Ururkii Xisbul Islaam ee Horay Ula Midoobay Al-Shabaab Oo Shaaciyay Inay Ka Bexeen Shabaab Ayna La Hadlayaan Dawlada [WAR Murtiyeed]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Kooxda Xisbul Islaam oo sanadkii 2010-kii ku biiray kooxda Al-Shabaab ee xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa maanta shaaciyay in ay ka baxeen kooxdaas kaddib markii ay arkeen in inta badan waxyaabaha lagu heshiiyay aney hirgalin, sida lagu sheegay war maanta ka soo baxay sarkaal ka tirsan kooxda Xisbul Islaam.

Sheekh Maxamed Macallin oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam ayaa sheegay in uu dhammaaday midowgii iyo xiriirkii ka dhexeeyay labada dhinac hadda wixii ka dambeeyana aysan shaqo ku lahayn ururka Al-Shabaab.

Wuxuu saxaafadda u aqriyay illaa lix qoddob oo ay maanta soo saareen kuwaasoo kala ah:-

1- In Qorshihii ay ugu biireen Al-Shabaab aanu waxbo ka hirgalin taasoo ahayd in la soo celiyo midnimada ummada Soomaaliyeed.

2- In Xisbul Islaam ay weeysay xalkii markii hore keenbtay in ay la midowdo Al-Shabaab dedaal kasta oo la sameeyay aanu waxbo soo naasa cadaan waayay.

3- In laga bilaabo maanta aanay Xisbul Islaam ka mid ahayn Al-Shabaab isla markaana ay isku hadaf iyo siyaatad toona ahayn.

4- Inay qaateyn go’aan ah inay lahadlaan cidwaliba oo ka shaqaynaysa nabada iyo horrumarka Soomaaliya.
5- Inay Doonayaan In dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.

6- Ugu dambeyn in ciimada shisheeye ee ku sugan dalka ay ku joohaan si sharci daro ah, isla markaana lagu amaraayo in dalka laga saaro.

Wuxu sheegay Sheekh Maxamed Macallin in go’aankan ay la qabaan hoggaankii sare ee Xisbul Islaam oo uu ka mid ah yahay hogaamiyahooda Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka tirsanaa madaxda Al-Shabaab.

Waxa laga yaabaa in Xisbul Islaam ay la hadasho dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka maanta ka soo yeeray Xisbul Islaam ayaa ku soo beegmayaa iyadoo Al-Shabaab laga qabsaday dhul badan oo ay ku jiro caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

16 Responses for “Ururkii Xisbul Islaam ee Horay Ula Midoobay Al-Shabaab Oo Shaaciyay Inay Ka Bexeen Shabaab Ayna La Hadlayaan Dawlada [WAR Murtiyeed]”

  1. saabir takar says:

    waa wax lagu farxo lkn faahfaahin meesha ma ii nan soo galin sxb..
    war dhamays tiran soo galiya waad mahdsantihiiiiiiiiiiin..

  2. [...] Read more here: Ururkii Xisbul Islaam ee Horay Ula Midoobay Al-Shabaab Oo Shaaciyay Inay Ka Bexeen Shabaab Ayna La H… [...]

  3. way kuu mahad sanyahiin inay kaa baxan kuwaa walaan ee kuu cayaraya makaca dhaliin yarada ee mageceeda wayo waxay kabaxeen wax barasho laan iyo baba iyo dhawac iyo hoog iyo baa baay noo horseedeen

  4. DOWLADA somalia says:

    kkkk markii jowhar lasoo dul fariistay ayey dhaheen waan ka baxnay shabab war lugta mariya wax xisbul islam ladhaho majiraane

  5. umu fadumo says:

    asc wr wb salaan kadub wa ariin lagu farxo waana soo dhawyneeynaa

  6. Zack-London says:

    yaan la u daahin….qorta hala u dheereeyo……….maalin walba shaati cusub noo soo xirta …………Moryaan fowqul moryaan……..

  7. Cadaado says:

    ASC, eeyo doofaara ah waaye xisbul islaam iyo alshabaab labaduba. Waxba yaan dhag jalaq loosiin, nimankaan xaaraanta mooryaanta ah ee xisbul islaam isku sheego, iyo odayga fulayga ah ee xukunka meel xun ka raadiyo ee Xasan Daahir Aweeys, waa wax magarato hada dhahaayo wada hadal ayaan rabnaa, makrii eey dhalinyaro badan oo dhinacooda iyo dowlada dhinaceeda eey maalaayacni ugu dhamaadeen. Waa in la xisaabiyaa, lana weeydiiyaa in eey dadka waxba ismaqalsiin hada, maadaama eey noo cadahay in eey baadil iyo qarda jeex aan tala kudhisneeyn eey kusocdeen markii eey diideen in umadaan masaakiinta ah loo naxariisto oo dagaalka iyo shidada laga daayo, waana eey diideen nasteexadaas. Hadaan la xisaabin, sidee bay mooryaantan u joojinaayaan dhibka eey umada Somaliyeed ku haayaan. Qaasatan dadka koonfurta Somaliya kunool. Yaan waxba lala hadlin hada, ee dagaalkii eey xukunka ku raadinayeen halagusii wado, oo waliba amxaaro iyo africaan cusub haloo keensado.

