Urur Goboleedka IGAD oo Guul Weyn Ku Tilmaamay Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbub Macalim ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo xalay uu ku guuleystay musharaxa Xasan Sheekh Maxamuud.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee IGAD Mahbub Macalim ayaa lagu sheegay in maalintii shalay ay u ahayd dadka Soomaaliyeed maalin weyn oo taariikhi ah, kadib markii la doortay madaxweyne dhalinyar oo ka soo dhexbaxay bulshada rayidka ee Muqdisho.

Xoghaha guud ee IGAD wuxuu u rajeeyay dadka Soomaaliyeed inay helaan nabad iyo amni isla markaana madaxweynaha cusub uu ku guuleysan doono inuu dalka ku soo celiyo xasilooni iyo dawladnimo.

“Anigoo ku hadlaya magaca IGAD iyo dhamaan dawladaha xubnaha ka ah waxaan hambalyo weyn u direynaa madaxweynaha la doortay ee jamhuuriyada Soomaaliya” ayuu yiri xoghaye Macalim.

Sidoo kale dawladaha Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti ayaa si weyn u taageeray doorashada madaxweynaha cusub ee dalka oo markii ugu horeysay ka dhacday gudaha dalka mudo 22 sano kadib oo dagaalo, dawlad la’aaniyo barakac ay hareeyeen ummada Soomaaliyeed.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

Leave a Reply