Tolo Ku Socota Madaxwayne Xasan Shiikh. W/Q Abdirashid Abdi Daad
Tolo Ku Socota Madaxwayne Xasan Shiikh
Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
Sabteembar 14 2012
Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh
Awalan waxaan Allah swtc kaaga baryayaa xilka ku saaran inuu kuu sahlo sidaad u godan lahayd.
Xasanoow waxaad ogaataa qof kursigaa ku fariistay oo aan sumcad iyo sharaf doonayn ma jirin, haddii ay xaajo ka fishalanto oo bulshadii uu madaxda u noqday ku kacdo iyo haddii uu guulaystaba oo bulshadii daba kacdo. Waxaa marka is waydiin mudan haddii ruux kastaa sumcad sharaf iyo wanaag doonayo maxaa ku keena fashilan iyo sumcad xumo inay ku dhacdo.
Xasanoow ruux markuu kursigaa sare helo waxaa sare u qaada sumcaddiisa iyo sharaftiisa ama hoos udhigaa waa hadba dadka ku xeeran oo ruuxaasi soo dhowaysto, haddii dadkaasi noqdaan dad daacad ah oo hawshaas hortaagan u fuliya sidii loogu talagalay Allah swtc guul iyo sharaf aan ka dhammaan ayuu siiyaa haddayse noqdaan dadka uu soo dhawaystay Danaystayaal iyo Damdamlayaal magac xumo iyo fashilan ayaa ku timaadda ruuxaas kursiga sare ku fadhiya.
Xasanoow waxaad ogaataa Somalidii hore markay bulsho rabaan inay u taliyaan waxay guran jireen wax garadka iyagoon u eegayn da’diisa iyo maalka uu leeyahay arintaasina waxay u horseedi jirtay inay talo isku raacaan oo ay bulshadaas ku furaan meel doog iyo ramaas leh xareeduna balliyadu buuxaan.
Xasanoow waa yadaan danbe arintaas waxaa bedeshay ruux jaamacada ka soo baxay inoo xula meeshii ahayd wax garad inoo xula. Qof wax bartay oo is bedelka adduunka la socda waa muhiim laakiin waxaad ogaataa inaan hooyo ilmaheeda oran adigu doqon baad tahay, adigu macangag aan geri gelin baad tahay iyo adigu sidaan baad tahay ee ay ciyaalkeeda dhammaan wada gayso iskuulka oo ilaa heer jaamacadeed soo wada maraan ay dabada ka wado. Taasna waxaad ku garan kartaa in ruux kastaa uu wax baran karo laakiin garashada iyo sama ka talintu tahay deeq ilaah bixiyo oo aan qofna la bari karin. Marka waxaa loo baahan yahay dadkii wax bartay in laga xusho wax garadka ee aan shahaado bes lagu xulan ee la eego garaadkiisa qofnimo.
Xasanoow waxaan uga golleeyahay hadaad rabtid inaad meel fiican gaarto oo bulshadaas dhibtu ku habsatay ka samata bixiso xulo dadka waxgaradka ah oo aqoonta leh oo isbedelka adduunka maanta la jaan qaadi kara dadkana u hogaamin kara meel doog iyo ramaas leh xareeduna balliyada buuxdo haddii Allah idmo.
Xasanoow laga soo bilaabo qarniyo hore dawladaha adduunka ku nool waxaa galay damac ah waddan kasta inay ku danaystaan ama xoog ha u qabsadeen oo dantooda haku fushadeen ama xeelad khayaamo ku dhisan ha u adeegsadeen. Ruuxii aan garan karin oo aan xeeladahooda kula legdamin waxaa ku imanaysa inuu u hongaansamo oo ay dulleeyaan isaga iyo dawladdiisa iyo bulshadiisaba hadduu diidana si sahal ah oo fudud ayeey uga takhalusayaan iyagoo ama bulshadiisii ka horkeenaya ama xoog ku muquuniya iyagoo u adeegsanaya sharciyo ay samaysteen intooda isku awoodda ah.
