Wasaarada Arimaha Gudaha oo Sheegtay in Waxlaga Qabanayo Amaanka Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay ayaa sheegtay in wax laga qabanayo amaanka magaalada Muqdisho.
C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayaan ammaanka Magaalada Muqdisho balse ay jiraan qaladaad yar yar.
Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda amaanka kuwaasi oo u baahan in laga hortago, wuxuuna sheegay in ciidamada Amaanka ay ka hortagi doonaan shqsiyaadkaasi.
Wuxuu sheegay in xaalada magaalada Muqdisho ay tahay mid hagaagsan, isla markaana doorashadii lagu qabtay ay si nadiif ah ay ku soo dhamaatay sidaa darteedna ay ka turjumayso in amaanka magaalada xiligaan uu iska wanaagsanyahay.
Magaalada Muqdisho ayaa 24-saac ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo ay geesteen kooxo hubaysan oo aan la garaneyn halka ay ka yimaadaan.
Inkastoo kooxda Al-Shababa xili hore laga saaray magaalada ayaa hadana waxaa jira weeraro iyo dilal qorsheesan oo ay Al-Shabaab ka geestaan magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka.
Muqdisho RBC Radio












[...] Read the original: Wasaarada Arimaha Gudaha oo Sheegtay in Waxlaga Qabanayo Amaanka Muqdisho [...]