Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya: Waan Qadarineynaa Qabiilada Soomaaliya Mid Gaar ahna Ma Taageereyno


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada gaashaandhiga Kenya ayaa lagu beeniyey in ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay garab iyo gaashaan u yihiin qabiil ka mid ah qabiilada Soomaaliya si ay ugu wareejiyaan dhulka ay ka saaraan ururka Al-Shabaab.

War saxaafadeedkan ayaa soo baxay iyadoo eedeymo culus iyo tuhun uu ka soo baxayo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa dagaalada ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka Raskambooni ay ka wadaan gobolka Jubbada Hoose kuwaasoo la sheegayo inay u hanqal taagayaan qabsashada magaalada dekeda ee Kismaayo.

“Kenya way ixtiraameysaa dhamaan qabiilada Soomaaliya, wayna siman yihiin. Ma jirto qabiil gaar ah oo ciidamada Kenya “KDF” ay taageerayaan” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Wasaraadda gaashaandhiga Kenya waxay dhinac isaga riixday wararka sheegaya inay si gaar ah u naasnuujineyso kooxaha Raskambooni oo intooda badan ah maleeshiyaad hal qabiil u badan isla markaana aan hoostagin ciidamada dawlada Soomaaliya ee tirada yar ee ka qeybqaadanaya hawlgalada gobolka Jubbada Hoose.

“Kenya waxay aaminsan tahay in nabad ka hirgasha Soomaaliya ay muhim u tahay dhamaan dhinacyada” ayaa lagu sheegay qoraalka war saxaafadeedka.

Shacabka Kismaayo

“Dadka reer Kismaayo waa inay isdejiyaan ma jirto wax dhibaato ah oo ay la kulmayaan” ayaa sidoo kale lagu qoray war saxaafadeedka iyadoo dhowaan ay jirtay in saraakiilka tirsan kooxda Raskambooni ay u hanjabeen dadka ku nool Kismaayo oo isugu jira noocyada kala duwan ee bulshada.

Dhanka kale waxay Kenya beenisay duqeymihii ay diyaraadaheeda iyo maraakiibteeda ka geysteen deegaano fara badan oo ka mid ah gobolka ayna ku jirto magaalada Kismaayo kuwaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo ay ku jireen haween iyo carruur.

War saxaafadeedka ayaa yiri “Ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada Soomaaliya waxay aad uga walaacsan yihiin rayidka”.

“Sida xeerarka dagaalka ay qabaan, Ciidamada ma gelayaan goobaha ka reeban dagaalka sida Masaajida, guryaha rayidka, xeryaha barakacayaasha” ayaa lagu sii daray warka ka soo baxay Kenya.

War saxaafadeedkan ayaa soo baxay iyadoo si weyn indhaha loogu hayo xaaladaha iyo isbedelada ka jira gobolka Jubbada Hoose halkaasoo sida muuqata ay aad u yar tahay kaalinta dawlada Soomaaliya, taasi bedelkeedana maleeshiyaad beeleedyada ay hadda awooda isku dayayaan inay qabsadaan kadib marka Al-Shabaab laga saaro magaalada Kismaayo oo ah isha dhaqaale ee gobolka ahna magaalo muhim u ah koonfurta dalka.

 

 

RBC Radio

Share

4 Responses for “Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya: Waan Qadarineynaa Qabiilada Soomaaliya Mid Gaar ahna Ma Taageereyno”

  1. Idris Malaaq says:

    Barre Hiiraale muxuu Kismaayo ka soo ney xilligan?
    Axmed Madoobe iyo Raaskambooni runtii dagaal bey la galeen Alshabaab, laakiin kuma habboona hab qabiil iney ku galaan Kismaayo.Kismaayo waxaan ka baqaya in qaba’il isku laayaan. waa ayaan darro inay taasi dhacdo.Kooxda Raaskambooni ciidanka dawladda ha ku biiraano. dawladda maamul ha u sameyso kismaayo si degdeg ah.

  2. Somalijecel says:

    Waa masiibo in Kismaayo ay ka dhacaan wixii ka dhacay 1993 oo dad nool nolasha lagu aasay,sidoo kale waan xasuusanaa wixii ka dhacay 1998/2006 kii markii barre hiiraale maamulaayay.Waxaa hubaal ah in Axmed amdoobe aanu xakamayn karin maleeshiyo beeleed qabaaialada degan magaaladana ay ilwaysan yihiin macaanka nabadda maxaa xal ah?Ciidanka Kaamboniyiinta aan raxanreeb u saxo ma ahan ciidan ka badan kuwa dawallada Kaamboniyiintu isku darkooda waa 35/450 nin waxaana ay kala joogaan aagga Badhaadhe iyo aagga Afmadow ciidnka dawalada ayaa ka awod badan in badan Kenyan ka waxaa saamaeyn ku yeeshay siyaasiyiinta somalida Kenya sida la faliyo laakiin Kenya maleesho beeleed waxaa ay taageertay 1992 gii markii shirku ka dhacay Dhoobley oo guddomiyihii SPM lo magacaabay AU Gen Gabyow ka dib kismayo ayaa u qabsaday hubkii intiisii badnayd wuxuu gacanta u galay maleeshiyo beeleed ka dib 1993 hubkaa iyo hub xamar laga yimid Col jees na uu watay waan xasuustaa wixii dhacay waxaa oo kale illahay ayaan ka baryaynaa in aysan soo noqonin insha allaah.Bal se beelaha somalidu wa dad yaab leh oo aan wixii soo maray kala garan karin waan hubaa maleeshiyo beeleed dhib un bay keeni

  3. Abu fadel says:

    Kenya waa inay iska ilaalisaa qolo qolaysiga Soomaaliya ka jira! Haddii ay dabinkaas ku dhacdo, wixii ay ka baqayeen iyo wax ka sii daran ayaa qabsan doona. Maamul Jubbaland la yiraahdo oo ka kooban labada Jubba iyo Gedo ayaa xal u ah Kismaayo. Kenya taas ayaa dan u ah. Kenya haka caawiso dadka saddexda gobol inay maamul ay u dhan yihiin u sameystaan dhulkaas. Xagga miisaanka siyaasadeed ee Soomaaliyana muhiim ayey u tahay haddii sidaas wax u dhacaan. Kan madaxweynaha ka noqonayaa ciddii uu doono haka soo jeedo…. I believe he must be either from gedo or Afmadow……….

  4. Suldaan says:

    Waar Al Shabaaba waxaa u Badan Qabiil, Dowlada Somalia Askarteeda waxa u Badan Qabiil, Hadii Raas Kambooni Qabiil u badan yahay Maxaa ku Jaban. Dowlada Kenya waxan ka Codsaneynaa In AAd Taageertaan Raas Kambooni. Kenya waxa Deris la ah Ogaden-ka degga NFD sida Garisa, Wajeer iwm. Marka Dhibka waxa uu ku dhacayaa Cidda Deggan NFD

Leave a Reply