Wasiirada Arimaha Gudaha Iyo Gaashaandhiga oo Digniin Ka Soo Saaray Rasaastii Maanta Laga Maqlay Caasimada
Muqdisho (RBC) Sii hayayaasha Wasiirada arimaha gudaha iyo gaashaandhiga ee dawlada Soomaaliya ayaa galabta ka hadlay rasaastii maanta laga maqly degmooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada kuwaasoo loo tuurayey hawada kadib markii magaalada lagu faafiyey war sheegaya in raysul wasaaraha loo magacaabay Maxamed C/laahi Farmaajo.
Sii hayaha xilka wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in maanta markii ay maqleen rasaasta magaalada ka dhacaysay ay waqti ku qaadatay inay ogaadaan sababta dhabta ee ka dambeysa, isla markaana ay ogaadeen inaysan wax dhibaato ah jirin.
“Dadka waxaan ugu baaqayaa in haddii ay farxad ama dareen muujinayaan inaysan rasaas u adeegsan ee ay di nabdoon waxooda u soo bandhigaan” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha.
C/samad Macalin wuxuu sheegay in amniga oo beryahan lala tacaalayey dartiis ay keeni karaan marka dhacdooyinkan oo kale ay dhacaan in dad kale oo nabada diidan ay ka faa’ideystaan.
Dhankiisa sii hayaha xilka wasiirka difaaca ee dalka Xuseen Carab Ciise ayaa isaguna ka digay in rasaasta ay noqoto damaashaadka dadweynaha, gaar ahaan wuxuu u digay ciidamada dawlada oo uu sheegay inaan looga baahneyn inay rasaasta u adeegsadaan inay magaalada dhexdeeda ku ridaan.
“Rasaasta marka magaalada dhexdeeda lagu rido waxyeelo ayaa ka iman karta, marka yaan rasaastii cadowga loogu talagalay magaalada lagu furin” ayuu yiri Xuseen Carab oo sheegay in xitaa isaga laf ahaantiisa uu maqlayey mar uu magaalada dhexmaray rasaas meel walba ka dhacaysa.
Sidoo kale agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya Suldaan Faarax Seed oo maanta wareysi siiyey Raxanreeb ayaa sheegay in dadka uu ka codsanayo inay amniga dhowraan oo aysan sameyn isu imaatin maadaama ay og yihiin dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho kuwaasoo dad badana ku dhinteen qaar kalana ku dhaawacmeen.
Hadalada masuuliyiinta ayaa la xiriira rasaas maanta cirka loo tuurayey oo magaalada Muqdisho mar qura isqabsatay abaare 3:00 galabnimo kadib markii war ay markii dambe dawladu beenisay oo ahaa in raysul wasare laga dhigay Maxamed C/laahi Farmaajo uu soo baxay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













nimankaan isbahayse qabyaladaysan ayeey wataan dadkuna wa u jeeda balse raysal wasaare abdiwali gaas oo ninkaan so caan saray wasiirka gashan dhiga oo xilkana u dhibaayay ayeey ku daadsan tahay malintii ugu baahi badna oo hiil karabay ayuu shiikh shariif ka raacay