Somaliland Oo Baaq U Dirtay Shaqsiyaad Ka Tirsan Al-Shabaab Isla Markaan Ka Hadlay Urur Diimeedka Islaax


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

HARGEISA (RBC Radio) Maamulka Somaliland  ayaa ugu baaqay shaqsiyaadka ku jira Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliland in ay hubka dhigaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo la hadlaayay  Horn Cable TV ayaa sheegay in ay damaanad siin doonaan shaqsiyaadka ku jira Al-Shabaab ee ka soo jeeda Somaliland haddii hubka dhigaan.

“Waxa aan codsi u direynaa dhallinyarada qaatay fikirada xag jirnimada ee ku jira dagaalka ka socda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, haddii ay ka soo baxaan oo ay isoo dhiibaan waxa ay heli doonaan nolal fiican maxaa yeelay qaab qalad ayaa loo adeegsaday,” sidaasi waxa yiri wasiirka Duur, adding.

Wasiirka ayaa ka hadlay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu yiri “ Xisbiga Al-Islaax waa koox nabadeed oo aan ku lug lahayn kooxaha rabshadaha ka wada geeska Africa, marka madaxweynaha waa Islaax waxana uu ka tirsan yahay urur qunyar socod ah, marka waan soo dhaweyneynaa, waxana aan ka rajeyneynaa in uu horre u sii wado wadahal u socoda labada dal ee jaalka ah”

Wasiirka ayaa intaas ku daray “Fikir qaloocan ayay ahayd in wadaadka loo daayo Masjidka, wadaadku waxa uu u xaq u leeyahay inuu tallada dalkiisa ka qayb gallo, markaa ma aha koox dagaal ku jira Al-Islaax.”

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay mar uu maanta la kulmay xubnaha golaha wakiilada Somaliland.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Hargeysa 

Share

Tags:

11 Responses for “Somaliland Oo Baaq U Dirtay Shaqsiyaad Ka Tirsan Al-Shabaab Isla Markaan Ka Hadlay Urur Diimeedka Islaax”

  1. [...] Read the original: Somaliland Oo Baaq U Dirtay Shaqsiyaad Ka Tirsan Al-Shabaab Isla Markaanka Ka Hadlay Urur Diimeedka … [...]

  2. Qardaawi says:

    Axmed Godane uun naga qabsada kuwa kaleeto anagaa iska qabaneynee, xarunta labaad ee shabaab in ey tahay madaxtooyda somali land waa tii lagu sheegay qaraarkii kasoo baxay QM. Ururkaan al-islaax uu ka tirsanyahay madaxweynaha J.F Somalia Xasan sh.maxamuud ururkaas xataa waa urur xagjir ah oo hargeisa ey xarun u tahay. Alow sahal amuuraha.

  3. Somaliland hero says:

    Anigu waxaan ku talin lahaa nimankaa in aan lasoo dhawaysan,waa cadaw weliba ka u xun…waa in la cidhib tiraa meel ay joogaanba…kii soo baxsadana waa in la doogtaa marka ay soo galaan Somaliland…Haddii aan sidaa la yeelin,waxay doofsanyaan dhalinyaro badan oo ay fikirkooda khaldan..waa niman aan noolaan kirin haddii aany dhiig muslin daadin…dawlada Somaaliya gacan bira ku qabataa khawaarijta intii soo baxsatana Somaliland dil ku xukuntaa…waa haddii nabad la doonayo.

  4. yahye says:

    maamul goboleedka Somaliland Alshabab waxay moodaan Gacal walaahi aniga kuwi aan aqaanay hadeey galaan waa ii cadow o wax ay galaan malahan, waliba waa waraabe waraabana rabaayad ma galo ee kuwaas aan leynee iska daaya

  5. ssc says:

    Hahah ma godane ayuu rabaa in uu hoosta soo geliyo.adiga laftaada ayaa meesha lagaa sarayaa.did u see sida ay alshabab u taageerayaan?waa arin laysla ogyahay

  6. [...] More here: Somaliland Oo Baaq U Dirtay Shaqsiyaad Ka Tirsan Al-Shabaab Isla Markaan Ka Hadlay Urur Diimeedka Is… [...]

  7. natah says:

    gacan ku dhigle in la cafiyo waa ku qaldan yahiin danta ey xamar ka lahayen wey ka gaartay laakin ma soconeeyso cafis iyo wax la mid ah

  8. haldha says:

    awalba somaliland aya soo dirsatay si ay koofur usoo baa’biyaan marka hada howshooodii waa soo guteen iyo waajibkii loo dirsaday marka waa gar ahmed godane iyo ragiisa inay saldhigoodii ku laabtaan ee hargaysa balse waa la idinka daba iman doona inta dad caruurtood soo baa’biseen inaad maanta ku noqotaan saldhigyadiini la idinka aqbali maayo amison aya hargaysa la gaynaya

  9. Somaliland hero says:

    waxaan la yaabanahay dadkan leh al shabaab Somaliland saldhig u ah oo way la shaqeeyaan!!! Oo al shayaadiin miyaanay ahyn kuwii qarxiyey hargaysa iyo barlamaanka Somaliland ee weliba ku faanayay dadka masaakiinta ah ee ay xasuuqeen???!
    Somaliland shacabkaa nabada ilaashada ILAAHAYNA isagaa mahad leh…..laakiin nimankaasi naxariis cid uma hayaan…caqli keena , mise tolow waa reer khaatumo seeg waxa sidan u hadlayaa…?

  10. Fadli Cade says:

    waa yaab! 21 sano ayaa dagaalku koonfur ka socday,wiilasha ay iminka uyeedhanayaan waa kuwii
    hormood ka ahaa dhibaatada,wayna ku wiirsan jireen koonkur iyagoo ictiraaaf raadis ah. Waxaan maqli jiray in mudo ah hadal dadka Soomaaliyeed isla dhexmari jireen oo ah”in Ina godane iyo dhalinta reer waqooyi ee ka dagaalamaya koonfur ay Somaliland soo dirsatay si marka koonfur xal loogu waayo iyagu ay ictiraaf u helaan”. Maxay ku keeneen nin 21 sano ummada Soomaaliyeed dambi ka galay oo dhiigood xalaashada markay arkeen in xaaladu ku xuntahay oo laga adkaaday inay Hargaysa uga yeedhaan ,maxayse hada kahor ugu yeedhi waayeen , “timir laf baa ku jirta”

  11. qadar says:

    Hore ayaa loo-ogaa in soo diray Godone si loo aqoon-sado ,kuwan waxaa caawisa yahuuda hargaysa ayaana laga masruufaa hubkana waxaa looga keenaa eritrie,nantanyahuu ayaa masruufa oo sidooda oo kale ayay quqdad qabaan,sida waqooyi u dhaqmayso ay wax uraad sanayso waxaa ka danbaysa yahuuda.

Leave a Reply