Tirinta Codadka Wareega Koowaad ee Doorashada Madaxtinimada oo Bilaabatay Iyo Musharixiin Wadahadal u Socdo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha ayaa haatan si toos ah u bilaabatay kadib markii ay dhamaatay codbixintii xildhibaanada baarlamaanka.

Guddiga doorashada ayaa u yeeray wakiilada 22 musharax si ay codadka ugu qabtaan waxaana bilawday tirinta codadka.

Wareega koowaad haddii uu msharax helo 184 cod isagaa madaxweyne noqonaya hase yeeshee haddii ay dhici weyso waxaa loo gudbi doonaa wareega labaad ee doorashada.

Waxaa illaa hadda ugu horeeya codadka inta la tiriyey Shariif Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, C/qaadir Cosoble iyo C/weli Gaas (saacada 5:05  waqtiga Muqdisho).

Musharixiin bilaabay isxulufeysi

Dhanka kale waxaa bilawday wadahadalo hoose oo dhexmaraya musharixiinta qaarkood, wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in
wadahadalo ay dhexmareen musharixiinta kala ah C/raxmaan Baadiyow iyo Maxamed C/weli Sheekh Yuusuf.

Sidoo kale Xasan Sheekh, Maslax Maxamed Siyaad iyo koox kale ayaa hadda wadahadal u socdaa lagana yaabee inay isu tanaasulaan wareega labaad.

La soco Raxanreeb.com

Share

Tags:

2 Responses for “Tirinta Codadka Wareega Koowaad ee Doorashada Madaxtinimada oo Bilaabatay Iyo Musharixiin Wadahadal u Socdo”

  1. car says:

    Car wareegga 2aad ha la isla gaaro, meesha ninbay u xiran tahay. reer muqdisho mooryaanta iyo isbaaristaha aad meesha kasoo buuxiseen ayaga xukuma anigu kolay waxan dagaal baan ka xigaa mana ku kalsooni baarlamaankan khaa’iniinta ah iyo wixii kasoo baxa.

  2. [...] Follow this link: Tirinta Codadka Wareega Koowaad ee Doorashada Madaxtinimada oo Bilaabatay Iyo Musharixiin Wadahadal … [...]

Leave a Reply