Wariyaal Muqdisho Lagu Dilay Oo Maanta La Aasay
Muqdisho [RBC Radio] Allaha ha u naxariistee waxa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay seddax wariye oo xaley ku geeriyooday qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wariyaasha maanta la aasay waxa ay kala ahaayeen Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka TV-ga dowladda iyo Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo ahaa madixii wararka Idaacadda Radio Muqdisho iyo Cabdi Raxmaan Yaasin Cali oo ahaa aggaasimihii Idaacadda VOD Radio Xamar.
Liibaan Cali Nuur ayaa lagu aasay deegganka Jaziira oo ku yaalla duleeka degmada dherkenley halka Cabdi Sataar Daahir lagu aasay isbitaalka Madiinka, waxa kaloo degmada Yaaqshid lagu aasay Cabdi Raxmaan Yaasin aggaasimihii Radio Xamar.
Wariye Liibaan ayaa waxa uu ka geeriyooday labo xaas iyo seddax carruur ah, halka la ii sheegay Cabdi Sataar uu lahaa xaas, Cabdi Raxmaan Yaasina waxa uu lahaa xaas iyo ilmo.
Tirade wariyaasha la dilay ayaa kordhay kaddib markii maanta barqadii kooxo hubeysan ay ku toogteyn isgooska baar ayaan ee degmada Yaaqshid wariye Xasan Yuusuf Absuge,oo ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Maanta.
Wariyaha ayaa la sheegay in ay toogeyn kooxo hubeysan isagoo markaas ka soo baxay Idaacadda uu u shaqeenaayay isla markaana uu ka ahaa madaxa barnaamijiyadda.
Wariye Xasan Yuusuf Absuge ayaa ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho, GBC, VOD iyo Somaliweyn Radio, waxana uu ka mid ahaa ragga mudda dheer ku jiray saxaafadda Soomaalida.
Dhinaca kale Maamulka Isbitaalka Madiina Oo Ka Warbixiyay Dhaawacyada La Keenay 24-kii Saac Ee La Soo Dhaafay Isbitaalkooda
Aggaasimaha Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf oo maanta saxaafadda kula hadlaayay isbitaalka gudihiisa ayaa sheegay in ilaa lix qof ay dhinteyn kuwaasoo afar ka mid ah iyagoo meyd ah la keenay isbitaalka halka labada kale ay dhinteyn mardame oo xaley ah.
Wuxuu sheegay in ilaa hadda 13-qof oo qaba dhaawacyo kala duwan ay jiifaan isbitaalka kuwaasoo lagu dedaalay in ay helaan dawoooyin fiican iyo xannaano.
Muqdisho lagama maqlin dhowr bilood dhawaqa rasaasta iyo isqarixinta iyo dilalka qorsheesaan laakin maalmahan dadka waxa ay maqlayaan wax yaabo ay ka soo daaleen.
Magaalada ayaa hadda waxa ku soo badanaya qurbo jog fara badan kuwaasoo doonaya in ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalkooda,
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu daran Africa ee lagu waxyeeleeyo saxaafadda sida ay lee yihiin hey’addaha caalamiga ee u dooda saxafiinta adduunka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












