Wafdi ka Socda Dawladda Turkiga oo Soo Gaaray Boosaaso,Booqdayna Goobo Muhiim ah [Sawirro+Codad]
Boosaaso[RBC Radio] Wafdi ka kooban Afar Xubnood oo mid kamid ah yahay Soomaali ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso,waxayna kormeero kala duwan kusoo mareen meelo kala iyagoona soo Indha-indheeyey Xaaladda dhabta ah ee dadka ku dhaqan magaalada siiba Barakacayaasha.
Xubnaha Wafdigan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Duqa degmada Xassan Cabdalle Xassan,Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdilaahi Warsame,Xubno kamid ah Gollaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale.
Wafdigaan oo ka socday Hay’ad u qaabilsan dalka Turkiga Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo tan arrimaha dibada ayaa kala ahaa Abdulhad Kondagi(Somali Program Coordinater),Mustafa Hasim Polat(African Desk Tika),Celallettin Guncengi(Engineer) iyo Zaid Mukhtar Adle(Assistant Officer).
Gudaha Gegida Diyaaradaha ee Banderqaasim International Airport ayey kula hadleen Saxaafadda,waxaana si maamuus iyo sharaf leh loogu soo dhaweeyey Jawiga macaan ee magaalada Boosaaso,waxaana ugu horeyn kusoo dhaweeyey Imaatinkooda Puntland Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Cabdilaahi Warsame.
Wasiirka Caafimaadka Cali Cabdilaahi Warsame ayaa sheegay in Xubnaha Wafdiga ee ka socday dalka Turkiga ay kusoo dhaweynayaan gacamo furan gudaha deegaanada Puntland,wuxuuna tilmaamay in dawladdoodu u taagantahay Horumarinta iyo daryeelida Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa reer Puntland.
Dr Cali Cabdilaahi Warsame ayaa sheegay in Wafdigan uga faa’ideysan doonaan iney tusaan baahiyaha ka jira degmada Boosaaso iyo kan gobolka Bari,wuxuuna intaas ku daray in dawladda Turkigu ay dadaal weyn u gashay sidii ay u caawin lahayd Ummadda Soomaaliyeed taasina ay uga mahadcelinayaan Xukuumada ahaan iyo dawlad ahaan intaba.
…”"”Waxaan uga faa’ideysan doonaa inaan tusno Wafdiga baahiyaha ka jira degmada Boosaaso iyo gobolka intaba,waxaan la soconaa dawladda Turkiga iyo dadaaladii ay ka sameysay sidii ay u caawin lahayd dadka Soomaaliyeed,aad iyo aad baanu ugu mahadcelinaynaa Xukuumad ahaan iyo dawlad ahaan intaba,…”"”ayuu yiri Dr Cali Cabdilaahi.
Waxa uu ka dhawaajiyey Wasiirku in kastoo dawladda Tukigu ay dadaal weyn u gashay Shacabka ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaana Muqdisho haddana aysan Puntland siinin taageero muuqata balse Imaatinka Wafdigan ay u tahay horudhaca bilow Iftiin muuqda leh.
Mustafa Hasim Polat(African Desk Tika) oo kamid ahaa Xubnihii Wafdiga ahaa ee ka socday dalka Turkiga ayaa ku amaanay Madaxdii kusoo dhaweysay Gegida Diyaaradaha ee Boosaaso,waxaana uu sheegay in Puntland aysan u ahayn markii ugu horeysay oo ay Yimaadaan.
Waxa uu sheegay in Hawlo dhanka Samafalka ah ay ka bilaabeen laba ama Saddex bilood ka hor gudaha magaalada Gaalkacyo taasina uu goob joog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdilaahi Warsame,intaasi waxa uu ku daray in Puntland ka qabandoonaan horumar la taaban karo.
Wafdigaan Intii ay ku sugaanyeen gudaha magaalada Boosaaso,waxa ay kormeereen Dekedda Boosaaso,Qaar kamid ah Barakacayaasha Kaamamkooda,Guryo Qadiimi ah oo Xarun u ahayd Guumaystihii Talyaaniga,Guriga Shaqaalaha Debdemiska iyo Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso.
