si calool fiyoow kaaga aqbaley in garowe lagu qabto shirarkii oo laheyn hoteel xataa weyn oo lagu shiro ama shisme weyn oo qurxoon iskuulka wax lagu barto maahanee. ninkaas qabiil mayaqaan waa nin furan hawiye oo dhan qabiilka sidaas uguma weyna waayo ==== oodhan waa lasaxiib iyo === oodhan macam === ee idinkaan luqaafo kadhamaaneyn iyo qabiil waayo walaalihiin ;;, ==== . ==== iyo === xataa wax uma ogolidin ;;;;;; wuuba idinka tashtayee kkk marka waxaan idinkula dardaarmayaa alla kacabsada qabiilmafiicna waakaas walaalihiin xataa idinku naceen ee iska daaya taageera nin walba oo somali ah oo wadani ah dowlad xun dowlad fican ayaa lagu helaa dhibmalahan. cabdulaahi yuusuf allah unaxariistee oo itoobiyankaba wadanka soogaliyeyba waad usacbineyseen waana wadani ayad laheydeen ee alla kabaqa shaqsiga xun ee qabiilkiina waaye aad kutaageereysaan shaqsiga wanaagsan ee qabiilkeena maahan aad kudiideeysaan iska daaya. somali wey wada simantahay hal xuquuq ayeey leeyihiin 4..5 wax ladhaho majiraan cidii madaxtinimada kuguuleysatahala taageero dadoow insha alah qabiilka meel xunbuu nadhigey inaga daaya bros and sisters

  58. Fartuun says:

    Shariif Xasan ha noolaado, walee waa nin noon oo mudan in taalo loo dhiso….
    Waxbarasho school lee miyaa …… aqli iyo karti ayuu dad badan dheer yahay nooloow Shariifow, . Shariif Xasan soomaliya dhan ayuu xukumi doonaa insha Allaah, shariifkana asigaa iska wad wata …. waaaaaaaaaaaaaaw

  59. muna says:

    Alloow 2da shariif naga hor wareeji waxay yihiinba waayo waxan u baahan nahay dad cilmi leh daacad ah

  60. rashid says:

    ka quusta soomaliya labada shariif hadey soo noqdaan,puntland iyo somaliland ha isku biiran dawlad cusub haku dhawaaqdan waa iga talo

  61. luley says:

    shariiiiiiiiiiiiif waa dhacay 20 bishii hore ayuu dhacay mana nagu so labanayo insha allah isaga iyo sxbiibkiisa sakiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin tuuuuuuuuuuuuuuuug tuuugo dhashay , markii dowlad la helo waxan ka codsaneynaa in labada sakiiin maxkamad lasoo taago ,qayaaanoole illahow umada ka qabo waji madow iyo madax gurbaan sakiiin

  62. amisa454 says:

    asc wrwb shariif waa dhamaadey waqtigiisa allah waxaan ka baryeynaa mid diinta ku dhaqo somaali in uu madaxweyne inooga dhigo no more cilmaani dastuur dhameystiran waan heysanaa oo waa kitaabkee aan isku xukuno haddii kale wa iska xarig jiid wa bilaahi towfiiq

  63. Bahdoon says:

    RBC-yey, warkaani war sugan uma sansaan eka, waana wax caqliga ka fog ee bal naga hubiya.

    Calaamada Ilaahay, Dagaal-ogayaasha waxa looga maaro la’ yahay isbaaro iyo agoon dhicideed. Labada Shariifna waxaa looga maaro la’ yahay in ay hurdada khayaaligaa ka toosaan oo ay garaystaan in saacadoodii dhacday. RBC-na waxaa looga maaro la’ yahay been iyo naar-afuufnimo.

