War Hada Soo Dhacay: Maraakiibta Dagaalka Iyo Diyaarado Duqaynaya Kismaayo
Muqdisho (RBC Radio) Wararka hada naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in magaalada ay ku socoto duqayn xoog leh.
Duqeyntan oo ay gaysanayaan Maraakiibta dagaal iyo diyaaradaha Kenya ayaa la sheegayaa in ay ku socoto qaybo ka mid ah magaalada kismaayo.
Dad Kismaayo jooga ayaa RBC Radio u sheegay in duqaynta ay si aad ah ugu socoto Xaafada Abliko oo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo oo la sheegay in Al-Shabaab ay fariisimo waawayn ay ku lahaayeen.
Dadka magaalada jooga ayaa sheegaya in ay maqlayaan duqaynta laakiin aysan ogayn ilaa iyo hada inta uu la egyahay khasaaraha ay geesatay ee soo gaaray Al-Shabaab ama dad shacab ah.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa iyana la sheegayaa in ay isdifaacayaan isla markaana ay ridayaan hub cul culus oo ay ka mid yihiin qoryaha lidka diyaaradaha.
Dadka magaalada ayaa aad u baqaya waxayna ka cabsi qabaan in ciidamada dowlada Kenya ay gudaha u soo galaan magaalada isla markaana uu dagaal xoog leh ka dhaco gudaha magaala xeebeedka Kismaayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