Xasanoow in mudda ah ayaa Somalida nidaamkii ay lahayd la isku dayey in la baabi’iyo nidaamkaas oo ku dhisnaa ixtiraam is qadarin isu turid kala danbayn iyo wax wada cun taasoo u keentay inay wanaag iyo sharaf ku wada noolaadaan. Waxaadna ogaataa in bulshadii taariikhdeedu ka dhuntaa in murug maarug u danbeeyso, waana sida maanta haysata bulshadii sumcadda iyo sharafta lahayd ee Somaliya. Waxaana ka danbeeyey arintaas nidaamyadii uu gumaystuhu inoola yimi oo isku dir oo qaybi oo xukun ku salaysnaa oo cadaawad xun dhex dhigay qabiiladii Somaliyeed oo wanaagga ku wada noolaan jiray.
Xasanoow gumaystihii ka dib waxay inooga tageen nidaamyadii ay lahaayeen ee ku salaysnaa dabqado iyo kala sarayn waa nidaamka ay ugu yeeraan dimuqoraadiga bulshadeenuna hiddo iyo dhaqan uma leh kala sarayn iyo daabaqado. Waxaa inoo xigay nidaamkaas kii ku salaysnaa caburinta iyo kaligay ayaa talin kara ee hantiwadaagga bulshadeenuna waxay dhaqan u lahayeen wada tashi iyo maxaa inoo fiican.
Xasanoow bulshadaas sidii wanaageedii iyo sharafteedu loogu soo celin lahaa oo looga dhaqi lahaa xumaatada ay ku beereen nidaamyadaas kala duwan ee soo maray waa howl aad u adag oo dulqaad iyo is tix gelin dheeraad ah u baahan waxaadna ogaataa inaysan jirin arin aan furo lahayn waxkastaa meel laga galay leeyihiin qofkii furahaas helaa wanaag ayaa Allah swtc u danbaysiiyaa isaga iyo bulshadii uu garwadeenka u noqday.
Xasanoow waxaan ku leeyahay oo kugula talinayaa raadi furahaas waa jiraa oo anigu shaqsi ahaan waxaan soo milicsaday muddo dhowr sana ah oo aan joogay Somaliya oo aan baadiye tuulooyin iyo magaalooyin badan tegey una kuur galay hab u dhaqankooda iyo waxa maskaxdooda ka guuxaya oo ay rabaan.
Xasanoow waxaan kaloo ku oran lahaa markii meel nuurku ka dansanaa ay duul uyimaadaan oo fanuus u shidaan markaad timaado waxaa gacanta la qabsadaa duulkii faynuuska u shiday oo doonayey inay nal if wayn siday bulshadaas ugu keeni lahaayeen u guntanaa. Waxaadna ogaataa faynuuska ay shideen duulkaasi inaysan u baahnayn raad raadin ee Adiga iyo Baarlamaanka maanta jiraa tahay caddayntu. Umana baahna runtii maskax dheeraad ah maanta ruuxii raysal wasaare u qalma waana hebel ku oran maayo sababtoo ah jagada maanta aad joogto u malayn maayo inaad garasho xumo ku tagtay ee waxaa ku geeyey oo lagugu doortay waa garasho dheeraad ah oo lagugu arkay sidaan qiyaasayo.
Xasanoow hadaadse talo u baahato ku salaysan wax ka qabashada iyo soo celintii wanaaggii iyo sumcaddii ay bulshada Somaliyeed lahayd wax alla waxaan kaala qaban karo insha Allah waan kugu caawin anigoon waxba doonayn aan ka ahayn inaan mar ka dhex arko Waddamada aduunka Astaantayadii oo aan cidi yasayn.
Wa Billaahi Tawfiiq
Qore Eng: Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM













[...] Read More: Tolo Ku Socota Madaxwayne Xasan Shiikh. W/Q Abdirashid Abdi Daad [...]
