WARBIXIN: Labadaan Maalin Kala Duwan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Xaflad Labada Shariif ku dhigteen hotelka City Plaza maalintii Axada 09/09/2012.

Muqdisho (RBC Radio) Waxay ahayd maalintii Axada markii Munaasabad balaaran lagu qabtay Hotelka City Place ee magaalada Muqdisho, taas oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne ku dhow labo kun oo ruux, kuwaasi oo isugu jiray Xildhibaano, Siyaayihiin Hore iyo dad kale oo shacab ah oo badan.

Munaasabadaan ayaa waxay ahayd mid lagu taageerayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo markaasi ahaa musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, waxaana munaasabadaasi saamayn gaar ah u siiyeelay markii uu ka soo dhex muuqday Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horay u ahaan jiray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Aniga iyo koox kale oo suxufiyiin ah ayaa ka qayb galay munaasabadaasi, waxaan markii la eego sida ay wax u socdeen ay u muuqatay in Madaxweyne Shariif uu mar kale soo laaban doono oo dib loo soo dooran doono, Maxaa yeelay Labada Shariif ayaa halkaasi waxay ka balan qaadeen in ay iskaashan doonaan oo ay waliba codka loogu shubi doono Shariif Sheekh Axmed si uu mar labaad madaxweyne u noqdo.

Majirin xildhibaano aad u badan oo munaasabada fadhiyay laakiin guddiga qabanqaabada ayaa ku celcelinayay in ay haatan ay diyaaryihiin codad ku filan madaxweynaha rajada soo noqodka ay aad u wanaagsan tahay, taasi oo u muuqatay in ay qayb ka ahayd ololaha lagu taageerada.

Labada Shariif hadalada ay ka jeediyeen munaasabadaasi ma ahayn kuwo ay jecleestaan dadka Shacabka ah badankiis, waxaana  dad badan ay u arkayeen in ay ahaayeen kuwo aanan masuuliyad ku dheehnayn, Waxaana taasi dheeraa in dadka qaar ayba qabeen in midowga Labada Shariif uusan keeni doonin GUUL!!!

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlay munaasabadaan ayaa wuxuu qiray in mar marka qaar ay jilaafooyin ay isku dhigi jireen isaga iyo waliba Shariif Axmed mudadii ay wada shaqaynayeeen oo ummada Soomaaliyeed ay ka sugayeen in ay si caddaalad ah ay ku hogaamiyaan. Wuxuuse ballanqaaday inuusan Shariif Axmed kaga aargudan doonin taakadii uu u dhigtay markii uu Shariif Xasan isu sharaxay madaxweynanimada dalka.

Shariif Xasan iyo 8-sano

Shariif Xasan Sheekh Adan wuxuu baarlamaanka Soomaaliya uu soo galay sanadii 2004tii, Sideedii sano ee ugu dambaysana wuxuu ahaa siyaasi awood wayn ku leh hogaanka wadanka Soomaaliya, siduu doonaba ha u shaqeeyee wuxuu ahaa nin leh miisaan weyn had iyo goorna arimuhu maraan halka uu isaga aado sida ka dhacday dhowr jeer oo isaga iyo Shariif Axmed ay iska horyimaadeen.

Dadka Siyaasada ka hadlay ayaa waxay tilmaameen in Shariif Axmed ay bar madow ku noqotay isku soo dhowaanshaha asga iyo waliba Shariif Xasan Mar kale, ayagoona tilmaamaya in mudooyinkii ugu danbeeyay xildhibaanadu ay ka soo horjeedeen Shariif Xasan.

Baarlamaanka Soomaaliya waxay kala doorteen Isbadal ama in ay siijoogaan waji in badan u soo muuqday dadka Soomaaliyeed, waxaana ugu danbayntii ay u hiiliyeen ama ay raaceen in uu isbadal yimaado.

