Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Soomaali Oo Ku Dhintay Xeebaha Yemen Kaddib Markii Dooni Ay La Socdeen Degtay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Sana’a (RBC Radio) Dowladda Yemen ayaa sheegtay ugu yaraan 10-qof oo tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali ay ku dhinteyn dooni ku degtay xeebaha dalka Yemen, kaddib markii dabeello ay ku kacday doonta ay la socdeen.

Saraakiisha Ilaa ladda xeebaha Yemen ayaa sheegay in dooni ka timid Soomaaliya oo ay ka socdeen 80-qof oo u badan Soomaali isla markaana ay ku jiraan carruur iyo haween in dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha gobalka Shabwa, halkaasoo ilaa 10-qof ay ku dhinteyn.

Ciidamada bada Yemen ayaa sidoo kale sheegay in dadka dhintay afar ka mid ah meydkooda la soo helay halka lixda kale wali la la’san yahay laakin wali ay baaritaano socdaan sii loo helo.

Kooxdii kale ee doonta la socday ayaa la soo badbaadiyay waxana loo soo qaaday xarun ay ciidanka ku lee yihiin gobalka AByan halkaasoo hadda lagu xanaaneenaayo.

Ma ahan markii ugu horreysay ee tahriibayaal Soomaali iyo kuwa Ethiopian ah ay ku dhinteyn xeebaha dalka Yemen.

Dadkan ayaa doonaya in ay helaan nolal dhaanta midii ay ka soo tageyn.

Dhinaca kale, Al-Qaacida dalka Yemen ayaa sheegtay in ninkii dhowr bil ka hor ku dulay magaalada Cadan ee koonfurta Yemen taliyihiin ciidamada ee la dagaalanka Argagixisada uu ahaa qof u dhashay dalka Yemen.

Hoggaamiyaha Al-Qaacidada dalka Yemen ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ninkii dilay taliyaha in uu ku dhashay caasimada Yemen ee Sana’a waxana lagu magacaabi jiray Abuu Yaasin Sancaani

Warkan ayaa meesha ka saaraya war horey ay saxaafadda Yemen u baahisay oo ahaa in ninkii dilay taliyihii ciidamada Yemen ee Cadan uu dhashay dalka Soomaaliya, taasoo cabsi weyn ku keentay qoxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Yemen.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

2 Responses for “Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Soomaali Oo Ku Dhintay Xeebaha Yemen Kaddib Markii Dooni Ay La Socdeen Degtay”

  1. [...] Original post: Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Soomaali Oo Ku Dhintay Xeebaha Yemen Kaddib Markii Dooni Ay La Socdeen Deg… [...]

  2. Muwaadin says:

    Walaalow reer Puntland goormay caqliyeysanayaan? Sannad kasta in ka badan 800 oo qof oo isugu jira dhallinyaro, caruur, iyo haween bay inta cooshad yar ka qaataan dakada Boosaaso alwaax yar ka saaraan kadibna badu liqdaa. Miyaysan dadkaan ilaahay ka baqeyn?

    Maalin kasta hortaada intaasoo maato iyo carruur ah ha ku qarqamto oo ha ku baaba’do adiguna ka indha la’oow oo waxba ha ka qabanin soo wax lala fajaco maahan? Miyaysan deegannadaas culimo joogin iyo dad waxgarad ah ama naxariis leh?

    Allah wuu la xisaabtamayaa mooryaanta iyo Burcad badeeda dadkaas masaakiintaa maalin walba bada cunsiinaya iyo kuwa ku dhawranaya oo aan waxba ka qabaneyn. Soomaali oo dhanna way keydinaysaa taariikhdaan foosha xun ee wuxushnimadaa oo ay Puntland ku dhaqmayso. Inta damiirka iyo damqashada leh waxaan ku dhihi lahaa Ilaahay ka cabsada oo cawaannimadaan ha dhowranina ee wax ka qabta falkaan iyo kuwa kaloo xunxunba.

    Ogaadana waxaa la yiri, “Fardo qale, Qabiilo ninbaa usoo Jiida”. Hadii aydnaan kuwiina Iimaanka la ee arxanka daran iska qaban waxay idiin soo jiidi doontaa in adinkoo dhan la idiin arko dad cawaan ah oo Iimaanka la’ oo aan Naxariis laheyn.

Leave a Reply