Taariikhda Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud (Akhriso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee caawa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Sheekh wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955-tii halkaasoo uu ka bilaabay waxbarashada Quraanka iyo mida hoose.

Waxbarashada sare wuxuu u soo aaday magaalada Muqdisho isagoo ka dibna ku biiray Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ‘SNU’ sanadkii 1978. Wuxuuna ka qalinjabiyey sanadkii1981.

Sanadkii 1981 ayuu Xasan Sheekh ka qalinjabiyey Jaamacada Phobal University ee dalka Hindiya, wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree.

Sanadkii 1993 ayuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuuna shaqo ka helay hay’ada UNICEF isagoo noqday sarkaalka dhanka waxbarashada ee u qaabilsan hay’adda dhanka waxbarashada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Sanadkii 1999 wuxuu aas aasay machadka SIMAD oo hadda isu bedelay Jaamacad kuna yaalla magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2011 ayaa Xasan uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi uu u bixiyey Nabada iyo Horumarka [PDP] kaasoo uu isaga gudoomiye ka noqday. Illaa haddana waxaa uu hogaamiyaa xisbigaasi.

Xasan Sheekh wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaali iyo English.

Sida dadka yaqaana ay sheegayaan Xasan waxaa uu aad ugu dhow yahay ururka Al Islaax, waana nin aad u dhexgala qeybaha kala duwan ee bulshada oo dabcan haddana sabab u noqotay inuu ku guuleysto madaxtinimada dalka.

Doorashada Xasan waxay soo afjareysaa xukunkii LABADA SHARIIF ee mudada afarta sano ka jiray Muqdisho waxaana ay tan horseedeysaa dawlad cusub oo aan ahayn ku meelgaar oo Soomaaliya ka bilaabaneysa.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO DHAARTA MADAXWEYNAHA CUSUD EE DALKA SOOMAALIYA

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

108 Responses for “Taariikhda Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud (Akhriso)”

  1. shaxda says:

    mansha allah guul
    aad baan u soo dhowaynayaa madaxwaynaha cusub waxaana ku faraxsanahay shaxdii qurxooneyd ee ay dheeleen cabdiweli iyo cosoble ,inkastoo aan taageersanaa farmaajo haddana guul. shakhsiga hadda madaxweynaha noqdayba waa nin qaali ah sida ka muuqata.

    hambalyo

  2. Birqalax says:

    Soo dhawoow Mudane Madaxweyne! Hambalyo, Hambalyo. Noqo kii Dalka Diinta iyo Dadkaba anfaca kana dheeraada xumaan iyo xumaanwale. Aamiin.

    Sidoo kale waxaan Eebe kaaga baryayaa inuu xilka aad qaaday iyo hawshan culus kuu fududeeyo. Aamiin!

  3. Amina says:

    Soo dhowoow Jaale Madaxweyne Ilaah ha kaa dhigo mid caadil ah oo dadka iyo dalka u adeega Aamiin.

  4. hogol says:

    guul guul guul labo shariif iyo GAAS sow isma raacid allow wa mahad

  5. c/majiid says:

    waxaan uhanbalyaynayaa dhammaan ummada soomaaliyeed malkasta oo ay joogaan intaas kadib runtii aad gaan ugu faraxsanahay madaxweynaha cusub ee loo doortay inuu hogaamiyo dalka soomaaliya waxaan urajayn inuu meel kasoo saaro dalka iyo dadkaba waxaana leeyahay Allaah hakula garab galo aamiin aamiin

  6. dryasin says:

    Hambalyo madaxweynaha cusub… waxaan sugnaa waa in dalka oo dhan loo furo SIMAD si wax loo baro.

    Caafimaadka ha laga bilaabo

    Bulsho wax taqaan oo caafimaad qabta

  7. Omar Nor---China says:

    Hanbayo…Hanbalyo…Hanbalyo soo Dhawaaw madaxweenaheena cusub ilaahayna garabkaaga hagalo ilaahayna haku waafujiyo wadada saxan

  8. Shamis says:

    Congrats Bro.
    We want anyone but the two sheikh’s

  9. cabdirisaaq says:

    Hambalyo hogaamiyaha cusub
    baalka ducadana markaan kuu furo waxaan kuleeyahay keii 5 soomaaliya isku raadiya allaah hakaadhigo
    waxaadna xulataa dad aqoon uleh adeegista dalka iyo dadka intaasna aqoon udheertahay oo ilaahood yaqaan
    runtii waan kadharagsanahay meesha qabiil namarsiiyey
    hadaba waa inaan noqonaa dad jaamacad uga soo baxay sidaan u tirtiri lahayn qabiil iyo jahli runtiina waa labada nagareebay asaageen sida muuqata
    waxaa taas noo dheer waa inaan xagga diinta unoqono maxaa yeelay waa mida aan aakhiro iyo aduunba kuliibaani lahayn
    NB waxaan umahad celinayaa ilaaha awooda leh oo khayrka nawaafajiyey waxaa kaloo mahad ucelinayaa gudoomiyaha baarlamaanka iyo labada gudoomiye kuxigeen iyo dhamaan baarlamaanka ummada soomaaliyeed oo geesiyaalka ah sida adag oo ay uga soo baxeen xilka ummadu udirsatay
    waxaana idiin rajayn inaad sharcigay ummada soomaaliyeed dhaqdaan
    Allaa mahad leh

  10. Hambalyo hambalyo xasan sheikh maxamud

  11. maan shaa allah hambalyo hambalyo xasan. 2 shariif macsonkor waa la adinku sugay dalka hkhati buu isnka tagnaa.