Musharixiinta madaxtinimada Soomaaliya 2012 oo wareegii koowaad wada fadhiya

Maalintaan waxay ahayd maalin taariiqi ah waxaan dalka lagu qabtay doorsho Madaxweyne taasi oo suurta gashay mudo ka badan ka Afarsano, waxaana dadku ay aad ugu faraxsanaayeen doorshadaan iyo waliba in uu isbadal yimaado.

Sidoo kale Axadii iyo isniintii aad ayay u kala duwanaayeen, waxaana ay dad u kala ahayn maalin farxadeed iyo waliba maalin murugo.

Qaabka uu ku bilowday shirka doorashada.

Markii uu bilowday kulanka lagu soo dooranayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo waliba sida ay wax u socdeen dad badan oo fadhiyay masasha shirka iyo waliba dad kale oo kala jooga caalamka oo daawanayay shirka ayaa waxay aaminsanaayeen in uu markale Soolaaban karo hogaamiyihii hore ee dowlada Soomaaliya.

Laakiin waxaa wax walba ay isbadaleen markii laga soo gudbay wareegii koowaad oo ay iska hareen ilaa iyo 18-musharax isla markaana ay soo baxeen oo kaliya ilaa iyo Afar Musharax kuwaasi oo noqday wixii ugu codadka badnaa, waxaana ka mid ah musharaxiintaasi.

1- Shariif Sheekh Axmed oo helay 64 cod
2- Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 60 cod
3- C/wali Maxamed Cali Gaas oo helay 30 cod
4- C/qaadir Cosoble Cali oo helay 27 cod.

Guddioga doorashada ayaa shaaciyey in afartaan musharax ay yihiin kuwa isku soo haray ee u gudbaya wareega labaad ee doorashada, maadaama sida uu dhigayo dastuurka kaliya afarta nin ee ugu codadka badan ay geli karaan tartan wareeg labaad ah.  Laakiin waxay sheekada ay is bedeshay markii labo ka mid ah Musharixiintii afarta ahaa ee isku soo haray oo kala ahaa C/weli Gaas iyo C/qaadir Cosoble ay tanaasuleen isla markaana ay codadkoodii ugu shubeen Musharaxa Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu danbayntii ku guuleystay xilka Madaxtinimo ee wadanka Soomaaliya kadib markii uu xasiliyey 190 cod halka Shariif Axmedna uu helay 79 cod, natiijada rasmiga ah ee guddigu shaaciyeen.

Madaxweyneynihii hore ee Soomaaliya oo laga guuleestay ayaa khudbad soo jiidatay dadkii shirka ka qaybgalay iyo xildhibaanadaba halkaasi ka jeediyay, wuxuuna balanqaaday in uu madaxweynaha uu la shaqayn doono, sidoo kalana wuxuu sheegay in uu ku qanacsanyahay sida ay wax u dhaceen.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna balanqaaday in wax qabad dhab ah wuxuuna u mahadceliyay xildhibaanadii doortay iyo kuwii aan dooranba, waxaana sidoo kale uu sheegay in madaxweyne Shariif ay yihiin saaxiibo halkaan la joogana uu isagu soo gaarsiiyay.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

3 Responses for “WARBIXIN: Labadaan Maalin Kala Duwan”

  1. hogol says:

    abwali gaas horta afkaa ciida loodaray dadkiisi baa kawada cararay kk walle inaysan qabyallad meel dheer gaarin

  2. Mohamed says:

    somaliida maanta ma ahan tii waagii hore waa aan soo fiicnaaneynaa waxaana leeyahay isbadal ku ha sii socodo guuleysta dhamaantiin

  3. hersi says:

    ASCWW Ilaah halaga baqo C/wali hadaan lagu nacayn qabiilka uu ka dhashay waa shaqsi aad u qabow oo aqoon leh aadna u xishooda oo soomaalida ay ku dheertahay, qofkii ku nacay reerka uu ka dhashay xusuusnow in qof walba uu ka dhashay qabiil.

Leave a Reply