  64. Allow na Badbaadi says:

    Allaahumma najiihim( shariifyada) bimaa shi’ta, arzuqnaa axsana minhum yaa rabbi

  65. Nin shariif sakiin uu qorshe u dejinaayo meel fogba ma jiro. Waxaan u sheegillhaa sheydaaan shariif sakiiin waaxad qorsheyneyso u akhri shariiff maskiinow codka iyo warqadda aad leedhay waan wataa ama wwaa la sawirayaa aqoondaradaadaad kaa hadashay miis fog oo dabool yar llh oo aad faraha aad ku qqarinkarto keliyah baa ku sugaya sidaas markayu dhacdana shariif mmisiinow baa ku cunaya maadaama uu krsiga weyndoono lacagna ka baxday

  66. qabiil haku feera jabin says:

    kkkkk luul rayigaada ayaad kahadashey waad ficantahay lakin waxaa su, aal ah labo shariif maxkamad yaasaari karo ileen Shariif Sheekh Ahmed markii statistics aan sameynay sida ugu badan asaga ayaa ku guuleysan doona Madaxa dalka somaliya , shariif sakiin waa sxbkiis. waxaan leeyahay dadka dhamaan halagu kalsoonaado baarlamaanka waayoo cid ama qolo codkeeda laqasbey malahan ayaga sixor ah udoorandoona Musharaxa Madaxweynaha unoqondoona Somalia. ma ogin hada qofkuu noqon doono inkastoo musharaxiin qaas ah lobadinayo iney ku guuleysan doonaan hadane ilaahey ayaa nooga sii aqoonbadan ee waxan rabi karajeyeynaa ruux dalka iyo umada isku si wax ugu qabta dintana aan garab marin allaha nooga dhigo madaxweynaha dalka.

  67. axmed says:

    to qabiil wiilka labaxay asigaa qabiil ka sameysan ee noogala tag daacsiga this web shit man

  68. abdullahi says:

    ilaah baa noomaqan wadan keena saan ayaa udan baysay in lakala gato xildhimaanada, waxaa dhamaatay xishoodkii waxaa dhamaatay xushmadii shacacabka somaliyeed waxaa dhamatay qaraimadii waxaa somaliya kasocota sidaan ay kubilaabatay ayayna kusoconaysaa wixii kadan beeya,,,,,,, alow umada somaliyeed kadulqaad jahliga iyo musuqmaasuqa

  69. abuabakar says:

    why is islamic lands fighting only who is black mailing the world to war? or are they testing their wepons and men’s en womens’s to be xperts?God will give us the answer by actions.

  70. No Corruption says:

    Innaa Lilaahi Wa Innaa ileyhi raajicuun
    Oo waxa meesha ka socdaa waa CORRUPTION ee dimogracy maaha…
    Lacagaha miseysan aheyn kuwo laga xaday dowladda iyo dadweynaha meelkastaba ha joogeene,,,

    Oo sidee loogu qancaa natiijo ka soo baxdaa shir noocan ah oo Corrupted Parliamentatrians ay ku dooranayaan isla kuwii dalka burburiyey…
    Labada koofi dheere ha dhaceen…
    Farmaajo Kor..
    Ina maxamed siyaad kor..

  71. abubakar says:

    Those who turn their back on Islam are to be executed. This is confirmed by the words and deeds of Muhammad. The only freedom of belief in Islam is the freedom to become Muslim.

    Note: Prophet Mo-ham-mad (saw) taught Muslims to murder Jews.

    Sahih Bukhari Hadith Volume 4, Book 52, Number 176: Narrated by ‘Abdullah bin ‘Umar: Allah’s Apostle said, “You (i.e. Muslims) will fight with the Jews till some of them will hide behind stones. The stones will (betray them) saying, ‘O ‘Abdullah (i.e. slave of Allah)! There is a Jew hiding behind me; so kill him.’” Sahih Bukhari Hadith Volume 4, Book 52, Number 177: Narrated by Abu Huraira: Allah’s Apostle said, “The Hour will not be established until you fight with the Jews, and the stone behind which a Jew will be hiding will say. “O Muslim! There is a Jew hiding behind me, so kill him.”

    IF the STONE DID WHY YOU

  72. [...] Qorshahan sirta ahaa ayaa yimid kadib markii Shariif Axmed uu walaac ka muujiyey in xildhibaanada lacagaha faraha badan ka qaatay ay dhici karto inay musharixiin kale u codeeyaan maadaama codeynta ay tahay qarsoodi, si taasi ay u dhicina loo baahan yahay wax looga hortago. [...]

  73. [...] and recruit support from his rival Sh. Aden during a meeting with supporters and MPs at at a swanky $11,700 event at the Plaza Hotel the day before the [...]

  74. ceeri boy says:

    shareef ino baxo bay ahayd lkin ma noqon only hard luck shareef

Leave a Reply