  12. DAWEYE says:

    Asc
    waxaad aad usoo dhawaynayaa madaxwaynaha cusub sidii loo soo dhawyn jiray sanadka cusub bari samaadkii somaaliga “KII NII HAGAAGEE NOQO LOO HANWAYN YAHAY”

  13. Hambalyo madax waynaha cusub

  14. mahad mohamed mahdi says:

    mudane hambaliyo waxaan kuu rajeeynayaa in aad noqotid kii shacabka ka saaro baahida baaxada weyn ee u qaban nabada

  15. Cabdiraxmaan says:

    Manshallah Manshallah Ilahayoow rabiyo Somalia nabad nooga dhig Mudane madaxwayne adigana waxaan ku leenahay ilahay hakuu sahlo xilka wayn ee aad qaaday hana kkuu dhib yareeyo aamiin

  16. farxiyo shariif says:

    waxaan aad ugu faraxsanahay madaxweymaha cusub ee somaaliya mudane xasan shiekh maxamuud waxaana leeyahahay noqo kii wadad toosan nagu hogaamiyo insha alah cadaalad iyo wax qabad dhab ah

  17. Aad iyo aad ban u hambalyeynayna madaxweynaha cusub ee somalia waxan rajaynayna in somaliya ay ka baxdo dhibaatada waa nanu idinku soo socona hadi anu nahay reer s/land waayo wax ba kuma hayno land tan anu ku xidhnayn labaatanka sano wax jira ba ma aha been baa la nagu maa weeliyaa ee hada ayaan go aan ka gaadhnay soo af jarida landtan bisaarada ah.

  18. farxiyo shariif says:

    guul guul so dhawoow mudane madaxweyne waxaan ilaah kaaga baryeynaa in aad noqoto kii umada wadada toosan ku hogaamiya insha alah

  19. Ali soomali says:

    Guul Somalia wahabkii ayaa naga dulqacay kacay, madaxweynaha cusub waxaan ilaahay uga baryayaa inuu ku guuleeyo wajibaadka balaaran ee horyaala.

  20. caraseedo says:

    Hambalyo,mar kale hambalyo,waa loo baahnaa waji cusub in la helo,guuuuuuuuul Alle ha la garab galo
    hawshaas cusub ee Ilaahay la doonay mudane Xasan sheekh,guuuuuuuuuuuulaysataye,Alle hakaa dhigo kii dalkiisa iyo dadkiisa anfaca[[aamiin]].

  21. faadumo says:

    MAASHA ALLAAH, HAMBALYO AYAAN LEE YAHAY UMADDA SOOMAALIYEED EE CAAWA KABAXDAY XOOGI IYO JAJUUBKI SIDOO KALE WAXAAN HAMBALYO LEEYAHAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE JAMHUURIYADA FEDERALKA WAXAANA LEEYAHAY TAARIIKHDA SOOMAALIYA KUSOO KORDHI WAX AYSAN ILOOBIN OO WANAAG HORUMARINEED AH, FADLAN HALA DAROOMO KAALINTA AQOONTA.

    MAHADSANIDIIN

  22. bosaso city says:

    waa illaahy mahadii hadii mar laba shariif meesha ka bexeen musuqmaasuqii. wax walbina waxay ku xiraan doonaan siyaasada uu la yimaado shaqadii Gaas qabtayna mirehedii waa kuwaan la guranayo maanta iskoobe ayuu inta qaatay ayuu kaga xaaqay xaarkii reer dawlad diid ay dhigeen muqdisho wax ha hagaag sadeen meel fiican ayaa loo geeyaye ama hadeer ha ku mashquulen wax aan dan ugu jirin

  23. nabadon says:

    ILAAHEY ayaa mahad badan leh marhadii nimankii badaheena iyo berigeena ku gorgortamayey caawa laga adkaadey ooney mardanbe odhandoonin madaxbaanu nahey waxaanba ku nacey wadanixumada ku jirtey ee xitaa sawaaxili oo dunida ugu fuleysan damac ka galey badaheena iyo dhulkeenaba
    ILAAHOW waa mahadaa marlaqbaad

  24. hafiye says:

    soo dhowaw mudane madaxwayne hassan sheih mahamud hambalyo hambalyo hambalyo

  25. hambalyo hambalyo aad ayaan uso dhawaynayaah madaxwaynaha cusub ilaahay ha la garab galo xilka uu qaaday koley waa un madax lakin dhamanten aan la garab galno mahadsanidin

  26. Cabdulaahi says:

    Asc bulsha waynta somali waxan u rajaynaya mustaqbal wanagsan madaxa waynaha cusubne wan u hanbalyeynaya ilah ka dhigo ki xilka saran kuta insha alah

  27. Somalijecel says:

    Waa wax lagu farxo in 2 shariif ay ummadan dhaafeen iyo gaas,waxaan arkaayay gaas oo qalqaalis ku jira waxayna ila tahay that we need new faces

    Waxaa cajiib ah shariif isagoo diin sheeganaya in muddo 3 sanno lagu naco.

  28. Xaaji Maxamed says:

    Bismillaah wal Xamdulillaah, Ascwrwb dhammaan ummada Soomaaliyeed. Waa cusub ayaa u dhashay ummadeena, Allaha waafajiyo Madaxweynaheena cusub toowfiiqda, Aamiin, aamiin. Alle haka dhigo midkii ka SAMATABIXIYO ummadeena xaaladey ku jirto, Allaha qulluubta ummadeenana isku soo wada duwo, ka dhigona kuwii garta wanaaga MIDNIMADA, TANAASULKA, SAAMAXAADA, iyo WALAALTINIMADOODA MUQADASKA ah. Aamiin, Aamiin. Allaha Toowfiiqda Waafajiyo Soomaaliya- Aamiin.

