Udoorta Shacabka Hogaamiyihii ay Dooran Lahaayeen. W/Q Siciid Maxamed Mire
UDDOORTA SHACABKA HOGGAAMIYIHII AY DOORANLAHAAYEEN
Siciid Maxamed Mire
Saidmire0@gmail.com
Sabteembar 10 2012
Sida inta badan ummadda soomaaliyeed ay la socodaan, waxa socda dadaallo iyo hawlo(process), lana doonayo in wax looga qabto dhibaatada haysata dalkiii iyo dadkii soomaaliyeed.
Qaybta ugu nuhiimsan dadaaladaas ayaa waxay tahay, in soomaaliya loo helo hoggaan wanaagsan oo ka fakaraya danta dalka iyo dadka soomaaliyeed kana samata bixiya waqtigan adag, taasina waxa ay ku jirtaa gacanta mudanaayasha golaha shacabka soomaaliyeed ee dhawaan la soo doortay.
Waxan lasoconnaa in kalsoonidii shacabka soomaaliyeed ay soo qaadeen hoggaamiyaashii dhaqanka ummadda soomaaliyeed oo laysugu keenay magaalada muqdisho, waxayna u dhiibteen xubnihii ay u xusheen ergada xulidda xubnaha golaha shacabka, kuwaas oo soo xulay xubnihii golaha shacbka kuna wareejiyay codkii kalsoonida shacabka soomaaliyeed.
Haddaba, akhristow haddii aan u dego dulucda qormadeydan aan ciwaanka uga dhigay uddooro shacabkaaga hoggaamiyihii ay dooran lahaayeen, waxaa waayan dambe kasocday goobaha ay ku kulmaan dadka soomaaliyeed dood can noqotay oo ah, waa layaqaan qofkii shacabku dooran lahaa haddii ay fursad u heli lahaayeen in ay codkooda dhiibtaan laakiin taasi dhici mayso oo waxa wax dooranayaa waa xubnaha golaha shacabka oo laga yaabo in aanay tixgalin rabitaanka shacabka ee ay wax ku doortaan qaab kale oo ka duwan kan rabitaanka shacabka.
Bogga internetka, telefishinnada iyo dhammaan goobaha ay ku kulmaan soomaalidu, waxa aad laysugu qiraa in mudane Max,ed C/laahi Max,ed (Farmajo) uu yahay hoggaamiyihii shacabka soomaaliyeed dooran lahaa, hadii ay helaan fursad ay codkooda ku dhiibtaa, iyaga oo daliil uga dhiga in uu yahay hoggaamiye daacad ah ayna ka muuqato waddaniyad isla markaana leh karti uu ku keeno isbeddel deg-deg ah, taas oo lagu caddeynkaro waxyaabihii laga arkay muddadii yareyd ee uu hayay xilka R/wasaaranimada.
Sidaaas daraadeed, aniga oo lahadlaya xubnaha golah shacabka soomaaliyeed oo ay gacantooda ku jirto codkii iyo kalsoonidii ummadda soomaaliyeed, waxan ku guubaabinayaa in ay codkooda siiyaan shaqsiga shacabku u heellanyahay.
Waxa kor u kacay niyad wanaagga shacbku idiin hayo, kaddib markii aad doorateen hoggaan cusub ee golha shacabka mudane Max,ed Cismaan Jawari oo ahaa shaqsigii shacabku ka dooranlahaa kuwii la tartamayay.
Waxaan hubaa haddii , aad haddana Madaxweyne u doorataan mudane Max,ed C/laahi Max,ed (Farmajo), in aad heli doontaan sumcad aad u weyn oo aad ka heshaan shucbiga aad matashaan.
Gabagabadii, waxan ilaahay ka baryayaa in uu idinku hagaajiyo halkii ummadda soomaaliyeed dadtu ugu jirto, adinka iyo hay,adaha kale ee dawladda ee aad la shaqeyndoonntaanna uu dhexdiinna dhigo isfaham iyo wadashaqeyn waarta, waxa kale oo aan ilahay idiinka baryayaa in uu idiin fududeey waajibkan culus ee aad qaaddeen.
Noqda kuwii ummmadda ka samata bixiya marxaladdan adag.
Mahadsanidi
Siciid Max,ed Mire
London
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM















MashaAllah! Aad baad u mahadsantahay Mudane Siciid Maxamed. Runtii si xikmad ku jirto baad farriintaada u gudbisay. Waxaan Eebe ka baryayaa in uu ducadaada aqbalo oo uu inta Xilka qaaday oo uu Baarlamaanku ugu horreeyo iyo inta qaadi doontaba Ilaahay u fududeeyo. Soomaali oo dhanna Isfaham ka dhex abuuro. Aamiin Yaa Allah!
Markale waad mahadsantahay Siciid Maxamed walaal. Ws wr.