Mr Daad
engineere talo wax ku oole weeye oo taabanaysa meelo badan aadbaan runtii ugahelay sida cajiibka ee ukaladhigtay nidaamyada gumaystaha hantigoosadka iyo hantiwadaaga waana run sidaad udhigtay.
Daad maad qortid buug ka hadlaya somalidii hore iyo somalida maanta u faaidaysid dhalinta cusub aan nasiibka uhelin taariikhdoodi inay ogaadaan.
nin xikmad badan baad tahay engineere ha khasaarin baan ku odhan laa walaal oo meel hala fadhiyin
Daad ujeedadiisa wuu cadaystay waa Cabdiwali Gaas dooro. War nin yohow ninku indha adakaa, cbadiwaligaas buu ku waashay. Sidii ninkii reer galbeedka itobiya oo geela cudurku Ka laayay . Oo ku waashay ( nin boqol Halaad leh oo 90 Halaad Ka baxaday maxaa u hara ). { hadii aa tiraahdo 10 kudilaya hadii Aad tiraahdo 90-na ku dhihi jiray waa sax} oo kale. Raxanbreeb waxaan dhihi lahaa waxaan. Camal maga qabta. Thanks
Waxaagu talu ma ahan ee nin yahow waa ku naqaan, meel bukta iyo ninkeedaa. Ayaa is og waxa kaaguuxayaana waa qabyaalad, ee adugu is ma ogid ee anagaa,ku oge ee intaadan madaxweyne la talin adugu talo iyo daawaba raadso, fadlan umadana, ha usooqorin cudurka ku haya wabsadkana, ka bahdilin,
Axmed yare iyo yasin
reer khaatumo asal madoorshe ayaad tihiin nacnacda webka maahee itaal kale malihidin
cay baa xabad idiin ah nafkale mahaysaan hadaad dad tihiinn ina cabdi xaashi tola aan manoqdeen xataa hal cod waad u quuriwayseen dufkubaxa ee nacnacda kalataga meesha
MMashallah ENG daad. Tallo fiican ayaad bixisay mudane daad.illahay ha Ka abaal mariyo.
anagu abdiwali doonu mayno somali diiday ninkaas wana la bartay marka insha alh waxan filaya madaxwaynuhu inuu ka digtoonado dadka dantii qaranka ka hormariya tan qoyska
c/wali galay waa uqalmaa inflation doorto mxaa ugu diidantihiin adinku hadaan qabyaalad idinka buuxin bal sheega sabab aad ugu diideen aduunka layskama hadlee dadkana layskama caaye l cabdiwali gaasna waa la ogyaha wuxuu qabtayna cidna kama qarsoona wana ninka suurta galiyay in xasan maanta Muqdisho lagu doorto
kkkkkkkkkkkk ninkkan wax qoraya goormoo in uu talo bixiyo gaaray sookii cabdi wali gaas ololaihiisa waday mahan qufku waxa fiican in uu marka hore is ixtiraamo si wax looga dhagaysto lakin hadaad dhinac u xaglinayso cidna warkaaga waxa ka sooqaadi mayso
Asa
Hadii an xasuusto qoraagaan qoraaladiisa hore was nin u ololeeya in reer putland si ay madaxda are noqdaan markaa was dardaaran ah xasuusnow waa in nin reer put land nodaa raisalwasaaraha.
Waxaa fican qofku hadii uu hadlayo in uu wax khayr ku hadlo ama iska amuso sidii Axaadistuba sheegtay iyo Qur´aanka Kariimka ah.
Intaa ka dib, Somalidu wagii hore waxay ahan jirtay dad Xishood iyo Xurmo badan, Laakin Somali-da Manta iskadaa Xishood iyo Xurme Xayadii ayay ka tageen Umad Muslim ah lahan jirtay, hadan intaa ka soo labto hadan waxaan halkan ku arkay Fikradaan qoran ee uu qoray ninka Magaciisu yahay sida aan qoralka ka dalacday Abdirashiid Abdi Daad, waa fikirkiisa qofna musaan maagin, qofna musan ilhaamen, dhan kale hadaan ka eegnana qofna musan Amaanin, wixii uurkisa ku jira isaga iyo illaahis inagu waxan wax ka sheegi karna wixii aan indhahena ku aragno ama aan dhagaheena ku maqalno.
Haddaba, hadalkaas oo dhan waxaa ka soo wadaa labada nin ee kala ah; – Axmed-yare iyo Yaasin ee qormada hoose qortay Ma ficana in wax danbi idinka iman karo oo akhiro la idin su´aali karo in aad ku naar mudatan ee illahay ka baqa.
Wabillaahi Towfiiq.
@dadka commentska@ kkkkkkk WAX HALA QABTO HADII LAGA HADLO IYO DAGAAL OOGAYAASHA HALA FOGAADO, QEYLO AYAAD KU DHUFANEYSAAN, MAXAA YEELAY XALAAL BEYDNAAN QUUDAN, OO QANYARE IYO KUWO LAMIDA AYAAD WAX LA CUNTEEN, OO GURI LA TAABSADEY BAAD KU JIRTAAN. Marka HADALKU 2SHUB AYUU IDIINKU DHACAYAA.
This is an intelectual and brillint advise. You should wait and give this advice your cousin when he wins the presidency after four years
Waxaan Halkaan ka salamaaya dhamaan shacabka Soomaliyeed qaasatan bahda wax ka aqrisata Raxanreeb.
Eng. aad ayaad ugu mahadsantahay inaad talo siiso Madaxweynahaaga adigoo weliba ku hadlaya luuqad wadaninimo ay ku dheehantahay, hadana waxaad moodaa inaad adiga iska hadlaysid oo runtii gunaanudka qoraalkaada ay ku beegantahay musharax ah la taliyaha Madaxweynaha.
Hadii aan ku saxo Somalidu weligeed dhaqan waxaa u ahaa cast oo ah runtii cillada ugu weyn, sida dadka laga tirada badan yahay oo lagu dhiasay maamulka hadda jira (4.5). Aduunyada qowmiyad dhan oo kumanaan sano soo jiray oo xataa 50% wada fiicanoo sida aad wakra u dhigeysid laga heli maayo.
Hadii aadse ogtahay furaha horumarka Soomaliya maad umadda Soomaliyeed usoo bandhigtid intaad ka sugaysid in Madaxweynaha uu kaa dalbado? Hadaba waxaan anigu kugula talin lahaa inaad arintaas ka dhabaysid oo ka fiirisid danta guud adigoo weliba su public ah u samaynaya, sharafta iyo wanaaga aad u rabtid mid shaqsiyan iyo midda umadda Soomaaliyeedba ayada ayay ku jirtaa.
Waxaan ka cudurdaaranayaa wixii gaf ah oo hallan aan ka eri. Waxaana bahda aqrisata webkan kula dardaarmayaa in si wadaax ah oo wanaagsan la isku dhaliilo laakiin aan qofka la durin fikirkiisa iyo shaqsiyaddiisa.
Shukran
masha’laah walaahi waa talo aad u fiican oo dhihi karno waxay kasoo goday qalbi qof wadani ah, Fadlan waxaan isleenahay fikradaha nuucaaas ah waa loo bahanyahay, anaka aqoonyahano kala duwan oo jooga dalka iyo dibada waxaan abuurnay page facebook kaas oo aan rabno in aan ku aruurino wixii fikrad nadiif ah ee dowlada cusub loo jeedinaayo https://www.facebook.com/MadashaTaloTusaalemtt marka waxaan idinka rajaynaynaa in aan aruurino tooliyinka saan uquruxda badan si aan u gaarno farxad dhab ah
Dr. Ahmed Nur Warsame