  29. caalim says:

    ar waxaan madaxweyne mahan shariif shiikh axmed madaxweynihii xaqa ahaa bay kahiiliyeen meel ciyala suuq weye barlaman majiro

  30. buteeri says:

    asc hambalyo madaxweeynaha cusub ee umada soomaaliyeed waan soo dhaweeynaaa waa madaxweeynaha ilaah hakuu fududeeyo xilkaan aad qabatay madaxtinimada maanta waad u tartameeysaan maalinta qayaamana shalaay ee idiin noqon doontaa oo yiri rasuulka scw

  31. cadaani says:

    hambalyo guul ayaan urajaynayaa madaxwaynaha waxaan kula dardaarmayaa yeelo lataliye wanagsan oo ilahay kabaqaya maxaayeelay hogaamiye waxaa xumeeya ama wanaajiya dadka kuxeeran iska ilaali asxaabul suu ilahayna hakulagarabgalo aamiin

  32. Pundland says:

    Maasha allah waanu so dhaweynayna waana kugu farax sanahay madax weyne nabada iyo barwaqada illah nogu so dhiibo illahay ha noga dhigo somalia midkey ku degto dabayshi iimaanka la curato allow nooga dhig hanbaylo hanbalyo madax wayne cadila so dhawaw

  33. nurdiin says:

    waa guul soomali usoo hoyatay kadib 22 sano oo jaahiliin aynasoo xukumayee ilaa duunka au shuruud oga dhigeen xildhibaanada shahaada dugsiga sare oo wax lala yaaba ah halka aduunka shahaadada P.H.D shuruud looga dhigo xildhibaanada aduunka xasan shi maxamuud waxaan kula talinaa inuu dhinaca amniga xooga saaro oo uu sameeyo hayad madaxbanaan oo maamusha ciidamada soomaaliya sida dalka masar

    GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUULLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL

  34. Khadija says:

    Gaas. Ciilmaqabtid. Hadii. 2sharif. Ku raaceen. Kkkkkkkkkkkkk.

  35. Wankamudug says:

    Gaas,, Barlamka waxabn ka cods an. Wadanka u hiiliya oo. Isbedelka iyo wajicusub taagera. Oo ah xasan. Adeer gaas farole Adaa dhama ee. Kalay. Putland kashaqee.

  36. dahir burale says:

    hanbalyo… hanbalyo… jaale madax wayne allaha kaa dhigo kii soomaliya iyo shacabka soomaaliyeed sharaftii iyo haybadii ay lahaayeen u soo ceeliya , dalkaa burburay iyo dadka baaba’ay halkuu waayo joogay inaad ku soo celisid meel ka sii fiicanna aad gaadhsiiso ayaan ilaahay kaaga baryaya . mudane madaxwayne soo dhawaw , xilkaa culusna garo una gunto .

  37. luley says:

    guuuul guul hanbalyo mudane xasan shekh ahmed allaha kula garab galo aad baan ugu wafaxsanahay in aad ku soo baxday xilkaaani mabruuuuuuuuuuuuuuuuuk , cadowga allaha kaa qabto waji cusub siyaaasad cusub guuuuuuuuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  38. dahir burale says:

    hanbalyo

  39. khalif says:

    Maantay waa maalin taariikhi ah waayo waxaan furnay geedigii aan kaga nimid hayaankii dheeraa islmaraana waxaa noodhashay hasheenii Maandheeq si dhamays ah. Waxay dhashay nirig aan ugu magac daray Nagaad dowladeena federal ah.

  40. Maryo badane says:

    Gul gul wacan

  41. Nur Soomaali says:

    waa uu dhamaaday xukunkii calooshood u shaqeystayaasha waxaana noo baryey waa cusub ee Allow ina garab gal. Amiin

  42. Farhia says:

    Alhamdulilaah Ilaah kaa og meesha inoo roon waana inaan taageernaa nin walba oo muslin ah soomaali waxaan leeyahay iska daaya Qilaafka waatuu umad halaagay taageera una duceeya Ilaah inuu la garab galo shaqada adag walaalkiin

  43. mandiq says:

    Madaxwaynaha waxaan leenahay soo dhawoow, Alle ha kula garab galo hawsha culus ee mudan in lagaaga tacsiyeeyo. Rabbi ha kuu sahlo, ha ku tuso tan fiican, ha kuu fududeeyo saaxiibo iyo la taliyayaal runta kugula taliya, hana kugu duwo in aad Culimada garab ka dhigato inta talada ka fiicanna in aad qaadato.
    Madaxwayne ogow 4 sano waa yar tahay ee ha ku iibsan Aakhiradaada aan dhamaadka lahayn, ahoow mid Alle ku kalsoon in ka badan inta uu dadka ugu dhaw ku kalsoon yahay. Sharciga raac kana bilow in aad dhiiga joojisid, nabad ku baaqdid kaa dhab ah, shisheeyahana dantooday wataane ka fiirsatid intaadan falin.
    U ogoloow in culimadu tifaftirto Dastuurka oo ka saarto wixii rabbi caro galinaya, Xildhibaanadana u fur siminaaro wacyi galineed oo culimadu diinta iyo qaanuun dajinta qawaacid-deeda ka siiso, dadka khubarada ku ah talo wadaaguna sida umadaha baaramaanadoodu horay mareen isu ixtiraamaan ama fiiriyaaan ha ka wacyi galiyeen.
    Alle markuu raali noqdo waa hubaal in uu ku garab galayo ee uruurso intii 25kaagii saaxiib ka hadleen oo dabbaq inta ka fiican.

