U Dhaqdhaqaaqaha Arimaha Bulshada Soomaalida Minneapolis Mudane Sadik Warfa oo Shir Dhanka Amaanka ah ku Qabtay Koonfurta Minneapolis (Sawirro)
Shir ay soo qabanqaabiyeen U Dhaqdhaqaaqaha Arimaha Bulshada Sadik Warfa iyo Madaxa Xaafada Ventura Village Robert Albee, shirkaan ayaa waxaa loo qabtay kadib markii cabasho dhanka amaanka ay ka timid dadka degan dhismayaasha ay waayeelada ku badan yihiin ee Hiawatha Towers.
Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay kana hadlay Madaxa Booliiska moonfurta Minneapolis MN Haweyneyda lagu magacaabo Lucy Gerold (3rd prescient Commander Minneapolis Police Department), waxaa sidoo kale ka ahdlay Don Greely oo Minneapolis Police ka tirsan oo u qaabilsan ka hortaga Danbiyada isla mar ahaantaasna aqoon fog u leh sida ugu haboon ee looga hortaga danbiyada.
Waxaa kaloo kasoo qeyb galay xubno ka tirsan hayada Magaalada Minneapolis u qaabilsan dhanka Guryaha ee lagu magacaabo MPH “Minneapolis Public Housing”, sidoo kale waxaa shirkaan ka soo qeyb galay dadka degan dhismayaashaan oo ka kooba 3 oo kiiba ka kooban in ka badan 10 dabaq.
Ugu horeyn waxaa furay kulankaan is araga iyo wada tashiga ahaa U Dhaqdhaqaaqaha Arimaha Bulshada Sadik Warfa isaga ugu horeyn is baray dadka deegaank aha iyo marti sharafta akle ee kulan joogay, waxa uu sadik Warfaa ku nuuxnuuxsaday sida ay muhiim u tahay police ka iyo dadweynaha in wada shaqeyn buuxda u dhex marto.
“Waxaa loo baahan yahay in ay wada shaqeyn buuxda dhex marta dhamaan qeybaha halkaan isugu yimid sida Booliska Minneapolis, Dadka degan dhismayaasha, iyo waliba hayada maamusha guryahaan ee hoostagta Dowlada Hoose ee Magaalada Minneapolis una qaabilsan dhanka Guryaha ee lagu magacaabo MPH “Minneapolis Public Housing” si loo sugo xasiloonida iyo nabada xaafadaan” ayuu yiri Sadik Warfa.
Suaalo wax ku ool ah ayaa waxaa weydiiyey qaar ka mid ah dad cabanayey ee dagan dhismayaashaan.
Cabashooyinka halkaas laga jeediyey ayaa waxaa kamid aheyd Haweyneyd Soomaali ah oo lagu Magacaabo Caasho oo ka sheekeysay sida dahab looga qaatey.
“Guriga aan deganahay ayaa waxaa mid kamid ah shaqaalaha hayada maamusha guryahaan igu yiri waxaa laga buufinayaa sidaas daraadeed aan ka tagay gurigeyga markaas kadib markaan soo noqdayna aan waayey dahabkii guri ii yaalay maalin kadibna aniga oo ka maqan inta la furtay gurigeyga la iga xadey dahabka qeytiisii labaad cid ilaa hada loo qabtayna aysan jirin” ayey tiri Caasho.
Mar la weydiiyey in la jabsaday ama la iska furtay guriga ay degan tahay dhismahaan ayaa waxa ay halkaas ka sheegtay in aan wax jabsasho ah aysan dhicin balse la iska furtay.
Booliiska ayaa halkaas ka balan qaaday in ay dabagal ku suubin doona cabashadeeda ayna dib u eegis ku suubin doonaan dhaca loo geystay Caasho.
Kulankaan waxaa ka hadlay Don Greely oo ka tirsan Booliiska Minneapolis isaga oo ku nuuxnuuxsady muhiimada ay leedahay feejignaanta iyo taxadarka.
“Waxaan rabaa in aan idiin shego sida ugu haboon ee looga hortagi karo danbiyada waxaana ugu nuhiimsan dhowr arimood oo ay ugu weyn tahay in waxyaabaha qiima leh uusan banaanka loo qaadan hadii la baxayase hadii ay ka fursan weydo maahee loo baxo iyada oo dad dhowr ah la yahay” ayuu yiri Dan
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “Danbiyada ku saabsan dhanka taleefoonada ma yara waxaan idinku wacyi galinayaa in taleefoonada marka la lugeynayo laga taxadaro oo tuugada fursad ayey siineysaa arimahaan oo dhan, waxaa kaloo muhiim ah hadii aad lugeyneysaan aad feejignaataan dhankaaga hore iyo gadaashaadaba aad la socotaa oo hadaad aragtid koox dhalinyaro ay oo meel cabaar kuu jirta jooga ka beyr wadada oo si kale u aad dhankaad u socotid oo marna ha dhex marin hadaad doontid wadada dhanka kale u goy oo halkaas socodkaagii u sii wada adiga oo digtoon”
Madaxa Booliiska moonfurta Minneapolis MN Haweyneyda lagu magacaabo Lucy Gerold (3rd prescient Commander Minneapolis Police Department) ayaa waxa kulankaan ka hadashay suaalana uga jawaabtay dadka kulanka isugu yimid.
“Hadaad wax danbi ah aad tuhuntaan ama aad aragtaan waxaad soo waca 911 waxaana idinku diyaar ah qof afka Soomaali ku hadla balse waa in aad tiraahdaan SOMALI markiiba qof afka soomaaliga ku hadlaan kula hadli doono.” ayey tiri Lucy Gerold.
Dadka deegaanka waxaaa ay ka codsadeen in booliiska socodka ay ku badiyaa xaafadaan si ay u yaraadeen dhibaatooyinka ka haysta dhanka amaanka waxey kaloo kulanka ka sheegeen Cabashooyin ay kamid aheyd in booliiska marka la waco ay soo daahaan oo aysan dhaqso ku imaanin.
Suaashaas iyaa waxa ay Booliiska ku jawaabeen in ay dalabaadka shacabka ay dalbanayaan booliis ay u kala hormariyaan sida ay arimuhu u kala culus yihiin.
“” ayey tiri
Maxaa kasoo baxey kulanka
1- In kulamada noocaan oo kale ay noqdaan kuwo la joogteeyo.
2-In waaxaha amaanka iyo dadweynaha xaafadaan degan ay yeeshaan wada shaqeyn joogto ah.
3-In Booliiska ay kordhiyaan la socoshada iyo ka warqabka dhanka amaanka ee xaafada.
4-In Booliiska dad dhibanayaasha ah ay si gooni gooni ah ay qof walba u eegaan dhibka loo geystay.
RBC Mineapolis
















ebow wiilkan yar mey ka dhigaan reysal wasaaraha somali