WARARKII UGU DAMBEEYAY KISMAAYO: Dad La Xirxiray, Magaalada oo Gudaha La Iskula Galay iyo Duqeyn Cir iyo Bad ah oo Socota


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Xaalada magaalada Kismaayo ayaa weli kacsan iyadoo dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Kenya oo saaka waaberigii dhanka Ceeldhiig ka soo daatay iyagoo so maray halkla loo yaqaano “Qeyle Dheer” iyo ciidamada ururka Al-Shabaab oo magaalada difaacanaya.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in saaka saacadihii hore ciidamada Kenya ay gaareen illaaCeelshur iyo Buulo Abliko hase yeeshee dagaal culus oo ay soo qaadeen Al-Shabaab ayaa dib loogu soo riixay dhanka Ceel Dhiig.  Tirada askarta Kenya ee ka soo degtay dhanka Ceeldhiig ayaa la sheegayaa inay 300 gaarayaan.

Dad la xiray

Ciidamada Kenya oo saqdii dhexe ka soo daatay markab weyn oo badda fadhiya ayaa xirxiray in ka badan 160 ruux oo rayid ah.  Dadkan waxaa lagu xirxiray Buulo Abliko, Ceeldhiig iyo Cuuldhurow oo ah deegaano bannaanka uga yara baxsan magaalada bartamaheeda.  Dadka ayaa gacmaha laga katiinadeeyay, waxaana looga dhextagay guryahooda.

Lama oga sababta dadka rayidka ay xireen ciidamada Kenyanka.  Sidoo kale waxaa saaka loo diiday inay foofaan xoolaha dadka ay dhaqan jireen.

Duqeyn socota

Waxaa magaalada si weyn uga socta duqeyn cir iyo dhul ah oo ay geysanayaan ciidamada Kenyank.  Waxaana meelaha madaafiicda ku dhacday saaka kla mid ah agagaarka Shineemo Ayaan, xaafadaha Calanley iyo Fii Afmadow.

Duqeynta ayaa waxaa soo tuuraya maraakiib iyo diyaarado intaba.

Warar kala duwan ayaa daqiiqad kasta ka soo baxaya magaalada. Faahfaahino dheeraad ah isha ku hay Raxanreeb.com

 

Share

5 Responses for “WARARKII UGU DAMBEEYAY KISMAAYO: Dad La Xirxiray, Magaalada oo Gudaha La Iskula Galay iyo Duqeyn Cir iyo Bad ah oo Socota”

  1. [...] (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee saaka waaberigii galay xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay dib uga gurteen magaalada [...]

  2. [...] Waxaa Daalacatay :1 Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inciidamada Kenya ee saaka waaberigii galay xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay dib uga gurteen magaalada [...]

  3. [...] ku dhow ayaa sheegaya in ciidamada Soomaalida ay ku hormari doonaan magaalada maadaama tirada ciidamada Kenyanka ee jooga Ceeldhiig ay aad u yar yihiin kuna filneyn inay magaalada wada maamulaan oo amaankeeda [...]

  4. [...] madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida muuqata ka horeysay duulaanka ciidamada kenya  ee wada jira ay ku gaareen hareeraha magaalada Kismaayo ee shalay oo Jimce ahayd bilawday. Waxaana [...]

  5. [...] Farriinta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida muuqata ka horeysay duulaanka ciidamada kenya  ee wada jira ay ku gaareen hareeraha magaalada Kismaayo ee shalay oo Jimce ahayd bilawday. Waxaana [...]

Leave a Reply