Soomaaliya: Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharraxa Madaxweynaha
Muqdisho [Radio RBC] Waxa maanta la shaaciyay shuruudaha looga baahan musharrixiinta doonaya in ay qabtaan doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya, oo Muqdisho ka dhaceysa 10-ka bishan September.
Guddiga dooorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay shuruuudaha laga rabo musharrixiinta u taagan xilka madaxweynenimada ee dealka Soomaaliya.
Afhayeenka guddigaas Cismaan Libaax Ibraahim oo la hadlaayay saxaafadda ayaa sheegay in musharrixiinta dooneysa in ay ka qeybgalaan doorashadda madaxweynaha dalka Soomaaliya qof kasta in uu in bixiyo lacag gaaraysa 10,000 oo dollarka Mareykanka, taasoo ah lacagta diiwaaangelinta.
Wuxuu sheegay in dhammaan shuruuradaha laga rabo musharrixiinta ay ku qoran yihiin dastuurka Soomaaliya.
Waxana ka mid ah
(1) Muwaadin Soomaali, Muslim ah;
(2) Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano;
(3) Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas;
(4) Dhimirkiisu dhan yahay;
(5) Inuusan Gelin denbi culus oo ay maxkamadi xukuntay.
Ugu dambeyn afhayeenka guddiga ayaa sheegay in maalinta bari ay kulan kale qaadan doonaan kaasoo laga soo saari doono qoddobo kale oo ku qoran dastuurka oo hadda aan la soo bandhigi karin.
Waxa Muqdisho ka socda olalihii ugu dambeeyay oo ay wadaan musharrixiinta dooneysa in ay ka qeybgalaan doorashadda, qaar ka mid ah ayaa hadda bilaabay in ay midoobaan isla markaana isku biiray.
RBC Radio
—————
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] Excerpt from: Soomaaliya: Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharraxa Madaxweynaha [...]
Shardiga 1- waa inuu muwaadin yahay waxaa meesha ka baxay cabdiwali gaas iyo farmaajo iyo samatar iyo raga qurbaha ka yimi oo dhan waxayna wataan dhalasho wadan kale sidee loogu aaminayaa dal dhan.
QODOBKA 5AAD,,,, waa inuusan galin DAMBI CULUS OO MAXKAMADI XUKUNTEY?? maxaa laga wadaa?? MA QANYARE,, MADAXWEYNE HA NOQDAA?? IYO XAARAAN KUNAAX??? IYO YUSUF INDHA CADE??? IYO C,FINISHKA, shicibka masaakiinta ah MIIZAANKA SAARI JIREY???,,,,,
MAXKAMADA YAA SAARAYA NIN ALREADY DILEY QAADIGII MAXAKAMADA JOOGEY??
SOW TII LA LAHAA DOWLAD XALAALA AYAA SOO SOCOTA, WAA MAXEY QABQABLAYAASHA??