  8. Abdi Somali says:

    xasan daahir waqtigii uu shaarka badalan jiray baa la gaaray ileen shabaab waa sii liicaysaaye dhalin yaro 100,000 kun ka badan baa madaxaaga lagu laayay saad caawa tiri waa ka baxay shabaab adigaa ka danbi badan ee ka dhex bax dadka gacan kudhiiglayahow

  9. mudug says:

    mar haday qoraxdu galbeed kasoo baxdo towbada lama aqbalo waxan ula jeeda xisbul islaam maxay gacanta ku hayaan oo ku gor-gortamaan wixi hub iyo dhaqale ahaa waa lagala wareegay e nimanku kaftan bay meesha ku hayaan

  10. Horta hadii laxisaabtanka soomali aad ka baxsataan waa suaale tan Alaahay saad ka yeelaysaan ileen markii alshayaadin jabtay baad isleedihiin hadaba soo noqda weli toobad baa furane.

    qudbadihiini aad hadh iyo habeen ku taageereyseen in caruurta iskoolada jaamacadaha noogu jirta iyo dadweynaha soomaliyeed in dhiigoodu xalaal yahay.

    anigu toobadooda waxan u arkaa tii fircoon markuu arkay in badii qaaday yidhi aamantu bimaa aamana banuu israaiil (waxan rumeeyey wixii ay aamineen reermani israaiil)

  11. abdulkadir says:

    ASSALAAMU CALAYKUM.
    Waxaan qabaa inaan koxdaan la aaminikarin, marka hore waa inay hubkooda oo dhan ay dawladda ku soo wareejiyaan kii dambigalayne maxkamad lala tiigsado kuwa kalane dhaqan celin la geeyo, Aniguse laba sano xarig ah ayaan u jari lahaa.WBL-towfiiq.

  12. somali says:

    Waa dambiilayaal hadii ey isi soo dhiibaan waa in fagaale weyn lagu maxkamadeeyaa Xasan daahir iyo Xasan turki iyo wixii la socto waana waxaan la aqbali karin in markey jabeen oo tabari meel dhigay afka la soo taagaan al shabaab ayaan ka baxnay iyo wax la mid ah,waana in laga digtoonaadaa qiyaanooyinkooda cusub oo ey ku doonayaan in ey dadka ku soo dhax milmaan deetana dhibaatooyin uga dhax abuuraan.Anigu waxaan qabaa kuwaani waa isku mid si isku mid ahna haloo cirib tiro si umadaan nabad buuxda u hesho dowlada somaliyana waxaan uga digayaa in lagu beer laxawsado hadal af barkii ah oo la doonayo in lagu qariyo xasuuqa umada lagu hayo oo uu ugu dambeeyey kii wariyayaasha lagu gumaaday.

  13. suufi says:

    daahir awees waa ku taagantahay miyaaaa duqaaas dhalanyaradii dhameeyay , caruurtiisana Egypt ayuu geeystay . haduu run sheegaayo jihadka uu afkiisa ka sheegaayo muu caruurtiisa galiyo , muxuu ilmaha islaameed u galinaa qatar , Daahir aweeees maanta wey ku heeysataa ninkii godka kaa bixin lahaay raadso , indha cade u tag kkkkkkkkkkkk caaac iyo calaacalka dhaaaf ina adeerkaga raadso

  14. James says:

    sideey dawlada ugula heshiin kartaa dad gacan ku dhiiglayaal ah oo umadda somaliyeed oo muslimka ah baa’biiey? xisbul islaam sheekada markii hore ayeey idinka gubatay, wax lala heshiin karo dad isku sheegaya islaam oo hadana qof islaam ah hadana isku jinsi tihiin inaad gogooysaan, baaisaan, xoogtaan. haddana meel lasoo istaagtaan waxaan doonaynaa heshiis dawladnimo, meeshii lagu jabinaayo alshabaab ayaad idinkuna ku jabeeysaan xiligeey noqoto hagaarto. imisa qarxis iyo dambiyo ayaad la wadaagteen alshabaab? waxaa tihiin gacan ku dhiiglayaal umadda somaliyeed soo qalay, dad qalato loogama baahno baarlamaanka, waayo waxaa jooga dad caadi ah oo dad qalato iyo waraabe cunayaal ahayn. Al xisbul shaydan dugaagta kaliya ayaad wax la qabybsan kartaan ee duurka ayaa la idiinkaga baahan yahay ee tagga.

  15. [...] Shalay ayey ahayd markii Sheekh Maxamed Macalin oo ka tirsanaa saraakiishii ururka Xisbul Islaam oo sanadkii 2010 ku biiray Al-Shabaab uu shaaciyey bayaan ka soo baxay ururka oo ay ku sheegeen inay ka bexeen ku biiristii Al-Shabaab, isla markaana ay diyaar u yihiin inay wadahadal la galaan dawlada Soomaaliya. AKHRI WAR KA SOO BAXAY XISBUL ISLAAM [...]

  16. hinda says:

    waan uga mahad celinaynaa xisbul islaam inay kasoo goosteen mujrimiinta dadka iyo dalkaba qaribaya

Leave a Reply