Soomaaliya Oo Saacadaha Soo Socda Yeelaneysa Madaxweyne Cusub [Warbixin]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Iyadoo wareega seddaxaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya la maraayo, isla markaana  ayiskugu soo harreyn musharrixiinta kal ah: Shariif Sheekh Axmed iyo  Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa haddana xarunta Gen Kaahiye oo ay ka dhaceyso doorashada ayaa kulamo goono gooni ah waxa ay ka socdan hallaas.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxana la xiray dhammaan wadooyinka soo gala halka lagu qabanaayo doorashada, oo la dhigay ciidamo badan kuwaasoo sugaya ammaanka goobta uu shirka ka dhacayo.

Waxa laga cabsi qabaa in doorashada ay hareeso musuq-maasuq sida ay lee yihiin dadka odorasa siyaasada Soomaaliya.

Ilaa 24-ka musharrax ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa bixiyay mid kiiba $10,000 oo u dhigan (7,900 euro) si uu qabto xilka ugu weyn dowladda.

Halkan waxa ku yaala qaar ka mid ah musharrixiinta ka dhex-muuqda siyaasada.

SHARIF SHEIKH AHMED. Waxa uu ahaa madaxweynaha DKMG ah oo xilkaas uu qabtay tan 2009, waxa uu horrey u ahaa macallin cilmiga deeganka dhiga ama geography waxa uu ka mid yahay musharrixiinta ugu cad-cad doorashada.

Dad badan ayaa ammaanisan in uu wado abaabul taasoo uu ku doonayo in uu markale xilka ku soo laabtp, waxa uu horreyn  u ahaa hoggaamiye maxkamadihii Islaamiga ee , kaasoo dagaal la galay Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaeda , waxa uu ka soo jeedaa magaalada Jowhar ,qabiilkiisa waa Abgaal oo qeyb ah Hawiye, waxa ay ku xooggan yihiin Koonfurta Soomaaliya iyo Muqdisho.

ABDIWELI MOHAMED ALI. Waxa uu ahaa ra’iisal wasaarihii ugu dambeeyay, waxa uu dhaqaalaha ku soo bartay dalka Mareykanka, waxa uu ka soo jeedaa waqooyiga  Puntlan. Sidoo kale waa suura gala in uu ku guuleesto xilka.

MAXAMED CABDULAAHI FARMAJO. Waxa uu horrey u soo noqday ra’iisla wasaaraha Soomaaliya, waxa uu ka soo jeedaa qabaa’ilka Mareexan Daarood, ee dega koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobalka Gedo.

Farmaajo waxa uu taageero ku lee yahay bulshada iyadoo wadooyinka Muqdisho dibad baxyo lagu taageerayo ka dhaceyn, laakin uma muuqato in uu ku guuleesto doorashada, waxa uu wax ku soo bartay Soomaaliya iyo Mareykanka.

CABDULLAAHI AXMED ADDOW. Waxa uu horrey u soo noqday wasiirka maaliyada dowladii kacaanka, isla markaana waxa uu soo noqday danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka .

Caddow waxa uu ka soo jeedaa qabaa’ilka Habar Gedir  ee Hawiyaha, waxana ay degaan koonfurta Soomaaliya.

CABDIRAXMAN MOCALI CABDULLAHI BADIYOW. Waxa uu horrey u ahaa Korneer ciidamada sidoo kale waa hoggaamiye Al-Islaax oo ka mid ah xisbiga iqwaanul musliimiinta.

CABDIWELI CILMI CUMAR GONJEH. Waxa uu horrey u soo noqday ra’iisal wasaare ku xigeen sidoo akle wasiirka gaadidka ayuu soo qabtay dowladii KMG ah, waxa uu ka soo jeedaa qabiilka Majarteen oo ka tirsan Daarod.

AXMED ISMAACIL SAMATAR. Waa Prof si gaar ah ugu taqasusay arrimaha siyaasada caalamiga iyo sitaa dhaqaalaha, waa qoraa wax badan ka qoray arrimaha Soomaaliya,

Samatar ayaa ka soo tagay Prof uu ka ahaa  Macalester College oo ku taallo Minnesota, dalka Mareykanka.

YUUSUF GARAAD. Waa wariye aad loo qadariyo, waxa uu ka soo shaqeeyay Radio Mogadishu, Garad waxa uu dhawaan ka tagay shaqada madaxa laanita Soomaaliga ee BBC’kadib markii uu wax basrashadii koobaad uu ku soo qaatay dalka xilligii dowladda ay ka jirtay, waxa uu  wax ku soo bartay Talyaaniga iyo France ka hor inta uusan soo dhammeesan shahaadada  masters degree oo arrimaha caalamiga ee dalka Mareykanka.

Radio RBC si toos ah ayaad ugala socon doontaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya  oo saacada marka ay tahay seddaxda subaxnimo ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Share

Tags:

1 Response for “Soomaaliya Oo Saacadaha Soo Socda Yeelaneysa Madaxweyne Cusub [Warbixin]”

  1. Sareeye says:

    raxanreeb ma ciyaal 10 jir aa qorey waxaan mise ha niila jawaabo aa waxa uqortaan indr falanqeyn makaseesiine waxan niga weyn iskaga hara ka nasta

Leave a Reply