    Adeegso qofka AAMINka ah ee Quwwadda cilmi, khibrad iyo go’aanba leh.

    Allow Adoonkaaga xaqqa ku duw oo u fududee. AAMIIN.

  44. Omar says:

    As a puntlander I’m absolutely happy to see this new face. My friend A/wali lost and i’m little bit sad about that, but hey no one takes care of me. I only want to see a functioning government in Somali. Well come mr president.

  45. ahmedpunt---------- says:

    soodhawaw madaxweynahayagaw oo soodhawaw oo mar sadexaad madaxweyne soodhawaw ,ilaahayna talada fiican hakugu duwo oo ummadda soomaaliyeed u horseeda bash bash iyo barwaaqo iyo nabadgalyo iyo cadaalad ……….scww

  46. Cadaado says:

    @bosaso city, Gaas waa qabyaaladiista qurun ah, miraha aad sheegeeysid maxaay? Ninkaan cawirka ah ee xildhibaan gaas waa qaa’inul wadan maalin laga jaaseeyn doono qurunka iyo qabyaalada uu Xamar kula dhex jiro. Waxaad sheegeeysid waa faankii iyo faataa dhugta la’idinku yaqiin waxmatarayaal yahow naga kaxeeyste qashinka gaas, hadii kale………

  47. Hambalyo hambalyo hambalyo madaxweynaha cusub ilaahay ha kugu garabgalo xilka culus

    Faroole ayaan sugeynaa wuxuu ka dhaho mar hadii Gaas daadku qaaday kkkkkkkkkk

  48. ahmedpunt---------- says:

    codsi kusocda shariif shiikh ahmed iyo gaas iyo dawladdii hore lashaqeeya oo uduceeya madaxweynaha cusub waayo waxaad soo’ahaydeen ulul’amarkii hore marka waa muhiim inaad uducaysaan oo lashaqaysaan madaxweynaha cusub ….scww

  49. deeqa says:

    MAANSHAA ALAAH MAANSHA ALAAH MABRUUK MABRUUK XASAN SHIIKH AQONYAHAN SOMALIYED RUNTII MARKAN KADAWADO TGA XAYAYSIINTII LAGASAMAYNAYAY QABKISA NINDAGAN OO QABOOW OO ISKA FARAXSAN AYU AHA HALKAS AYANBAKAJECLADAY ILAHAY INU XILKAS SIIYO RUNTII MUSHARAXAYGII 2 AYUU AHAA HADAN WAYO GAAS ASAGAN UJETAY ALOOW NOOBARAKEE OO NOGA DHIGAN MID AY KUFANAN SOMALI OODHAN INSHA ALAH WAA IFTIIN XALAY IYO CAWANA UMADUKALAFARXADBADAN MADAXDIINAGATAGTAYNA ALAHA MELROON IDINMARSHO WAAD SOO SHAQAYSENE RAJADII WADANKA SOO IFTIINTAY XASAN GUULAYSO UMADA SOMALIYEED OODHANA WAXAN LEYAHAY TAAGERA OO KUTAGERA SAMATA BIXINTA WADANKENAAS ADUNKA KAHARAY RUNTII GUDOOMIYAHA BARLAMAKA MADAXWAYNE MANSHA ALAH RAG AQOONLEH RAYSALWASARAHAN WAXAN KA SUGAYNA NIN AQOON LEH INSHAA ALAH HA ISRACDO UMADAN 21 DA SANO WAALNAYD EE NAXASHAKA SAARNAYD ADIGUNA NOQO KII DALKA IYO DADKABA BAD BADINLAHA

  50. ahmedpunt---------- says:

    soomaalaay abaal darada iska daaya oo madaxdii horay ujirtay waa kuwo naftooda u huray oo soodadaalay oo soomaaliya amase muqdisho heerka maantaya soogaarsiiyay oo ah xamaroo xora iyo goboladii iyo doorasho aanan kadhicin muddo 40 sanaa ,marka deershaa waa looga daraaye yaanan ulul’amarkii laga adkaaday lagu caasiyin oo halaga dhaafo afxumada iyo umahdin la’aanta …….scww

  51. siyad macalim abdi says:

    hambalyo hambalyo guuleyso waligaa

  52. Hambalyo hambalyo run ahaantii waxan ufaraxsanahay si,aan lasoo koobi karin soodhawaw mudane madaxweyne waxan ilaah kaga baryaya kii dalka diinta iyo dadkaba cadaalad ugu shaqeya amiin amiin

  53. Mustafe Jibriil says:

    Runtii hanbalyo ayaan leeyahay madaxwaynaha xusub. Dadka Soomaalidu waa umad wada siyaasi ah oo ay adagtahay in la maamulo oo danyar ah misna ka aradan badankoodu culuumta caalamka oo hadana kibir badan. Allaw dadka Soomaaliyeed kayeel kuwo u hogaansama madaxwaynahooda xusub soona ceshada cisigii iyo sharaftii ay lahaayeen ee ay gacantooda kuburburiyeen..aamiin!

  54. Mohammed says:

    I’d like to use this opportunity to thank A/Weli Gaas and Sh. Shariif ; Gaas for his dedication and hard work that made a lot of what is happening possible. He is a true patriot. I’m expecting him to be an even greater patriot as a member of parlament.

