Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Oo Beeniyay War Lagu Qoray The Daily Nation
Nairobi [RBC Radio] Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Prof Sam Ongeri ayaa maanta shir jaraa’id oo uu qabtay Nairobi waxa uu ku beeniyay warar uu qoray wargeyska The Daily Nation oo soo xigaanayay isaga qushiis kaasoo shegeay qaraxii arbacadii hore ka dhacay hotelka uu daganaa madaxweynaha Soomaaliya in uu ka dambeeyo madaxweynihii hore dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed.
Mr. Ongeri ayaa warkaas ku tilmaamay mid lagu dhibaateenaayo xiriirka labada dal, isla markaana uusan waxba ka jirin.
” Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu ahaa geesi maxaa yeelay si sharaf ayuu xilka u wareejiyay markii laga guuleestay, siddee ayaan u dhihi karaa qof noo soo gurmaday in uu ka dambeeyay qaraxyada, marka waa war aan loo meel dayin oo ah mid xaqiiqda ka fog” ayuu yiri Mr. Ongari.
Wuu sii hadlay ” Shariif Sheekh Axmed markii uu qaraxa dhacay wuu noo yimid waxana uu noo mujujiyay sida uu uga xunyahay, marka siddee ayaan u dhihi karaa isaga ayaa ka dambeeya markaas warkan ma ahan mid sax ah”
Kenya waxa ay ahayd dalkii ugu horeeyay ee wafuud caalami ah u soo dira Muqdisho markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa hadalka lagu qoray wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya si kulul uga hadlay madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa”id ku qabtay Muqdisho, isla markaana sheegay in uu yahay warkaas mid dhaawici kara xiriirka labada dowladood.
Shariif Sheekh Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in Kenya aysan dhexdhexaad ka noqon doorashadii Soomaaliya ee 10-kii bishan ka dhacday Muqdisho, wuxuuna sheegay in hadalka wasiirka uu yahay mid aan midnimo ku keeninin xiriirka labada dowladood ee dariska ah.
Hadalka laga soo xigtay wasiirka ee lagu qoray wargeyska The Daily Nation ayaa waxa uu ka mid noqday wararka ugu weyn ee Soomaalida 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Kenya waxa ay ka mid tahay dalalka ciidanka u soo diray howgalka AMISOM kuwaasoo hadda ku sugan gobalada Jubbooyinka halkaasoo hadda ay kaabiga ku hayaan magaalada dekadda leh ee Kismaayo oo ah halka ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.
RBC Radio
———————–
Xafiiska Wararka Nairobi












