Soomaali Baan Ahay. W/Q Cali Ileeye


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Soomaali Baan Ahay
Hal-aqoon Cali Ileeye (Cali marshal)
naleye99@hotmail.com
Sabteembar 04 2012

Maxaa geydha yoontiyo,
Gabayooxa ina baday?
Mici good ma fududee,
Maskaxdaa gidaadoo,
Gudhay oo basaastoo,
Damqashada ka guurtee,
Lafa-geriba jebinnee,
Goormaa la talantalay?
Gunnimayna haysee,
Miyaynaan gob noqon karin?
((Kala-Guran , Hadraawi 2011))

Maansadan Gaaban oo iyada oo hees ahi ay dhawaan soo bixi doonto insha allah ,waxay maskaxdayda kasoo maaxatay ama igu dhaliyay kadib markii aan arkay sida dhulkeenii cadawgu isugu habar-wacday. iyo sida dadkeenii isu damqan jiray ,ee jiidhka kaliyaata ahaa maanta inba siyaasi dan gaar ah wataa meel ugu ootay, cadaawad iyo qabyaaladna loogu kala beeray.iyada oo la ilaabay wixii inaga dhexeeyay ee ahaa ,Islaanimo,Soomaalinimo, Dhul iyo Wadadhalashaba.

Waxaaanay ku bilaabmanaysaa sida tan:

Inkastoon Sirgaxanoon
Soomalhaad dagaaliyo
Saban adagna soo maray
Cadawguna i saanayaday
surka layma jari karo
Sinjigayga lama tiro
Saatirkeena mooyee
sanku neefle kama baqo
Sujuud uma dhigi karoo
Soomaali baan ahay.

Sawracaygu waa kuush
Sumadaydu waa dhaqan
Sunadii rasuulkiyo (NNKH)
Sahaydaydu waa diin
Sal waxaan ku taagnahay
Xididkiisu suganyoo
Siyar layma ridi karo
Suuldaaro Kuma dhaco
Suryo Layma dhigi karoo
Soomaali baan ahay

Haduu gaal Sawaabani
Kugu yidhi ” Silooniyo
Waxaad tiin sadhiyo cudur
Ama duul sabooloon
Sirta nolosha garanayn”.
Siduu sheegay waa been
Adoo ugu sareeyoo
Cidi kaama sidatee
Sanka taag walaaloow
Soomaalibaad tahay

Samaan maleh Gumaystuhu
Ninka siiyay Xabashiga
Soonaha galbeedee
En Ef Dhiina suuq-dhigay (NFD)
Awoowgayna waa siray
Gargaar kama sugaayee
Qofka daba-saqleeyoow
Adna saadanbaad garan
Markuu soodhka kula dhaco

Sooyaalku wuxu yidhi
Seeftii jihaadkee
Axmed gurey la sarakacay
Sayid maxamed Noolee
Aways dogobyo sii saar
Bashiir saancadaalaha
Seexashiyo Hurdo-udiid
Faarax nuurna Saalbaha
Suugaanta kula dirir
Saakana ragbaa nool

Soomaali baan ahay
Soomaali baad tahay
Waxaan nahay Sokeeyiyo
Seedi iyo xididiyo
Saaxiib is jeceloo
Dhamaan waynu simanahay

Allaa Mahad Leh

Hal-aqoon Cali Ileeye (Cali marshal)
naleye99@hotmail.com
Khartoum-Sudan

Share

Tags: , ,

8 Responses for “Soomaali Baan Ahay. W/Q Cali Ileeye”

  1. Ex-Muslim says:

    Soomaalinnimo wax walba inay ka horrayso waa muhiim. Inta kale waa isbeddeli karaa, Soomaalinnimo ma beddelanto. Haddii Soomaalidu Carab isu ekeysiiso oo sheegato oo maskaxda laga xalo iyo haddii kaleba Soomaalinnimo waa joogto ma guuraan ah.

  2. [...] Read the article: Soomaali Baan Ahay. W/Q Cali Ileeye [...]

  3. gundid says:

