Warar Kala Duwan oo Ka Soo Baxaya Dagaal Shalay Ka Dhacay Deegaano Ka Mid ah Gobolka Jubbada Hoose
Muqdisho (RBC) Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dagaal shalay dhexmaray ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa DKMG Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab oo horey iskugu horfadhiyey deegaano ka mid ah gobolkaasi.
Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle (Birta Dheer) ayaala sheegayaa inuu keenay khasaare dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana guulo kala sheegtay ururka Al-Shabaab iyo saraakiisha DKMG Soomaaliya.
Warbaahinta ku hadasha afka ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka Janaay Cabdalle ay ku soo rideen labo diyaaradood oo ay leedahay dawlada Kenya isla markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen askar fara badan oo ka tirsan kuwa Kenyaanka, arintaasoo uu beeniyey afhayeen u hadlay ciidamada DKMG ee la socda ciidamada Kenya.
Al-Shabaab oo galay Afmadow
Dhanka kale warar laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe, in ciidamada Al-Shabaab oo weerar soo qaaday ay gudaha u galeen degmada Afmadow, inkastoo markii dambe ay ka bexeen degmada. Qabsashada Afmadow waxay ka dambeysay dagaal culus oo ka qarxay deegaanka Biibi shalay galab kaasoo soo gaaray illaa xalay fiidkii.
Al-Shabaab waxay sheegatay in ay la wareegtay saldhiga degmada Afmadow oo ay ka ceyriyeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya.
Col Aadan Shire oo ka mid ah saraakiisha ciidamada DKMG ah ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka saareen Afmadow haatana ay iyaga ku sugan yihiin.
Ku dhowaad 30 ruux oo labada dhinac ah ayaa la qiyaasayaa inay ku dhinteen dagaaladan, walow dhinac kasta uu sheegay in tiro yar ay kaga dhimatay dagaalka.
Dagaaladan ka soo cusboonaaday gobolka Jubbada Hoose ayaaku soo beegmay xilli ciidamada Al-Shabaab ay gacantooda kabaxday degmada Marka oo ah xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalka Jubbada Hoose uu saameyn ku yeeshay magaalada Kismaayo oo kamid ah dhowr magaalo oo muhim ah oo ay weli Al-Shabaab ka taliyaan iyadoo dad badan ay haddaba bilaabeen inay magaalada isaga barakacaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho










