Tirada Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Ismiidaaminta Muqdisho Oo Korartay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [ RBC Radio] Sida ay sheegayaan ilaha caafimaadka magaalada Muqdisho, waxa kordhay dadka ku dhintay qaraxyo labo ah oo xaley ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan guriga hooyinka.

Dadka ku dhintay qaraxyadaas ayaa la sheegay in ay kor u dhaafayaal ilaa 20-qof kuwaasoo isugu jira  wariyaal, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya. Qaar ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii xaley ayaa la sheegay in ay ku dhinteyn isbitaalada la geeyay markii dhaawacooda uu darnaa.

Inta badan dadkii ku dhintay qarixii xaley ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho. Waxa dadka ku dhintay qaraxyadaas ka mid ahaa seddax wariye oo labo ka mid ah ay u shaqeenaayeen Idaacadda Dowladda Radio Muqdisho.

Soomaaliya waxa la sheegaa in kaalinta koobaad ay kaga jirto dalalka lagu dilo saxafiyiinta marka loo barbardhigo dalalka ay rabshadaha ka jiraan dunidda.

Illaa hadda ma cadda cida fulisay weerarkaas,laakin Al-Shabaab waxa ay sheegtay in weerarkaas ay fuliyeen kooxo iyga taabacsan oo ka soo horjeeda isbadalka ka dhacay Muqdisho.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in weerarkaas ay fuliyeen rag iyaga taageersan oo ka careysan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan faragelinta ciidamada AMISOM.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Share

Tags:

4 Responses for “Tirada Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Ismiidaaminta Muqdisho Oo Korartay”

  1. Villa Garsoor says:

    Waa arin aad u xun, xataa errayo ku haboon looma hayo xumaantaan, waxeey tani ka baxsantahay bani-aadanimada.

    Waxaana aad aan oga sii xumahay ineey dadkii Soomaali eey saan udanbeysay, kuwii firfircoonaa, ee isbadalka iyo horumarint wadanka waday ineey la haraan kuwo aad u liita, oo nolosha ku uray.

    Hal jaanjaan ah, oo bilaa caqli oo bilaa naxariis ah, oo maskaxdu shamiito fadhido ayaa waxuu hal mar lakacayaa boqol aqoonyahan oo iftiinkii wadanka ahaa.

    Marka hadii aan layska qaban abriskaan dadka qarxinaya soo wadanku mugdi uma danbeyso?

    Reer Galbeedku waxeey ku maah-maahaan ninka xaqdarada sameeya waxaa ka daran kaan ka hadlin oo ka hortagin xaqdaradaas, waa qof aan “Waxba kala jeclayn (Indifference)—- oo dareenkii ka tagay”

    “Not the torturer will scare me, nor the body’s final fall, nor the barrels of death’s rifles, nor the shadows on the wall, nor the night when to the ground the last dim star of pain is hurled, but the blind indifference of a merciless, unfeeling world.C

    Gabaygaan reer Galbeedku hadii aan isku dayo inaan turjumo waxuu leeyahay:

    “Kan dadka ciqaaba kama baqdo, xataa markuu jirku noogo oo uu dhaco, xataa kama baqdo xabadaha wata kumanaan dhimasho, iyo hooska darbiga ku yaal, ama habeenkii saqda dhexe markeey xidigtii ugu danbeysay cirka oo murugeysan dhulka lagu soo gamo, laakiinse waxaan aad oga baqdaa aduun naxariis daran oo la indha la- kala jecayl-la-aan, oo dareen la-aan ah!”

    Iga raali ahaada turjumaanta aan ka bixiyay Gabaygaan reer galbeedka ah ee English — to – Somali Language. Qofkii gabaygaan sifiican u turjumi kara waa welcome, soo dhawoow.

  2. Suubantii Sanaag says:

    Waa canaasiirtii shariif axmedkii xukunka laga ceyrshay

  3. Khadra ahmed says:

    Aniga ma aaminsani qof muqdisho jooga dhimashadiisa in laga naxo, waayo markii hore uu aadayey ka nax, magaaladuna mid kale maaha waa muqdisho adigana wad taqaan anigana aqoon iguma laabna, hadana uguma horeeyso in shacab masaakiina lagu laayo ama AMISOM halayso ama SHABAAB halaayaan waa shay ka caadi ah muqdisho, ee waxan dhihi lahaa muqdisho is badali mayso inkaaro horena waa laga galabsaday, hadalkoo gaaban meeshu waa qubuuro qubuurana lama ag dago reer aakhirood badan baa ku duugan inkaaro badan baa iiska jira, ee hadii ladoonayo xal halaga fariisto hana latoobad keeno gacmahana hala is qabsado salaad jamaacana hala wada tukudo, hana la is cafiyo, lakin toobad la’aan ayan dabigaygi laygu dhaafayaa ma nabi baa tihiin, runta idiin sheegaya ilaa la isku yimado oo lahishiiyo dagaal dhamaan mayo shabaabna dhamaan mayaan amisomna dhamaanmayso qaraxna dhamaan mayo, dhimashu waa ciidaas.

  4. puntlander says:

    Khadar hadalkiisa waa hadal qof macquula ah Shhegay, waxaan ku daraayaa

    Ninka maqaayada kafurtay Daarta haweenka ee kayimid Yurub yaa u fasaxay inn meel dawlad leedahay
    in uu makhaayad ka dhigto, (ilaa ninmanka xaraanta xalaashaday dawlad aay qabato xamar nabad noqon meeyso) dadna inteey yimadaan ayeey hantidii shacabka iyo tii dawlada loofasaxay in aay isticmaalan, kii xoolahiisa lahaan waa la dili) saas ayaa dawladnimo lagu gaaraa

Leave a Reply