    Mahadsanid walaal…tan baa iga dhaadhacdo…SSDF somali oo awood leh beey waxeey somali u horseeday gummeeysi, wadadii eey bilaabeen beey SNM qaaday, waa labo jabhadood oo ilaa hada wadanka jilbaha u dhigaya ayagoo ka toortay maamulo hoos taga qeeyriin cuneyaal hadana ku faanaya….Sheekada hadaan hoos u dhigo ragii dilay Sharmaarke oo beeshiisa ahaa,muse xajigii barlamaanka somaliya dhexdiisa xabad ula baxay, yirina ma gun baa ii talin asagoo ula jeeday somalidii kale aan ka eheeyn beeshiisa, kadibna xabada ka doontay xabashi si eey ula dagaalamaan kacaankii iyo saraakiishii wadanka bad-baadshay, markeey wax ku qaadi waayeena xabad ayagoo kabaha madaxa ku sita isa soo dhiibay ayaa masuul ka ah bur-burka somaliya, maxkamadihii wadanka cagaha u dhigay, odaygii SSDF baa mar labaad xabashida noo horseeday, naguna soo hogaamiyay xabashi ilaa uu keenay muqdisho,una rumeeyay riyadii xabashi, ka dibna dhintay asagoo shaleeysan oo leh somaliyeey i cafiya, ma sidaas baa laandheer lagu noqdaa ama xukun lagu raadsadaa, xukunkaad kala dagaala meeysay somali waxaad ka dooratay kan Qeeyriin Cune inuu ku xukumo adoo gun u ah,hadana meelaha la’taagan yihiin Somalinimo been ah iyo ——- bug ah…..Xaqiiqada hadii la’eegana kuwaas ayaa ugu liita Somali maanta….Iga ma’aha in aan duulaan ku ahay qabiil laakiin intii xumeeyd baan duulaan ku ahay…Bur-burka Somaliya kama uusan bilaabman 1991 iyo UNC ee wadaa loo furay, Dadbaana doonaya in eey ceebta iskaga dhaqaan UNC iyo ——….Maanta oo eey dhowr ra’iisul wasaare dhaxleen wexeey ka faa’iideen gunimo, dal bur-bursan, qoxootinimo, waa kuwaa dhahaya Zenawi aniguu iga dhintay….Xil iyo gobonimo ma la is bar-bar dhigi karaa Somaliyeey….Aabe Siyaad bare Naxariistii ilaahay jano ha ugu bishaareeyo…Ragan suu nooga hayay ma’garanayo…..Waxba ha igu eedeeynina qabiil, Somali waa lagu yaqaanaa dhaqankaas, markaad qof dhaliisho ama koox gaara sheekada waxaa loo badalaa dhan qabiil,anbo qabiil baan ka dhashay, waxaana qaatir ka taaganahay Doofaar amxaarada qamrada la’caba, Hooyadii dile, Aydhis qabe Ina ileey allaha Daris kaga dhiga naarta uu Melez ku jiro oo waxba ka liidan Fulay, foolxumo, caaq-caaq dhalay Faroole iyo kan is dooriyay SiilYaanyo, maanta waxaa nahay shan maamul oo ukala dhuumanayo Abysinia,Kilil5, Pintland,Iidoorland,Galmudug iyo Xamar, haba ugu darnaadaan iidoor land iyo Pintland…ilaahay ha i tuso somali oo nabad ah awoodeediina dib u soo ceshata….heer waxa aan taaganahay aan somalinimada ka boxo oo aan naag Masari ah raadsado si aan iska reebo xidinimada somaliyeed….Ciilkaas waxa i badayna waa kuwa taariikh ahaan, dhalasho ahaan u dhashay awoow ka awoow adeegayaal u ahaa kuna darsaday Guumeeysi kal-kaalnimo, dabaqoodhinmo, Gunimo iyo somalinimo diid….Dadkana aan kala saaro waa –land iyo Pintland, kamana hadlayo intooda wanaagsan ee yuusan dhiiga idan ku kicin caadhifaad qabiilna idan qaadin, kuwa aan ka hadlay dad wanaagsan baa ka dhashay oo lagu faani karo….Hadaa dood qabtana igala soo xiriir Gundiid@hotmail.com.

  4. Samadoon says:

    Wakaasaa Soomaali Soomaali dhalay. Annaga qabiileysi iyo goboleysi nagula wareegeysta sida mid maalin dhaweyto ku Buraanburay (Puntlander baan ahay). Mayee Saajin Axmaaraad tahay kkkkk.

    Soomaalinimadu Waa Muqadas No Qabiileysi No Goboleysi.

    Aadbaad u mahadsantahay sxb Cali Marshal.

  5. gundid says:

    Somaliyeey Soo Noqo………ragii nagu taba baray Zenawi iyo T P L F xal ayaa laga rabaa sababtoo ah kuweey taba bareen ayaa qaranimadii somaliya dhulka ku jiiday inkastoo eeda inteeda badan eey somali leedahay 80%

    Yaa bilaabay soona bar-baarshay TPLF? Yaa taba baray? Yaa maal galiyay? Yaa guriyeeyay? who provided them with state of art training in Buurdhuubo, Luuq, Mogadishu, Qoryoley,Qardho,Buuhoodle and balcad…..Aabo, geesi geesi dhalay, Wadani, somali asal ah, Gundiid, Gobonimo doon Allaha u naxariisto Janadii ilaahay naxariistiisa ugu bishaareeyo Aabe Siya
    d Bare?…Tigregan la dhahayo aniguu iga dhintay oo eey somali ukala gabaneeyso wax yar aan idanka xasuusiyo wexeey ahaayeen