    As to Sh. Shariif; Thank you for the stepping down with the dignity that you did. It’s an example worthy of the first president of our republic.

  55. Ahmed says:

    mansha allah guul.

    I just hope he learned in the pass. I wish him good luck and i hope he choose different PM other then the clans or the people who use to held this position.

  56. Amina says:

    @Cadaado waxan u malaynayaa inaad tahay qof maan gaab ah amase da’yar maxa yeelay markaan arko adoo wax soo qorey waxan arkaa adoo dad khaas ah iyo meelahay degaan caayeysid weli ma’arkin adoo comments akhlaaq leh soo qoray waxan u mulaynayaa pal talk baad ku hadal baratay.by the way nimankaad taageerada u hayn jirtay ee 2 Shariif Ilaaheen aan xaq ku caabudnaa na dhaafiyey oo ducadeena noo aqbalay Ilaahbaa naga soo gaarey intaysan wadan la’aan nagu dhicin oo aysan gaalada nagu wareegsan Wadan kayaga laga iibsan.M/weynahaan cusubna Ilaaheen Kama dhigo ayagoo kale Amiin.

  57. AXMED SUNI says:

    Waa baa u baryay soomaliya .hawsha ku hortaal Mudane madax wayne way balaaran tahay…noqo mid u shaqeeya ummadan soo daashay ..xilkan waa culus yahay la imoow dusheedii ,doorona ragaa aqoonta leh ee kula shraxnaa aan filayo inay u soo guntadeen badidoodu sida aad ugu soo tafa xaydatay in Soomaliya la badbaadiyo.
    yaanay ku dhaafin aqoon iyo khibrad baa ka buuxdee….
    Gobolada leh maamulada meeshay doonaan ha ahtee waxaby kuu hayaan oo kuu fudaydiyeen ee ku maamulo halkooda una dir hayádaha dawlada oo dhan kalan xisaabtan amniga musqmmaasuqa baahsan ay ku jiraan..ciidamada calooshood u shayqaystayaasha ah ee jooga aan sharciga ku joogin ciida soomaliya..burcad badeeda ,xag jir nimada ,iyo qabyaalda iyo jahliga .
    ILLAAHAY XILKA HA KUU FUDAYDIYO.

  58. NINA says:

    hambalyo hambalyo madaxwayne xasan sheekh maxmud waa soo dhawynaynaa waa wadani ilaahay tubta toosan ha ku taakuleeyo inta tayda leh ee isa soo sharaxay ee kalena waa inay la shaqeeyaan si qaranka loo dhiso guuuuuuuuuuuuuuuuuuul insha ALAA

  59. Habalyo Habalyo Madaxwyene Xaqa allaha ku tuso.hawshaada ka bilow sidaad ciidanka hawshooda iyo Mushaaharadooda wax uga qabanlahayd,masaakiinta ogow Eexna iska illaali.

  60. maashaallah madaxweynaha cusub ee dalka soomaaliya. illahay ha ka dhigo kii dalka iyo dadkaba anfaca illaheyna ha barakeyo. amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  61. maashaallah madaxweynaha cusub ee dalka soomaaliya. illahay ha ka dhigo kii dalka iyo dadkaba anfaca illaheyna ha barakeyo. amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  62. puntlander says:

    hambalyo madaxwayne ilaahay hakugula garab galo msuuliyadan hakuuna fududeeyo

  63. hersi says:

    Waxaan rajaynayaa inuu dhamaan muwaadanniiinta qalbigooda dejiyo gaaar ahaan wallaaleheena isku magacaabay shabaab o dagaal uun ku jira. Horumar laguma gaaaro daagaalkaa aad kula jirtaan walaalihiin baahida ayaa wx walba sabab u ah

  64. aadanyare says:

    ilaahay wanaag badnaa labada shariif shirqoolka iyo kushubashada doorashada ay ka wadeen ilaahay waa la gidiyey haddii mar ay dhaafeen ummadda, hadda ayaa horumar la gaarayaa iyo cadaalad ilaahay ha la garab galo madaxweynaha cusub xilka loo dortey, waxaan talo ku siin lahaa dhaqanxumada labada shariif ka fogoow wallow aan aamiinsan ahay qof aqoon ku filin leh inaad tahay,cadaalad,horumar dhanwalba ah ayaa lagaa sugayaa tariikhda ayaa qofwalba sheegi doonta.

  65. Abdirahman islow says:

    Masha alah ayaan ugu hanbalyeynayaa mudane madaxweyne xasan sheeq maxamuud noqo kii dalka diinta dadka wa u qabta insha alah

  66. Wadani says:

    acw . warbisinka haloo qabto in illaahay u fududeeyo,wuxuu lakacay xamuul aad u culus,oo xadhgo tamar yar ay ku xidhan yihiine, war haloo kaalmeeyo si loogu liibaano, dal iyo dadba, waxaan odhan lahaa isagana war eex iska ogow,oo amuuraha dhexdhexayso, waxaan kaloo kula talin lahaa in uu soo xusho dad aqoon leh oo yaqaan waxa ay qabanayaan, oo alle ku xidhan aana balwad lahayn.waxaan urajaynayaa guul,guul aamiin allow

  67. mr.suldaan says:

    hambalyo!hambalyo dhaman umada somaliyeed waaga cusub ee hada inuu dhashay mida ka hilman hadal kuma jidho waxan u hambal yey naya madaxweynaha federal ka jamhuriyada qaranka somaliyeed mudane madax wayne xasan sheekh maxamud hambalyo and bisharo

