Tartanka Iyo Ololaha Marwooyinka Shariif Iyo Gaas Halkee ayuu Marayaa?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Xaasaska Madaxweynaha Soomaaliya Shariif SH Axmed

Muqdisho (RBC Radio) Xili ay musharixiin  yahiin Madaxda Sare ee Waqtigoodii Dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed iyo C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa hadana, ololaha labada dhinac waxaa qayb ka ah Marwooyinka labadaan masuul.

Marwooyinka Madaxweynaha Waqtigiisu Dhamaaday iyo R/Wasaaraha Waqtigiisu Dhamaaday ayaa waxay qaabileen haweynka ku jira baarlamaanka Soomaaliya waxayna u sameeyeen kulan balaaran oo qado ah.

Kulamadaan oo ay ka soo qayb galeen xildhibaano badan oo ah haweynka ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu qayb ka ahaa olalaha Shariif iyo Gaas hada Waqtigoodii dhamaaday loogu samaynayo in loo doorto xilka Madaxwenenimo ee dalka Soomaaliya.

Xaflada Xaasaska Madaxweyne Shariif

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Dalka oo Munaasabadda Khudbad ka jeedisay ayaa uga mahad celisay Marwooyinka Madaxweynaha Dalka qado sharaftan ay u sameeyeen Haweenka Soomaaliyeed waxaana Xildhibaanaddu ay ka sheekeysay waxqabadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudadii uu xilka hayey.

Xaflada Xaasaska SH Shariif oo la Fadhiyo

“waxaan ka mid ahaa gudiga doorashada sida aad la socotaan balse hada xilkaasi waan ka tanaasulay sababta aan uga tanaasulayna waxey tahay inaan Madaxweynaha garab istaago waayo hadaad gudi ku jirtid waa inaad dhex dhexaad laakiin anigu waxaan aaminsanahay meesha aan maanta taagannahay ee horumarka jira waxaa sabab u ah Madaxweynaha Soomaalina waxey tiraahdaa qabyo ninkeeda ayaa dhameystira, si aan hormarkeenna u dhameystiranno ayaanna Madaxweynaha u wada garab istaageynaa hadaan nahay Haweenka Soomaaliyeed ee Baarlamaanka ku jira”ayey hadalkeeda kusoo gebagebeysay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Marwo Faadumo Cumar oo ka mid ah Marwooyinka Sh Shariif oo khudbad kooban ka jeedisay Munaasabadda ayaa Haweenka Soomaaliyeed uga mahad celisay kasoo qeybgalka Casuumadda ay u fidiyeen waxaana ay Marwada Madaxweynaha Dalka faah faahin ka bixisay dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay la kulmeen Haweenka intii dalka uu ku jiray bur burka.

“gabdhaha xildhibaannada waxaad muujiseen dadaal dheeraad ah waxaad muujiseen sabar waayo wixii la idiin siiyey waad ku sabarteen waadna qaadateen hadana sida muuqata diyaar ayaad u tihiin,si dhibaatooyinka ay Haweenka la kulmaan loo yareeyo oo aan ognahay iney dibadaha ku dhibaateysan yihiin oo maalin walba carruurtooda laga qaato waxaan idinku guubaabinayaa inaad dhexda xerataan insha Allah rajadu maxuma” ayey tiri Marwo Faadumo Cumar oo ka mid ah Marwooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Ugu dambeyntii Marwada Madaxweynihii hore Marwo Faadumo Cumar waxey Haweenka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shacabkaba Alle uga bariday inuu dhibaatada ka dul qaado.

Xaflada Xaaska R/Wasaare C/Wali Gaas

Xaaska R/Wasaare C/Wali Gaas oo Kulanka ka Hadleysa

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadashay Marwo: Sahra Qorsheel oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed, Iyadoona sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa midowbay oo aayahooda ka tashada islamarkaana ay yeeshaan cod wada jir ah.

