WAR Murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Gaarka Ahaa Ee Looga Hadlay Soomaaliya Iyo Brtian Oo U Ballan Qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Lacago Ballaayin Dollar


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

New York [RBC Radio] Shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya ayaa xaley ka dhacay xarunta QM ee New York halkaasoo uu ka socdo shirka 67-aad ee golaha loo dhan yahay ee QM.

Shirkan waxa soo qaban qaabiyay  xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, dowladda Turkiga iyo Boqor tooyadda Britain waxaana looga hadlay isbadalka taarikhiga ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

Waxa dhinaca Soomaaliya shirka ka qeybgalay wafdi uu hoggaaminayo  ra’iisal wasaaraha uu waqtigiisa dhammaaday ee Cabdi Wali Cali Gaas , iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qadka Videoga kaga soo galay magaalada Muqidsho.

Shirka waxa kaloo joogay dalalka daneeya Soomaaliya oo ay madax u joogtay madasha shirka  waxana ka mid ahaa xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton, wasiirka arrimaha dibedda Britain William Haig  madaxweynayaasha Masar, South Africa , Maxamed Mursi, Jacob Zuma, ra’iisal wasaarayaasha  Ethiopia , Australia iyo Talyaaniga Hailemariam Desalegn, Julia Gillard, Mario Mont iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga, Ahmet Davutoglu.

Xoghaye Mr. Ban Ki-moon

Xoghaye Mr. Ban Ki-moon

Ban ki-moon oo shirka qeybinaayay ayaa yiri “Maanta is badalkii aan su geynay mudada dheere waa uu yimid, Soomaaliya waxa ay soo dhameesay  waqti dheer oo lagu soo jiray kuwaasoo looga soo gudbay heshiisyadii ka dhacay Djabuti iyo Kampala waa in ammaanaa isbadalka ka dhashay Soomaaliya, Soomaaliya waxa ay yeelatay dowlad, iyagoo sameestay dastuur KMG ah isla markaana baarlamaanka la soo xulay ay doortayn madaxweyn , habkaas ay Soomaalida gaartay  waa mid taarikhi ah”.

Madaxweyn Xasan Sheekh muxuu ka sheegay shirka gaarka u ahaa Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka kaga soo galay dhinaca Muqdisho Video-ga lagu hadlo ayaa marka ammaamay madaxda caalamka kuwaasoo is garab taagay shacabka Soomaaliya in ay ka baxaan xilligii mugdiga ay soo mareyn.

Waxa uu yiri Soomaaliya 40-sano kaddib waxa ay yeelatay jamhuuriyadii seddaxaad, taasoo muujineysa in ay soo ceshatay sharafteeda, marka waa in caalamku uusan kula macaamilin gacan kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soo magacaabi doono ra’iisal wasaare soo dhis xukuumad tayo leh oo wax badan ka badalan kuwii ugu dambeeyay.

              

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

                       Dar-daaran uu siiyay beesha caalamka

“Dal kasta oo burburay ee meesha hoose taga kaalmo la’aan ma soconaayo Soomaaliya waxbo kama badlna sidaas, waxa aan sameen doonaa wax cusub iyo hab cusub, waxa aan in dhaha ku heynaa in aan lagu celin Soomaaliya halkii ay soo martay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa u dhashay waa cusub, waxana ay ka soo gudubtay waqti dhib badan, waxa aan sameen doonaa maamul siyaasadeed oo shaqeyn doona, kaasoo dhabaha u xaaraya in Soomaaliya ay ka dhalato doorasho xor ah”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri ” Beesha caalamka waxa aan in ay laba jibaarantaa kaalmada iyo isbar-bar taaga Soomaaliya”

Waxa kaloo shirka ka hadlay guddoomiyaha uu xilligiisa dhammaaday ee midowga Africa Mr. Joan Bing, oo sheegay in madaxweynaha cusub ay la kulmeyn, isla markaana uu u soo bandhigay qorshaha uu doonayo, marka waa in la taageero madaxweynaha iyo xukuumada cusub ee la soo dhisaayo.

Intaas kaddib waxa shirka ka hadlay wasiirka arrimaha dibedda Britain William Haig oo goobta ka ballan qaaday in dowladiisa ay siineyso dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh lacag gaareysa 10-milyan oo lacagta dalka Ingiriiska ee Bound, kuwaasoo loogu talagalay in wax looga qabto siddii Soomaaliya ay u dhisan lahayd hey’addaha muhiimka ah.

Wasiir William Haig

Wasiir William Haig

Wuxuu yiri waa in Soomaaliya ay ku soo laabto siddii horey loo yaqaanay, oo ay jidka dimuquraadiyada hiigsato, annagana diyaar ayaan la nahay siddii an u caawin lahayn”

Ra’iisal Wasaaraha dalka UK David Camiron oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la caawiyo dadka Soomaalida oo hadda ka gudbay marxaladii KMG ah isla markaana yeeshay madaxweyne iyo baarlamaan cusub.

Isbadlaka ka dhashay Soomaaliya ayuu ku tilmaamay mid la mid la mid ah kacdoonada ka dhacay wadamada carabta.

shirka waxa hadalo ka soo jeediyay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Hillari Clinton, taasoo sheegtay in dalkeeda uu diyaar la yahay siddii ay u caawin lahaayeen Soomaaliya.

Mrs. Clinton ayaa sheegtay in ay ku faraxsan yihiin is badalka ka dhashay dalka Soomaaliya.