  68. Maxamed says:

    Hambalyo mudane madaxwayne
    soodhawow . Illaahay hagu guuleyo xilkan culus eed qaday
    noqo midkii kasama tabixiya dad&dalka dhibaatooyonka
    una horseeda nabad iyo hormar wara aamin aamin

  69. Maxamed bashar says:

    Masha allah sodhawow jaale madaxweyne wad uqalanta xilka lagu dortay hadanu nahay ardayda jamacada banadir ad ban kutagersan nahay alla hakula garab galo

  70. kabeJuude says:

    Guusha President Hasan waa guul laba shaydaan lagu dilay (Shrff & Shrff sakin) umadda Somaaliyeed na badbaadishay Guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuulllllllll
    alow saruur madar kicis nooga yeel

  71. yacquub says:

    ASC Ilaahay ayaa mahad iska leh,Nebi muxamedna nnkh ahaato,
    Intaa dabaeed ilaahay ayaa ka aqbalay 7da samo dushooda inuu noqdo madaxweyne
    Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay waxaana leeyahay kii diintiisa dadkiisa iyo dalkiisa nabad ,caddaalad,horumar iyo samatobixinba u horseeda ilaahay ha kaa dhigo
    Guul iyo Gobanomo

  72. Xaawa Taako says:

    Salaama Caleykum waraxmatulahi wabarakatu. marka hore waxaan aad iyo aad uugu faraxsanahay ( maba qiimeyn karo farxadeyda) in Sheikh Sharif uu meesha ka baxay!!! mar labaadna waxaan u hambalyeenayaa madaxweyneheena cusub His Excellency. Xassan Skeikh Maxamuud, waxaanan rajeenayaa in uu noqdo qofkii ay soomaali u oomaneyd 21 kii sano ee lasoo dhaafey ilaahayna waxaan ka baryayaa in uu ku garab qabto mas’uuliyada culus uu garbaha u dhigtey. AAMIIN.

  73. Ruweydha says:

    Alxamdullilah somalia with a new face i hope n pray he is the one that leads somalia to be a better country 4 ol…n may Allah help him in every step of his way to success inshaAllah….aamiiiiiiiiiiiiiiiin

  74. Batula says:

    Allaha kula garabqabto Madaxweyne, Illahay ha ku siiyo la taliyayaal wanaagsan oo Muslin ah oo daacad ah. AAMIIN

  75. samadoon says:

    dadka laangaab ka ah wxaa lagu gartaa markay maqlaan gaas faroole ayay lasoo boodayaan maxaa iska galay geeloodu ma wada daaqo siyaasasadna waa kukla durkeen intii ugu danbaysay hadana wxa taageero ah uma samayn intuu doorashada ku jiray war === in is og oo qabiil isku taageeri karta maaha kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa 33 qabiil maaha hal qabiil yaan cuqdad ku galin markaad magaca guud aragto xataa xidhibaanada isku si uma wada qaybsan ===== markuu qaatay intiisa kii raysalwasaare ah kii wasiir noqda kii madaxwayne noqda kii puntland madaxwayne ka noqda magacaa hadaa maqasho wxaa moodaysaa reerkiinoo kale kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk maaha waa beelwayn aan dameerohoodu xataa is aqoon kan bosaso jooga kan raasacayr jooga isku lahjad maaha kan raskambooni jooga kan booso jooga geeloodu mawada daaqaan kan garoowe kan qardho isma fahmaan kan kaalkcayo kan kismaayo isma fahmaan adeer yaan xanuun aad la wareerto kugu dhicin intaad === hal qabiil moodo anuu == ayaan ahay waligay masheegan === kkkkkkkkkkkkkkkkk reerkayga khaasatan laftayda ayaan wadanka ku joogaa hadii laywaydiiyo marka dadka qaarkii xisaabta ayaa ka khaldan ciladana wax kale maaha waa laangaabnimada kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk allow sahal umuuraha

  76. jama says:

    manshalah hanbalyo runtii waxaa loo baahan yahay nin aqoon yahan oo waaqica dalka fahan san runtii waxaan ilaahay uga rajaynaaa guul madaxweynaha cusub waa nin waayo aragnimo badana u leh somalia oo labaatan kii sano ee u danbeeyay gudaheeda ka shaqaynayaa ta labaad waa nin islaami fekerkiisu uu yahay fakar wasadi ah oo fahan cumqi ah u leh shareecada islaamka aad baan u tageersanahay madaxwaynaha ilaahay ha la garab galo inshalah ilaahay madaxweynihii la sugayay ha uga dhigo shacabkaa masaakiinta ah hana la garab galo oo halala shaqeeyo waayo qof kaliya wax ma qaban karo.

  77. Ise farhan says:

    waa farxad u soo hoyatay ummadda soomaaliyeed . ilaaheyna ha ka dhigo kii DAL iyo DADBA ay ku liibaan

  78. Samawade says:

    Waxaan ilaahay ka baryayayaa inuu ka dhigo madaxwaynaha cusub kiii umada somaliyeed dhibka iyo rafaadka uga bixi lahayd. Waxaan kaloo alle ka baryayaa in uu u fududeeyo shaqada adag ee balaaran ee hor taal madax waynaha cusub. Waxaan dhamaan umada somaliyeed ku boorinayaa inay la garab istaagaan ducadooda, caqligooda iyo maalkooda si loo samata bixiyo dalka somalia. Qabiil ha dhaco Somaliyana ha noolaato!