“haweenka Soomaaliyeed waxay soo mareen halgan dheer balse waxaa loo baahan yahay maanta in aan ka tashadaan mustaqbalkooda siyaasadeed si loo tuso Raga in Dumarka Soomaaliyeed lee yihiin codka ugu badan, taasna waxaa lagu gaari karaa in haweenka Soomaaliyeed ay ka tagaan nin jecleysiga, qabyaaladda, Lacag doonka, waan in dalka iyo dadkaba maanta ugu hiilinaa codkeena waxaadna ogtihiin in haweenka codkooda dhinucuu raaco guusha ayaa raaceyso marka xubnaha Baarlamaanka dardaaran baan oronayaa”

“Xukuumadaan waxay muujisay isbadal aanay dalka ka qaban Xukuumadiihii ka horeeyey waxaana muuqata in Dr.Cabdiweli maanta marka uu xilka wareejinayo inuusan dalka ugu tagayn qabyo oo uu dhameystirey dowladnimada Soomaaliya oo uu ka saaray KMG, marka waxaan idin leeyahay idinkoo u fiirsanaya waxaa ila sax ah in Cabdiweli uu yahay shaqsiga ugu haboon oo dalka wax u soo qabtay, shaqada soo socotana aan ku aamini karno oo aan kalsooni buuxdo ku dooran karno”

Xaflada Xaaska R/Wasaare C/Wali Gaas oo la Fadhiyo

Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha qoyska Soomaaliya ee Xukuumadii C/Wali Gaas ee Waqtigeedu Dhamaaday Marwo Maryan Aweys ayaa xustay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda dalka, loona baahan yahay in haweenku la yimaadaan midnimo, Islamarkaana tilmaamtay in Xukuumadu isbadal badan ku samaysay horumarka Dumarka taasna amaanteeda leeyahay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Marwo Hodon Siciid Ciise ayaa u mahadcelisay ka soo qeybgalayaasha Casho Sharafta waxeyna marwada u sheegtay haweenkii ka soo qeybgalay xaflada in halgankii dumarka uusan wali dhamaan sidaas daraadeedna loo baahan yahay in xildhibaanada dumarka ah ay noqdaan muruqa haweenka Soomaaliyeed oo ay ku hadlaan codka dumarka ay ma talaan doodahoodana ku muujiyaan sidii loo hormarin lahaa dumarka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaarahii hore ee Waqtigiisu Dhamaaday Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ka shaqeysay in haweenka Soomaaliyeed ay helaan qondada ah 30% balse iminka ay muuqato in 17% ay heleen uu rajeynayo in wax badan ka qaban doono arrimaha haweenka hadii uu ku guulaysto tartanka madaxweynanimada Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

10 Responses for “Tartanka Iyo Ololaha Marwooyinka Shariif Iyo Gaas Halkee ayuu Marayaa?”

  1. M.H.Buraleh says:

    Lama joogo xilliyadii beenta,laaluushka iyo sasabashada wax lagu heli jirey. Xoolaha ay isku sharaxyaan waa xoolo ummadeed iyagu ma laha,hallaga cuno hana laga ilaaliyo inay awood dambe inoo qabtaan oo ay hanti kale inaka dhacaan.

  2. Mimi says:

    Viva Marwo Hodon Isse.

  3. Mr.muwaadin says:

    Soomaliya waa meel yaab leh
    Deeqda masaakiinta waa la leexsadaa.
    Dumarkuna raggaas bay maalinkaas sacab ku taageeraan.

    Waxaa yaab leh: sh.shariif sidee buu BISAD iyo JIIR u heshiisiiyey?
    Sh.shariif talo buxinta ayuu lacag ka samayn karaa hadduu jago madaxweyne waayo.
    Lol

  4. qoono says:

    walaale dumar baa laysku dhaafey,ilaahow dumarka soomalida noo daaa.

  5. faysal says:

    Dhaqanka soomaaaliyeed iyo kan diinteena suuban
    midna kuma jiraan in naago la iska soo hormariyo
    meesha ragu ku xisaabtamayo marwo waxaa ah naagtii
    xaafadeeda joogta
    Labdan nahaab ee shariif biijo iyo wiiilka buuran oo
    qaabkii disableka leh si toos ah ayeey soomaaliya u faasaxayaan
    Kaaga sii darane ma xishoodaan waa kuwii kmgka kucunay
    malyuumaadka ma waxay full gov.