    Weeydiiya Sebhat Nega(Maskaxda T P L F) yaa baray sida loo rido xabad..Weeydiiya Melez Yaa ku dhiira galiyay una Carbiyay freedom fighter………Weeydiiya seye abraha(wasiiri hore ee gaashaandhiga T P LF) yaa tusay sida loo duuliya MIG…..Weeydiiya Mohamed samora yonis(madaxa Sirdonka T P L F) yaa u taba baray combat warfare……Weeydiiya seyoum mesfin(wasirkii kharijiga ee hore T P L F) yaa baray ku dhufo ka dhaqaaq……weeydiiya tewodros hagos(Genaral Ciidan) yaa tusay xaguuna ku bartay Aasida miinada……Weeydiiya woldu who taught him how to assemble anti aircraft missiles..Weeydiiya Gebraha dharbaaxay C/lahi Yusuf xaguu ku bartay jabhadeeyn, Weeydiiya Melez Yaa u guurshay Azeb…Weeydiiya oo wyydiiya oo weeydiiya…the list goes on and on and on

    Yaa iisoo Ogaada dareenka Somalidiid Siilyaanyo, Fool xumo Faroole ayagoo goob joog u ahaa Taariikhdan aan ku carbinay TPLF….hamiga iyo balanta loo carbinayay wexeey eheeyd in eey itopiya kala qeeybiyaan,ina weey fuliyeen sida Eretriya oo go’day, itopiya oo lookala qeeybiya maamul kasta iyo qowmiyadiisa, Ogadenia oo ayadana kusoo biirta Somaliya lakin caqligii siyaad bare inta xadeeyn beey anaga nakala qeeybiyeen xabadana iskugu keen dhiibeen si aan loo fulinin Qodobka sadexaad oo eheeyd Qadiyada Ogadenia, waana arinta keentay in la’waayo qaranimo somaliyeed, taasna waxaa ka masuul ah SSDF iyo SNM oo qaran diid ahaa, kuna fogaatay Cunsuriyad iyo qabiil jeceel, Ficilkaas xumaa waa tan waa tan eey maanta guranayaan mirihiisa ayagoo duleeysan ukala dhuumanaya TPLF

    .

    Qurankaas ayaa maanta iisheeganayo Xadaard iyo awood…..

    Somaliyeey Fadlan Toosa……toosa oo isku tiirsada….Qurba ka daalnay….. khaasatan Dhalinyarada Tacliim macquul ah xambaarsan

    qabyaaladana sidii diinta nafartay aan ka yeelno oo ah Litacaarafuu kaliya, Danta guud ee MAMA Somalia halaga hor marsho wax kasta

  6. Amina says:

    @gundiid

    kan labaxay gundiid kaalay yaa ku soo gumaysan jirey?ciil baad u bakhtidaye yaase kuu diidan maad maamulkaad sheegtay samaysato yaa kuudiidan intaad dad aadin garikarayn indhaha ku eegeysid,soomaalida qaarkeed waa faduul miiran haday dowladii dhexe burburtay dadka intii caqliga u saaxiibahayd haday garteen bal maamul yar samaysta oo bal dadka lagu kala badbaadiyo meeshii lagu amaani lahaa hadey ceeb iyo dhaleecayn noqotay waa cajiib.kaagaas oo kale in lala hadlo maaha maxa yeelay waxad tahay nin xanuunsan
    xanuunkaagana la dhimo ileen dowo malihide.

  7. gundiid says:

    @amina….maamul ma doonaya hoos yimaada Abysinia walaal…waxaan doonayaa qaranimo somaliyeed. iyo gobanimo..Hadeey tahay maamul hoos taga itopiya kilil5 baan ka amid mana ku faanaya sababtoo ah waa gun adiga se maamulada aad ku faaneeyso maxaad ugu faani oo eey kaga duwan yihiin kilil5, asagaba ayaaba idanka hormarsan dowladna dhex harsanaya…..deeq waxbarashana siiya somalida….Waxa aan ka hadlayna waa taariikh iyo khaladaad eey galeen kuwa qaranka bur-buriyay hadana ku qan cay maamul aana micna leheeyn oo sidii doona laga yeela….ciilka aad ka hadlayana waa kan na baday qaran la’aan..adiguse dhib kugu ma’aha qaran la’aanta mise waxaad gobonimo mooday 5 maamul oo madaxa laga heeysto oo waxii warqa loogu qora mooyee aan afka kala qaadi karin…..daka kuu diidan qaranimo wexeey ma’ogaatay mise qabyaalad baa indhaha ku tirtay…..

  8. Muslim says:

    Soomaalinimo jano kuma geyneyso ee islaamnimo iyo camal wanaagsan ayaa aduun iyo akhiro lugu faaiidaa. Sxb arab nac ama hanicin hadii qabiil ahaan loo hadlo ayagaa dad ugu fiican.

Leave a Reply