WARBIXIN: Xildhibaan Ku Xisaabtan Awooda Aad Haysato Inka Yar 48-Saacadood
Muqdisho (RBC Radio) Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya Mudo ka yar 48-saacadood ayay yihiin kuwo ugu awooda badan wadanka uguna qiimaha badan markii la eego haatan xaalada wadanka, maadaama ay yihiin kuwa kaliya ee haatan wax soo dooran kara.
Maanta oo ah Axad ayaa xildhibaanada baarlamaanka waxay yihiin kuwo ugu mashquulka badan waxaana adag in la helo ama lala kulmo sababtoo ah waxay ku kala mashquulsanyiin Ololaha musharixiinta.
25-Musharax oo dhamaantood ah Musharixiin u taagan xilka madaxtinimo ee umada Soomaaliyeed ayaa maanta waxay kala jiidanayaan baarlamaanka waxaana musharax kasta uu dadaal ugu jiraa in uu helo codad badan.
Hotelada iyo xarumo badan oo ku yaala magaalada Muqdiso ayaa maanta waxaa ka jira kulamo oo gaar gaar ah oo lala yeelanayo xildhibaanada baarlamaanaka, waxaana kulamadaasi lala leh Mushrixiinta kala duwan.
Xildhibaanadu maanta waa qaali laakiin Maalinta Talaadada xaalka sidee noqonayaa?
Waxaa hubaal ah in xildhibaanada Soomaaliyeed maanta sida loo jecelyahay oo loo kool koolinayo in aysan ahaan doonin Maalin ka dib ama 11-bishaan maxaa yeelay xiligaasi dantii laga lahaa ayaa lara gaaray, waxaana xildhibaan kasta uu ku laaba doonaa asgoo kaligiis ah halka uu dagan yanay xili maanta aad ay u mashquulsanyiin.
Awooda ay leeyihiin maana mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ma heesan doonaan markii la dhaafo 48-ka saacadood ee Soo socota, waxaana markaas si rasmi ah u kala cadaan doona xaalka.
Go’aanka soo bixi doona.
25-musharax ee haatan tartamaya, inkastoo dadka Soomaaliyeed aysan isku aragti ka hayn hadana waxaa la aaminsanyahay in ay ku jiraan dad ama masuuliyiin wax ka qaban kara xaalada wadanka.
Waxaa u furan baarlamaanka Soomaaliya in ay go’aan ka gaaraan musharixiintaan oo ay u kala codeeyaan.
Xildhibaan adiga ayay ku jirtaa in aad maanta codkaada siido.
Qof badbaadin kara wadanka.
Qof samatabixin kara wadanka.
Qof dadka Soomaaliyeed dhibaatada ka saari kara.
Qof u qalma hogaanka wadanka oo leh wax lagu doorto.
Ama Dooro.
Qof aanan u qalmin hogaaminta wadanka.
Qof diyaar u ah danaysi iyo ku dan gaarida hantida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Fariin gaar ah oo ku socota baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay tahay in codka xildhibaanada uu yahay mid muhiim ah ama qaali ah, waxaana xildhibaan kasta uu kala ogaan doonaa meesha uu codkiisa ku shubay bari wixii xumaan iyo samaanba ka yimaada.
Doorashadaan mudo dheer ka dib lagu qabanayo wadanka Soomaaliya gudihiisa ayaa waxaa jira dad badan oo rajo ka qaba in ay wax wanaagsan ay ka yimaadaan waxaana dadkaasi ay indhaha ku haayaan xildhibaanada Soomaaliyeed kuwaasi oo ah kuwa maanta shacabka rajo beel ku ridi kara iyo kuwa rajadooda dib u soo celin kara.
Waa su’aal da’weyn Xildhibaanow ma kula tahay?
Dadyahow maxaa idin danqaaya
Damiirlaawaha Dooxaaya Maatadeenoo
Dabar Jaraaya Dadkeena Angu u diidnay Codkeena
Kan duminaya Qaranimadeenoo aan doonayn Midnimadeena aganu u diidnay codkeena
Daneestaha aan qoon dan guud, tiisa uu ka doorbiday anagu u diidnay codkeena.
Kan Heedhe kan Heedhe Dalkeenii Gadanayoo, diidan wadajirkeena anagu u diidnay codkeena.
Midka aan aqoon daryeelkiyo dib u dhiska dalkeeniyo anagu u diidnay codkeena.
Dan dariyo iyo dagaal, iyo dhiig daata waan ka daalnay.
Dadkeenu waxayy doonayaan Danjire Daacadahoo
Dadka Danbi aanan ka galin
U adeegida Bulshada Rabi hibo uu u siiyay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho















[...] Read More: WARBIXIN: Xildhibaan Ku Xisaabtan Awooda Aad Haysato Inka Yar 48-Saacadood [...]
waxaan filyaah alle swc inuu nogu guuleen doonoh kii wadanka ka saari lahaa dhibtaa wyane ee ku soo jireen 20 sano oo la soo dhafay inshalah mid kale raxan reeb aad ayaa ugu mahdsntihin baraarujintaa barlamanka awood leh mantay barinah noqon doonah kuwah janis danbe lahayn ayay dahb ku noqdan sidaan oo kale waxaa mantay barlamanoow samaynaysiin mahan madaxwayne kaliyaa ee waxaa samaynsiinaa waa bad baad dal iyo bad baado umada somaliya iyo bad baado nafsadiin musharkiin iyo caruurtin nafsadooda laan nigu dharshee doorta kan ku haboon inuu hor marin karoh nafafta somaliyeed..