  79. raage says:

    Somalia guul guul
    Ilaahow noo dhamaystir iftiinkaan noo bidhaamey
    kuwa sharka wadana naga qabio adigaa yaqaane
    aamiin

    umadda soomaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa kheyrkaan ilaah keeney
    Soamaliya waa markii labaad oo ay dhalato
    June and July 1960 ==== Sept 2012
    kee baan u dabaaldegi doonaa ?
    allahu akbar

  80. ????? says:

    ????????
    maashaa allaah hambalyo pro madaxweyne xasan sheekh maxamuud waxaan kuu rajeyneeynaa in aad xilka culus ee aad qaaday in aad sida loogu talagalay u gudatid Ilaahey hakula garabgalo inshaa alaah ( mudane madaxweyne Noqo mid caadil ah aan eexan Noqo Mid dadka iyo dalkaba anfaco Noqo mid diiintiisa ku dhaqo dalka iyo dadkaba Noqo garsoore caadil ah ?????????? ?
    ????? ??? ?????? ????? ?????? ???????

  81. Kismayo33 says:

    Runtii isbeddelkan waxaa weeye isbeddel qudha until laga helo arrimahan hoos ku qoran:

    1- Xasan Sheekh inuusan noqon American or Abyssinian ploy

    2- La hadlo mucaaradka Soomaaliya

    3- Diidid qayaxan la soo istaago waxa la yidhaa Somaliland iyo beenteeda.

    5- Maamulkiisa ka dheereeyo tuugada Abdiweli iyo shariif ka buuxiyeen Villa Soomaaliya.

    6- Caddeeyo in Somaliya ku soconayso shareecada islaamka

    7- Timetable u sameyo sanka dhuudhida si ay uga baxaan dalka

    8- Somali file carabeeyo oo ku soo celiyo Somaliya caalamka islaamka.

    9- Ka haro garab islaax ee gadh yare iyo ragga sheekhaaleed ee la socda

  82. Omar says:

    Kismaayo; Saxib xagee shareecada aad sheegayso ka shaqaysaa ama ka shaqaysay?i don’t believe in shareeco, dalkana waan kula wadaagaaye bal adigu tab dheh.

  83. Mohamud says:

    Hassan Sheikh Mohamud waa nin daacad ah Soomaliyane Nabad & hormar u horseedi kara Allow ka yeelo Hogaamiye wanaagsan. AAmmiin AAmmiin. Sidoo kale Hassan waa Aabaheygii dhinaca waxbarashada maadaama aan ahay arday ka tirsan Simad Family. HAMBALYO IYO GUUL WACAN ayaan ku leeyahay Pro: Hassan Sheikh Mohamud

  84. somali says:

    asalamu calaykum salanta islamka dib madaxwaynaha cusub illaahay xilka ha u fududeeyo hana ka dhigo mid caadil ah oo muwaadin ah… soomaali oo dhana waxaan kula talinayaa in ay u duceeyaan lana shaqeeyaan insha allahu tacaalaa .. madaxwaynaha na waxaan lee yahay iska jir gacmaha shisheeyaha oo maskaxdaada ku soco yaan wax laguu yeedhin… sidoo kale iska jir madaxda dawladaha inagu hareeraysan waayo nasteex soomaaliyeed ma wadaan just xaq jaarnimo ah ayey inagu lee yihiin intaas yeynaan isu dhaafin….. illaahay soomaali dawlad awood leh ha ka dhigo ….. oo meel mar leh dadka soomaaliyeed na waxaan lee yahay waar sir aynu yeelano ….. oo wax kasta oo aynu damac sanahay yaan suuqa laga helin mida kale shicib ku ha iska daayo maqaaxi kasta siyaasadan uu kaga sheekaynayo oo ha loo daayo siyaasada cidii ku shaqo leh insha allahu tacaalaa illaahay tawfiiqda ha ina garan siiyo… mahad sanidiin…

  85. Kismayo33 says:

    Omar

    Shareecada hore caalamka islaamka way ka soo shaqaysay haddana haddii ay raggeeda hesho way shaqaynaysaa insha Allaah..

    Haddii hadalkaada sida u dhigan yahay loo qaato oo wax kale jidhin sida waalli, ikraah ama inaad diinta ku cusub tahay……which something aad u fog xukumkaada waa cad yahay

    Haddii aadan sharreecada islaamka rumaysnayn waxaa tahay kaafir khaarij al millah.

    Haddii jees jees iyo halaaga sheego ay kaa tahaynay waxaad ku dhacday gaalnimo badhax tidhan

    Haddii aad ahay kuwii baadariga koreyn ogow dal nagama dhaxeeyo.

    Waxaad cadhun uraya oo u baadan in ummadda laga qabto

    \Nabigu wuxuu yidhi

    Nabigu wuxuu yidhi ninkii ama ruu diintiisa beddela qoorta ka gooya.

    Without political correct that is what islam says in plain language for disbelievers like you.

    Gaal baan ahay Soomaliyana way naga dhaxaysaa kulahaa.

    Wallee war la’aan ayaa ku haysaa.