Dhammaan madaxdii ka qeybgashay shirka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin isbadalka ka dhashay dalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan yihiin madaxweynaha cusub Soomaaliya.

Wakiilo ka socdo Uganda, Burundi, Djibouti iyo Kenya  oo ay askar ka joogaan Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka, kuwaasoo sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, waana shirkii  ugu ballaarnaa ee looga hadlo arrimaha Soomaaliya.

Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya xarunta QM ee New York ayaa ku tilmaamay shirka in uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale la qabto.

Ciid Badal oo ah danjiraha labaad ee Soomaaliya u fadhaya New York ayaa tilmaamay in beesha caalamka ay diyaar la tahay siddii ay u caawin lahaayeen Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

12 Responses for “WAR Murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Gaarka Ahaa Ee Looga Hadlay Soomaaliya Iyo Brtian Oo U Ballan Qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Lacago Ballaayin Dollar”

  1. [...] Continue Reading: WAR Murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Gaarka Ahaa Ee Looga Hadlay Soomaaliya Iyo Brtian Oo U Ballan Qaa… [...]

  2. Rooraaye says:

    Nin jira mr gaas dadbaa oranaya muxuu qabtey walee taariikhda soomaaliya baal dahab ah ayuu ka galay

  3. Diini says:

    Thank you very much!!! Dr. Gaas

  4. somali says:

    10 milyan maxey ka qaban kartaa xaalada murugsan ee somaliya?markii afgaanistaan laga riday xukunkii Talibanka aduunka wuxuu isugu yimid wadanka Jarmalka waxaana loo yaboohay 3 bilyan ama 3 kun oo milyan marka somaliya maxey ka duwan tahay afgaanistaan?waa tan loo diidan yahay in lacag wax qaban karto la siiyo?anigu waxaan qabaa somalidu in iyadoo ceyr ah isku tashato kuna wada shaqeyso iskaa wax u qabso.taageero hadal ah oo la mid ah qowda maqashii waxna hoow qaban hore ayey somali ugu soo daashay.

  5. Wiil-Mudug says:

    Caalamku Soomaaliya waa la daadalayaa maanta, Soomaalida Madaxdooduna waa inay boorka iska jafaan, oo is xisaabiyaan, waxaan aad ugu riyaaqasanahay qorshaha Madaxweynaha usoo gudbistay waa inaad qorshe leedahay hadaad hogaamiye tahay, kadibna aad ku dhaqaaqidid, madaxweynuhuna kartideeda waa leeyahay ilaahay hala garab galee.Caalamku Soomaali jeceyl waxaan usamayn maayo, laakiin qatarta Soomaaliya kasoo socota ayay naftooda ugu baqayaan.

  6. abdulaahi says:

    Soomalida waxaan ku boorin lahaa in ay iskood wax u qabsadaan. Maanta aduunka hormarey dhaqaalihiisi dhulka ayuu galay meesha kaliya oo aduunku isha ku hayo waa Africa kheyraadkeeda aan lataaban. (untouched resources and raw material.) Maanta soomaliya maalin ay kaga baahi badantahay ma lahan hogaan caqli u saaxib ah oo fakar qooto dheer leh iyo la shaxah siyaasada aduunka jahwareerka iyo lugooyada badan

  7. abdulaahi says:

    10ka milyan oo UK sheegeyso ma ahan lacag cad amba hot currency ee lacagta badankeeda warshadaha UK iyaa loo qabin kadib warshad walba waxey Soo saarto baa lacag ahaan soomaliya loo geyn. the western wOrld does not give cash currency to any African country however if they do only the smallest percentage reaches the country intended for the aid. and truly most of the aid provided to Africa is for instance surplus food, weapons and unethical human laboratory centers.

  8. ilaahow soomaliya unaxariiso

  9. Diirshe says:

    faan badanaa maxuu qabtay Gaas…….. markaa u mahad celineysaan nin waliba oo somalia ah waa qaban karaa muhiimada waa isku keenista Somaliweyn…
    Somaliweynah waxa uu ka doortay Puntaland Car waa kaasee Madaxweynaha haka dhigo Prime minster hadey qiimo ugu fadhido 10 kaas Uk ugu deeqday, in ka badan ayuu gadan rabay oo Kenya la rabeen in uu noqdo Raisal wasaare si ay la wareeegaan Bada somalia……

  10. icy.cool 123 says:

    GAAAS WAA NINKA ILAAHAY AMRKI KU DADAALAY INU SOMLIYA KA BAXDO KU MEEL GAAR DADKA KU FARXSAN MADXWYNAHA CUSUB WAXAA ILAAHAY MAHDI SABAB UGA DHGAY RES GAAS . GAAS WAA INU NOQDAA REAS CUSUB SOO U DHAMYSTO HAWSHA HOR TAAL. MADXWNE XASAN WAA INU GAAS U DOORTA REASLAWSAARE

  11. qadar says:

    prof;Gaas waxa uu soo qabtay wax la koobi kara maahan,waxaa uu soo bandhigay road maapka ay soomaali uga baxaday ku meel gaaarka, kuna da-daalay sidii uu uhirgali lahaa waa road mapka,asagoo la shaqaynayay dad aan aqoon u lahayn siyaasada wadanka gudihiisa iyo dibadiisa. Prof;Gaas aniga xagayga waxa uu ka yahay shaqsi wanaagsan oo aan u arko inuu soomaaliya amaankeeda sugikaro umada soomaaliyedna uu shaqo u abuuri karo,Gaas xagayaga waxa uu kayahay madaxwayne.

Leave a Reply