Ururka Islaax Oo Soo Dhoweeyay Isbadalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Cusub
Muqdisho (RBC Radio) Ururka Islaax ayaa soo dhoweeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo waliba is badalka ka dhacay hogaanka Soomaaliya maadaama la doortay xubno kale oo ku cusub siyaasada Soomaaliya.
Bayaan ay ku soo dhowaynayeen Madaxweynaha Cusub ururkaan islaax oo soo gaaray shabakada Raxanreeb.com nuqul ka mid ah ayaa wuxuu u qornaa sida tan.
BAAQ TAAGEERO ISBEDELKA CUSUB EE DALKA
Ururka Islaax wuxuu ugu hambalyeynayaa Shacbiga Soomaaliyeed isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, laguna doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud si uu wadanka u hogaamiyo.
Ururka islaax, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Xasan Sheekh Maxamuud, una muujinayaa taageero buuxda , wuxuuna Allah uga baryayaa inuu la garabgalo xilkaasi culus.
Waxaa kale oo Ururuku u hambalyeynayaa gudoomiyaha iyo xildhibaanada baarlamaanka cusub.
Ururka islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan xoogaga siyaasadeed iyo Ururada bulshada rayidka qaybahooda kala duwan in ay si hagar la`aan ah u garab-istaagaan hogaanka cusub ee dalka, si loo gaaro himilooyinka la higsanayo.
Ururka Islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya , urur goboleedyada iyo beesha Caalamkaba in la siiyo dowladda Soomaaliya kaalmada iyo gacanta ay u baahantahay si dalkeena hooyo uu mar kale cagahiisa isugu taago.
Wabillaahi Towfiiq
Dr. Alibashi Cumar Xaaji
Gudoomiyaha Ururka
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












fadlan comments aad tireysan iska daaya oo ficilka ah ninkani waa mooryaan marka madaxweyne maba istaahilo waa nin xoog lagu keeney iyo cabsi
Islaax Urur ee waa firqo Diimeed ka waddanka ka socda sida Ala Sheekh, Al itixaad, Alshabab, Al Ictizam.
Kkk islaax uru diineed ma ahan waa urur NGO.maamul kastana lanoolaan kara. Hadeyse sheekadaas keenaan iskuulada gobollada dhan alshabaab haka eryo madaxdana halla laayo wixii harana mahiigo ha u cararaan.
Dott Atoore, adeerkaa faroolle dangoroyo a mooryaan ah madaxweynaha cayda ka nogadaa somalida o dhan waa teegeeren madaxweynahena beesha hoose faroolle dr txsiile kaliya aa ka xun in faroolle governatorrida laga eryo
Ururkii Al-Islaax sawkii burburay odagan wax soo qorayna waaba alga qaaday xilkiiye haddii uu baaqdirayo mid official ah baa la qoraaye maxaa hadda lagu cadayn kara in Al-Islax soo diray warkan taasaa kuu cadaynaysa ina anay jirin wax Al-Islax la dhoho ay burbureen
[...] u naqdiyeen siyaasadii Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya. Garabkan oo hadda loo yaqaano “Qadiim“ [kuwii hore] ayaa weli heysta magaca guud ee Xarakada [...]
[...] cad u naqdiyeen siyaasadii Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya. Garabkan oo hadda loo yaqaano “Qadiim“ [kuwii hore] ayaa weli heysta magaca guud ee Xarakada [...]
[...] cad u naqdiyeen siyaasadii Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya. Garabkan oo hadda loo yaqaano “Qadiim“ [kuwii hore] ayaa weli heysta magaca guud ee Xarakada [...]
[...] cad u naqdiyeen siyaasadii Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya. Garabkan oo hadda loo yaqaano “Qadiim“ [kuwii hore] ayaa weli heysta magaca guud ee Xarakada [...]