  86. hinda abdille says:

    sheikh shariif waxaa u wanaagsanayd inuusan isa soo sharaxin halkaana karaamuu ka heli lahaa balse hada asagoo cidiyaha iyo hantidii qaranka intaba ku dagaalamay ayaa hadana laga guulaystay taana waxay ku tusaysaa bislaanshaha loo soo bislaaday iyo baahida loo qabo in la helo dawlad rasmi ah.
    Koley dadwaynaha soo maaliyeed ma helin codkoodii ninkii ay doonayeen, balse lama khasaarin maxaa yeelay dawadan cusub markii lasoo baaray ciladaha ay leedahay lama helin cilado xun xun. sidaa darteed waxaan illaahay kabaryaynaa inuu nooga dhigo dawo dhamaan umada soomaaliyeed iyo dalka soomaaliyeed ku wada caafimaadaan.cadaalad iyo garsoorna saldhig u noqot. madax waynaheena cusubna allaha waafajiyo, allahana ku aadiyo koox saliim ah oo lamaamusha wadanka daacad ah, aqoonyahanaa, diin leh, aqliwanaagsan,wadaniyiin ah. allana tuso jidkuu ku kasban lahaa arimaas. Aamiin, Aamiin, Aamiin.
    Madaxwaynaheena cusub iinsha allaah wuu guulaysanaya hadii uu iska illaaliyo waxyaabihii kuwii horeba ku baabe’een, kuna mutaysteen aakhiro la’aanta iyo ceebta aduunyo intaba, sida cadgoosiga, hantida qaranka ku takri falashadeeda, iskana ilaaliyo inuu qabiil kusiiyo waxaysan xaq u lahayn cabsi uu ka qabo, jacayl uu jecel yahay iyo wixii lamid ah.
    xukunku

  87. Dahir jago says:

    somalia shiikh badanaa .shiikh sharif,xasan shiikh,sharif xasan shiikh,c/raxman shiikh,c/samad shiikh maxud,kkkkk matafaaful baa kkkk

  88. wadani says:

    doorasha waxaay u muuqatay 1960 markii ay soomali la soo noqatay xoriad. ilaahayna waxaan ka baryayaa in uu xasan sheekh uu noqdo madaxwaynihii 5 soomaali isku soo calinin lahaa . qabiilka iyo calamada beeleedka iyo madaxwanayaash land xaaraanta ah

  89. matan says:

    madaxwaynaha cusub waan u hambalyaynayaaa welcome shacabka somaliyaa waa ay kusugayaan eee wax u qabooo

  90. faadumo says:

    Aad iyo aad ugu faraxsanahay illaahay haku fudu deeyo xilkankan aad qabatay laakiin welli cadow ayaa jira allaha kaa qabto Aamiin

  91. sharmaake says:

    madaxweyne hambalyo

  92. [...] Waa safarkii ugu horeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaga ambabaxo Muqdisho tan iyo markii la doortay 20 maalmood ka hor. [...]

  93. [...] Monday tour will be the first travel the new man capital goes outside the capital since September 10th when he was officially sworn to the office and the visit comes amid tough  consultations to [...]

  94. [...] Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka isu diyaarinaya inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku siijeeda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo noqoneysa magaaladii labaad ee Soomaaliya ka tirsan uu boqdo madaxweynaha cusub. [...]

  95. [...] 100-ka maalmood ee dawlada madaxweyne Xasan Sheekh oo Raxanreeb ay heshay ayaa sidoo kale qeexaya in markii ugu horeysay la isu keenayo culimada [...]

  96. [...] 100-ka maalmood ee dawlada madaxweyne Xasan Sheekh oo Galcad24 ay heshay ayaa sidoo kale qeexaya in markii ugu horeysay la isu keenayo culimada [...]

  97. hanad says:

    somaliya hada ayeey heshay madaxweyne daacad ah oo aqoon uleh horumarka wadanka iyo mida umadaba guuleyso mudane madax weyne

  98. [...] Toddobaadkan lagu guda jiro, ayaa sida ilo wareedku uu sheegayo lagu wadaa in la shaaciyo guud ahaan liiska wasiirada oo dhan iyadoo munaasabada ku dhawaaqista wasiirada cusub uu goobjoog ka noqon doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. [...]

  99. [...] xilli shirarkii wadatashiga ee lagu dhisayey dawlada cusub ee Soomaaliya ay soo gabagaboobeen kadib doorashadii madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud dalka iyo xulistii baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo dhamaantood odayaasha dhaqanka ay saldhig u [...]

  100. [...] (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan albaabada loo xirtay xafiiskiisa madaxtooyada kula yeeshay wakiilo ka socday [...]

  101. [...] dhowaan la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana laga baxay dawladii ku-meelgaarka ahayd ayaa waxaa soo muuqday ifafaale hor leh [...]

  102. [...] Madaxwewyne Xasan Sheekh ayaa socdaalkiisa uu noqonaya kii labaad oo uu dalka kaga baxo tan iyo markii isaga la doortay bishii Sebtembar ee sanadkan. [...]

  103. [...] way jirtaa rajada ugu horeysaa waxaa weeye dawlada cusub iyo madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh, waa nin edeb leh , koley anugu wadaniyadiisa iyo kartidiisa shaki gelin maayo” ayuu sii [...]

  104. [...] iyo shaqooyinka dawlada si ay ugu diyaariyaan wajib hawleedyada (job descriptions) xukuumadda iyo madaxweynaha ay kala leeyihiin, arrintaasoo UNDP ay [...]

  105. abuuqdiija says:

    illaaha cusub eeydoorteen shacabaka soomaaliyeed waa xasan sheeq maxamuudee waxaan idinleeyahay usoolaabta oo utoowbatkeena allaha koonka ee xaqa ah kanasoolaabta illaaha baadilka ah oo aatdoorateen

  106. [...] ka sheekeeyay waayo aragnimadiisa uu u leeyahay marxaladihii dalku soo maray mudaddii burburka ee uu isaguna ka shaqeynayay ururada maxalliga [...]

  107. Yusuf says:

    Aad iyo aad ayaan usoodhaweynaa madaxweynaha cusub kiina anfaco allaaha kadhigo howshaan culusne allaa ufududeeyo

Leave a Reply