Booqashada intii ay ku jireen waxay kulamo la qaateen Xog-waraysi ah dadka Barakacayaasha ee kaamka Buulo Salaam,iyagoona looga Sheekeeyey baahiyaha dhanta ah ee ka Jira Kaamka sida Biyaha,Waxbarashada iyo Caafimaadka,waxayna u balanqaadeen in inta badan ay wax ka qabandonaan lana arki doono dhawaan Waxqabadkooda.
Dawladda Turkiga oo Iftiin baxaya u noqotaya Malaayiin Soomaali ah xiligii ay abaaruhu ka bilowdeen qeybo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa waxa ay hadda u muuqataa tan kaliya ee hadda Waxqabadkeedu ku baahay dhamaanba dalka,waxaana aad ugu mahadiyey Shacabka iyagoona u duceeyey dawladda iyo Shacabka aan Walaalahay nahay ee Turkiga.
Halkaan ka Dhagayso Hadalada Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdilaahi Warsame Guji Halkan
Halkaan ka Dhagayso Hadalada Mustafa Hasim Polat(African Desk Tika) Guji Halkan
Halkaan ka Dhagayso Hadalada Hooyo kamid ah Barakacayaasha Kaam Salaam ee Boosaaso Guji Halkan
_____________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com


































masha alaaah dr ali waa uu shaqeenayaaa
[...] Read more here: Wafdi ka Socda Dawladda Turkiga oo Soo Gaaray Boosaaso,Booqdayna Goobo Muhiim ah [Sawirro+Codad] [...]
“”Waxa uu ka dhawaajiyey Wasiirku in kastoo dawladda Tukigu ay dadaal weyn u gashay Shacabka ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaana Muqdisho haddana aysan Puntland siinin taageero muuqata balse Imaatinka Wafdigan ay u tahay horudhaca bilow Iftiin muuqda leh.”"
Marka aad aqriso pragarph-kaas waxaa kaa soo baxay in wasiirka qaba cuqdad ah, xamarba waxbaa la siiyaye annakane maxaa naloo siin waayay!! war iimaanka alle kaama qaadeee, xamar waa caasidmadda dalka, la mid ma ahan tuulooyinka dhismay waxii 1991 ka danbeeyay, xmara waa xadaaradda dalka iyo umadda soomaaliyeed, illaaa goorma ayeey reer puntland la ficilmayaan muqdisho, oo eey rabaan hadddi musbaar xamar la geey, in pintland-na la keena, war cuqdada iska saaaro oo walaalhiina garabsada oo gacanta qabsda aan qaran xooggan noqoneee, iska daaye sheekdan dhoocilahha cmlka ah ee ficilka socda ah, allooow soo hanuuni reer puntland.
masha allah waxaa aad ii qanciyay sawirada suu uqaaday cusmaan turaabi aad ayaa u mahdsanthy sxb
Masha alah madaxda gobolka Bari sidaquruxda badan ee aad usoo dhaweyseen marti sharafta walaalaheen turkish waxaan kaloo jeclaan lahaa inaad ubandhigtaan baahida airport runway ga Bosaso oo ah wax ay aad iyo aad ugu bahanyihiin bulsho weynta reer puntland maadama maamulka sare ee garoowe fadhiya curyaamiyay gabagabeyntii airporka Bosaso waxaa la idinka doonaya masuuliyiinta localka sida gudoomiyaha gobolka duqa magalada inaad howshaas xil iska saartaan maadamada aad meteshaan bulshada Bosaso waxqabad baa la idinka rajeynayaa
viiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiva puntland walahi puntland helpeeeed aloooooooooooooooooooooot of southern people guuuuuuuuuuuuuuuulaysta guuuuuuuuuuuuuuulasta doofaarta dabada madaw ee is cunaysa waad ka fiican tihiine bal CAR WAKAASE NIMANKAAS MEEL HA ISKU RAACAAN
Xamar waa magaalo madaxdii wadadanka Waxaana ka dhacay dhibaato aad uxun mid lamaqlay & mid Aan la maqal buuktana laga waa yay , Shacabka kunool boosaaso nus kabadan waxay ka soo jeedaan ama ku dhasheen Mogdisho maahan qabyaalad waxaan ula jeedaa Xagee ku aasan tahay Xudun tooda , Viva Puntland & Soomaalia
@xamaraawi puntland baa ugu horeyseey wax caawimaad turkey ah dalka keenta markii la arkeey in ay puntland tageen baa dad reer xamar ah iyo safiirka Turkey u fadhiyey Somalia oo ah nin reer xamar ah ay is kaashadeen oo ka dhaadhiciyeen in xamar ay ku wareejiyaan waxii deeq ah oo somalia ay ugu talo galeen.marka aamus yaa dubaab waxii aad burburisey baa dib laguugu dhisayaa dadka reer puntland ah iyagaa dhisanaya ma wax la is bar bardhigaa.cawaanyahow.
