Suxufiyiinta Soomaaliya oo Hambalyeeyey Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, Kuna Baaqay Inuu Wax Ka Qabto Amaanka Wariyaasha Dalka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliya [NUSOJ] ayaa hambalyeeyey doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo xalay [Isniin 10/09/2012] lagu dooray magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed xalay ka soo baxay ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ ayaa lagu sheegay in doorashada mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay tahay rajada isbedelka dalka, lagana filayo inuu la yimaado marxalad cusub oo dalka iyo dadka u hoseedi karta amaan iyo horumar.

“Anigoo ku hadlaya magaca NUSOJ iyo guud ahaan warbaahinta Soomaaliya, waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Isaaq.

Wuxuu xoghayhu tilmaamay in madaxweynaha cusub looga fadhiyo inuu ahmiyada siiyo amaanka iyo badbaadada suxufiyiinta dalka ee had iyo jeer la beegsado.

“Shaki kama qabno in mudane Xasan Sheekh uu ahmiyad gaar ah siin doono badbaadada suxufiyiinta iyo inuu meel sare gaarsiiyo xoriyada hadalka iyo ra’yiga dadka” ayuu sii raaciyey xoghayaha guud ee NUSOJ.

Doorashada madaxtinimada dalka ayaa soo dhamaatay xalay iyadoo 190 cod uu xilka madaxtinimada ku qaatay mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa maamulihii hore ee jaamacadda SIMAD, haddana ah gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka.

 

 

RBC Radio

Share

Tags:

Leave a Reply