  6. jilbis says:

    Asc cajiib waa arin aad u wanaagsan oo mowjadaha siyaasada somaliya ku soo kordhey aad Baan u taageersanahay in marwooyinka murashaxyada qeyb ka noqdaan dadaalkaan lagu samata bixinayo Wadankeena. Waxaan ka codsanayaa saxafad xorta ah sida RBC iney noo soo gudbiyaan waxqabadka marwooyinka murashaxiinta iyo taariikh nololeedkooda oo kooban.

    Doorka dumarka ay ku leeyihiin wadankooda ayey arinkaan muujineysa, ninkii inkira doorkaas wuxuu inkirey kala bar bulshada somaliyeed.

  7. dhiblaawey says:

    shariifku waa inuu isku xishoodaa oo qabyaalada iska daayaa

  8. gundid says:

    Anigu ma garanayo aqoonta eey xambaarsan yihiin labada Marwo ee Af-guduud…lakin Marwo Hodan waa mutacalimad ninkii ka saartay Taksiile una dalacsiisay Mutacalim, waa marwo ka danbeeysa Gas in uu isku sharaxo Jagada Ra’iisul wasaare ka dib markeey ugu hanjabtay caruurta in eey kala tagi….Waa marwo rag badan dhaanta ayadoo kaleeta ninkii helaa duca waalid qaba…..waa gashaandhi xidigaha higsaneeysa….Gaas waa bukaan, ushana waxaa u hayay C/wahab Khaliif iyo Marwo Hodan, taasna waa xaqiiqa ee soo baara…. waana sababta eey Kenya ninkan u daba socoto….Inkastoo ka jeclaan lahaa in la’doorto Farmaajo hadana danaheeyga ah tan juboyinka waxaan Ka dhex arkaa Gas oo taageersan barnamijka juboyinka meesha farmaajo eexeeysi iyo qabyaalad laga dareemayo marka la’eego arimaha Juboyinka, Farmaajo ma maqli karo Azania ama Raskambooni lakin waa wadani istaahila jagada Madaxweeyaha Somaliya…..Gaas ama Farmaajo labadooduba kheeyr iyo guul baan u rajeeynayaa

  9. Diirshe says:

    Faysal

    Maxay tahay qaraarka ku haya? marwooyinka sharaftooda waxba ha u dhumine, iska aamus doqon yahow. Dadka malyuumaadka cunay waxay ku xusan yihiin Buuggii 198 bog ka koobnaa oo UN monitorka ay soo saareen, si fiican u daliisho qoloday yihiin iyo intay cuneen. Cayda iyo af xumada ka daa Future President Gaas & First Lady Hodon.

  10. asalama calaykum walaalayaal dhamaan umada soomaliyeed meel walba oo aad joogtaa
    salaan kadib hadaadn usoo noqdo arintan musharaxiinta aniga waxaan qabaa siyaasada soomaliya ‘
    hadeer waxaa wada waa beesha caalamka ayagaana siyaasada faaraha kula jira oo wada marka marka
    cideey dooranayaan beesha caalamka waa u cadahay laakiin soomali ahaan manaqaan ilaa hadeer marka meeshaan hadaan soomali nahay waxaan ka nahay rakaabka danbe oo baabuurka saaran marka dareewalka keenistiisa waxba yaan lagu mashquulin waa la keenayaa si walboo ahaato
    marka anaga ka soomali ahaan waxaa dani noogu jirtaa inaan nabad iyo biyo helno taasaa noo mihiim ah wixii naloo keeno waa welcome qofkii gudaha soomaaliya jooga oo diida hadee taangiga amisom wataan meeqa qori baa ku xiran ma u babac dhigi kartaa jawaabtu waa maya marka doorashadii anaga waa naga dhamaatay fursadaas waa luminay
    marka hadaad waxaad rabtay aad weydo waxaad ka badin weysaa la sameeyaa cidii soomaliaya hogankeeda qabataa waa inay ahaataa mid si daacad ah dalka soomaliya Wax ugu qabata intii karaankeeda ah thats all .,.
    aniga waxaan rajaynayaa khayr iyo hogaamiye fiican adinkana niyada khayr u sheega
    asalama calaykum intaas baan uga baxay

Leave a Reply