Qoaalka Xamraaawi (kolay magac kalaad leedahay)
“Marka aad aqriso pragarph-kaas waxaa kaa soo baxay in wasiirka qaba cuqdad ah, xamarba waxbaa la siiyaye annakane maxaa naloo siin waayay!! war iimaanka alle kaama qaadeee, xamar waa caasidmadda dalka, la mid ma ahan tuulooyinka dhismay waxii 1991 ka danbeeyay, xmara waa xadaaradda dalka iyo umadda soomaaliyeed, illaaa goorma ayeey reer puntland la ficilmayaan muqdisho, oo eey rabaan hadddi musbaar xamar la geey, in pintland-na la keena, war cuqdada iska saaaro oo walaalhiina garabsada oo gacanta qabsda aan qaran xooggan noqoneee, iska daaye sheekdan dhoocilahha cmlka ah ee ficilka socda ah, allooow soo hanuuni reer puntland.”
Runtii Puntland waa wadan Soomaaliyeed eeyna ku noolyihiin ummad Soomaaliyeed oo ka soo carartay dhibaatooyinka loogu geystay koonfurta gaar ahaan caasimad ku sheega xiran shaatiga cariiraga ah waana arin lagu farho haddii kaalmada iyo dhqaalaha wadanaka la gaarsiiyo deegaanada wadanku ka koobanyahay , ee aan meel gaar ah lagu wada sgubin. “pintland”iyo kalmada nuucas ah oo caafimaad daradu ka muuqato in laga waantoomo ayaa ila haboon.
waxaasaan lahaan jiray iyo way ahaan jirtay waxaa laga hadlayaa wacyiga maanta yaala ama meediyaha halaga buun buuniyo wardhiiglay howlwadaag cabdicasiis buulo xuubay yaaqshiid hodan xuduntaydaa ku duugan oo nin iga jecel majiro marka riyada halayska iloobo waxaa ku sugan gudaheeeda 1500 amison and 2000 somali army maalinkasta dad baa lagu qashaa cayaar ma aha caro ilaahay meesha yaan waqti badan lagu dhumin aniga wax kama dhigi karo idinkana wax kama dhigi kartaan
Soomaalida qaybteed waxaa isaga qaladan maamul ama waa maxay maamul ? goboleed , Puntland waa state kamida Soomaali weyn Waxay goooni u leedahay oo Pintland , Mawaadan ogeyn Soomalia ineey tahay federal system, Walaaloow wanaga walaalkaa haka nixine ku farax kagana dayo wixii wanaaga meel baan wax uwada wadnaaye hadii caqliga sifiican loo isticmaalo, Viva Puntland & Soomaalia
@abdikhadar iyo ahmednasir, maydan garane ninku waa khaatumoseeg, nacaladi haku dhacdee bal may dalkooda iyo ragooda sidii ciyaalkii makhribkii la seexsho ayagoon hurdaba baahnayn wax u xoreystaan alla xasad iyo xiqdi badanaa markaasay puntland iyo dadkeeda afka ku soo taagayaan walle waa ummad sixran.Tan kale dawladda turkigu aad iyo aad bay ugu mahadsan tahay caawimadda ay la garabtaagan tahay ummadda somaliyeed hadba keeda dhibaateysan ha joogo muqdisho ama meel kale ha joogee. teeda kale waxaa aad iyo aad mahad oo dhan iska allaah subxaanuhu watacaalaa taa kadibna waxaa isna aad u mahadsan maamulka uu madaxweyne Faroole horseedka ka yahay ee suurta geliyey kuna guuleystay inay puntland noqonoto meel la isku halayn karo horumar dhanwalbana had iyo goor ku tilaabsanaysa. PUNTLAND ALLAHA DAAYO CADAWGEEDANA OO KHAATUMOSEEGYADU U HOREEYAANA ALLAHA QABTO OO JEBSHO.