Siyaasiga Bile Qabawsade oo Maanta Xabsiga Dhexe ee Boosaaso Laga Sii-daayey
Boosaaso[RBC Radio] Siyaasiga Bile Maxamuud Qabaowsade oo lasoo shaqeeyey Xukuumadihii AUN Cabdillaahi Yuusuf iyo Gen Maxamuud Muuse Xirsi Cadde kana soo qabtay xilal Wasiirnimo iyo la taliye dhanka Warbaahinta ah ayaa maanta laga sii daayey Xabsisa weyn ee magaalada Boosaaso.
Bile Qabawsade oo muddo 6-bilood ah ku jiray Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaan la sheegin sababaha ay Xukuumadu u xirtay,waxaana mudadaas intaas leeg aan lasoo taagin wax Maxkamad ah oo cadeysa danbiga uu galay.waxaana uu RBC Radio uu u sheegay markii la soo daayey in loo keenay Dikreeto ka timid Madaxtooyada Garoowe,taasina ay ka danbeysay siideyntiisa.
Siyaasi Bile oo la hadlay Saxaafadda gudaha ayaa sheegay in dib uu u helay Xoriyadiisa,isla markaana siideyntiisa ay ka qeybqaateen Siyaasiyiin uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdishakuur Mire Aadam,Cabdi Faarax oo u Ololeeya Dimuqraadiyada iyo Xuquuqul Aadanaha iyo Guddoomiyaha Racfaanka Shiikh Nuur.
…”" Bismilaahi raxmaani raxiim marka ugu horeysa Illaahay ayaa mahad iska leh Xabsiga iga soo saaray,waxaan kaloo boggaadin iyo mahadnaq u celinayaa rag badan oo dadaal badan ka geystay in Xoriyadeyda dib aan u helo oo la isii daayo oo u kamid yahay Wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdishakuur Mire Aadam, Cabdi Faarax oo isna ah nin nabada u Ololeeya iyo Xuquuqul Aadanaha iyo rag badan uu ku jiro Guddoomiyaha Racfaanka Shiikh Nuur iyo ragii gudaha iyo dibadda ka shaqeeyey in la i siidaayo….”"ayuu yiri Siyaasi Bile.
Waxa uu tibaaxay in uu Ogaa in Xabsiga uusan ku waareyn,wuxuuna intaas ku daray in Xarigiisa uu salka ku hayey arrimo Siyaasadeed intii uu ku sugnaa gudaha Xabsigana uusan la kulmin wax dhibaato ah isagoona mahadnaq balaaran u Jeediyey Madaxda Xabsiga dhexe sidii ay ula dhaqmeen.
…”"dee waxaan u xirnaana Siyaasad bey ahayd,waana dareemaayey in maalmaha maalin kamid aj Xoriyadeyda dib u helaayo la isiideynaayo,marka Alxamdulilaah saaka la isoo daayey wax dhibaato ahna majirin,xabsiguna hadde guri kamid ah guryaha weeye,wax dhibaato ahna kuma qabin…”"”ayuu yiri.
Bile Qabawsade oo ah Siyaasi rug cadaa ah kana mid ahaan jiray bahda Saxaafadda Puntland ayaa inta badan lagu yaqaanaa mid dhaliila Siyaasadda Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole,isagoona kala gaban hadalada iyadoona uu ka sheego goobaha la isugu yimaado,Munaasabaha,Shirarka looga hadlaayo arrimaha Puntland,waxaana Xarigiisa iskaba cadeyd in ay ka danbeysay Xukuumadu.
___________________________
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso













[...] Read More: Siyaasiga Bile Qabawsade oo Maanta Xabsiga Dhexe ee Boosaaso Laga Sii-daayey [...]
Siyaasi ruugcadayoow xaal qaado. Bile qabowsade waxaa uu ku soo baxay mucaardkii Jamac cali Jamac. Sidaas ayuuna wasiir ku noqday, oo wakiilka cabdulaahi Yusuf ee xaga kicinta Iyo xaalad abuurka ee bosaaso ayuu ahaa asaga Iyo Cabdishakur mire Aadan. Hadana wuxuu is yiri hadaa qayl qayliso wasiir baa lagaa dhigayaa. Laakiin maxay kuugu yaalaa, Edeb buu yeeshaye. Kkkkkkk. Wixii Ka qabsaday cabsiiye leggii mindhaa cad dambuusan baayicin. Xamar bay Ka curatay oo Iska fowdo ahe Aad dheh.
@Raxanreeb
Marka hore RAXANREEB waxaan leeyahay Faalladaydii hore adeer soo daa kama liidato midda ay dadka ka qoreen odayaasha malaha adiga aad qaraabada tihiin ee kuraasta laga qaatay, waayo wixii aan ka qoray wax ka liita ayaad qoraysaa malaha waxaad ka caraysantahay falladayda dowladda Puntland ba ytaageero u ahayd, taasi waa mid.
Tan kale Bile Qabowsade maxaad inooga daba wadaan mise adigaa wax kaa khaldanyihiin, ciyaal suuq kasta ma akhbaar baad innoga dhigaysaa haddii uu qaatka ku bar go’o, Bile arday baan is la ahayn, markii uu raacayay tuugga Morgan ah baanogaa oo uu af-hayeenka ka dhiganayay iyo waliba sababtii looga dhigtay, marka adinku wixii aan naqaanay baad wax kale inngu sheegaysaan, Bile Qabowsade, waxay ku quruxsanaan lahayd inuu adeerkis Faroole iyo madaxda kalaba la heshiiyo isagoon caaytamin wanaaggana iyaga uga daydo intuu ciyaal suuqii Morgan iyo wixii uu ka bartay ummadda kula dhex wareegi lahaa.
SHarafta dowladanimadana waa in qofka noocaas Qabowsade ah oo kale ummadda lga qabtaa oo wax ay caayaan iyo waxay handadaan raba inay wax ku noqdaan, Qabowsade waxaa leeyahay walaal waxaan sidaas kugu xagxaganayo waxaa weeye wax kale ma ahee waxaadan mudnayn baad innaga dhex raadinaysaa, ee waad is taqaan waana aan ku naqaan ee yeenaan is yeel-yeelin, orod booskaagii waa bananyahay Maslax Max’ed Siyaad Bare iyo Morgan u tag oo xisbigooda af-hayeen u noqo.
axmed,waxaan rabaa inaan ku waydiiyo adiga axmed ahaan maxaa puntland u qabatay ama nafsadaada Bille maxamuud qabowsade waa shaqsi jecel inuu wax u qabto shacabka puntland kana soo hor jeesta musuq maasuqa iyo qabiilka la adeegsanaya ee yaala Garoowe.