Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Xaafado Ka Tirsan Baladweyne iyo Khasaaro Ka Dhashay
Muqdisgho (RBC Radio) Meelo badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka da’ay Roobab lagu diirsaday, iyadoona wabiga Shabeelle uu ku fatahay xaafado ka tirsan magaalada Baladweyne.
Wararka ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu ku fatahay ilaa iyo sadax Xaafadood oo ku yaala magaaladaasi Baladweyne, isla markaana fatahaadaasi ay geesatay khasaaro.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa RBC Radio u xaqiijiyay in biyaha wabiga ka soo baxay ay qaadeen guryo badan oo ku yaalay xaafadaha magaaladaasi iyo waliba Goobo ganacsi.
Sidoo kale maamulka gobalka Hiigaan ayaa xaqiijiyay in ilaa iyo Afar ruux ay ku geeriyoodeen fatahaadaha uu shabeeyay wabiga Shabeelle iyo Biyaha Wabiga ee galay xaafadaha qaar.
Saaka ayaa waxaa la arkayay dadka magaalada Baladwayne oo ka baxaya xaafadaha ay soo galeen biyaha isla markaana aadaya meelaha kale ee uusan wabiga ku fatahin.
Wabiga Shabeelle ayaa wuxuu meeraa deegaano badan oo ka tirsan gobalada Soomaaliya, waxaana xiliyada uu fatahaada uu sameeyo wabigaan uu geestaa khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











