Wasiirka Caafimaadka Puntland: Ganacsatadu Yeysan Ku Mashquulin Ganacsi oo keliya ha Fureen Goobo Caafimaad dadkuna ka Faa’ideysto[Dhagayso]
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Boosaaso[RBC Radio] Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Cali Cabdilaahi Warsame oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa Puntland iney bulshada kusoo kordhiyaan goobo dadka bukaanka ah lagu daaweeyo.
Dr Cali Cabdilaahi Warsame oo hadalkan ka sheegay Munaasabad ay ku qalanjebinayeen ardey dhamaystay barashada Caafimaadka ayaa sheegay in looga baahanyahay Ganacasatdu ineysan isku mashquulin oo kaliya ka ganacsiga bariiska,burka,sonkorta IWM.
Waxa uu sheegay in looga baahanyahay cid kasta oo Puntland u dhalatay in ay maalgelin ku sameeyaan Caafimaadka gaar ahaan Ganacsatada,waana mid buu yiri qof walba uusan marnaba ka maarmin.
Wasiirka Caafimaadku waxa uu Ganacsatada u sheegay in ka Wasaarad ahaan ay doonayaan in uu ku baraarugo qof kasta oo Ganacsade ah muhiimada ay leedahay in la dhiso Jaamacad lagu barto barashada Culuumta Caafimaadka.
...”"”Waxaan leenahay Ganacsatadu haku baraarugeen Muhiimada ay leedahay in la dhiso Jaamacad Caafimaad,in la dhiso Isbtaal gaar loo leeyahay qiimana leh,in qalab la keeno…”"‘“”ayuu yiri Dr Cali.
Waxa ka wanaagsan buu yiri Wasiirku in gudaha Puntland la keeno Bur,Bariis,Sonkor iyo IWM hadana ay tahay mid loo baahanyahay bulshaduna aysan ka maarmin iney dalka daawooyin keenaan ayna ka qeybqaataan horumarinta Caafimaadka.
Qofkasta oo dhaqaale EEBE siiyey ayuu ka codsaday in uu ka qeybqaato kaabayaasha Caafimaadka,wuxuuna sheegay in ka Wasaarad ahaana ay la shaqeyn doonaan soona dhaweynayaan cid alaale cidii dooneysa inay ka qeybqaadato Caafimaadka.
Dhanka kale Dr Cali Cabdilaahi Warsame ayaa Machadka Barashada Caafimaadka Boosaaso si rasmi ah ugu aqoonsaday in laga dhigay Jaamacad,kaasi oo hadda wixii ka danbeeya loogu yeeri doono UNIVERSITY Of Health Science.
Sababta Jaamacad looga dhigay Machadka ayuu ku sheegay inay tahay isagoo Machadku soo shaqeynaayey ilaa Sanadii 2000,mudadaas intaas leegna uu soo saaray ardey tayo leh,kuwaas oo maanta qaar kamid ah ay ka shaqeeyaan Isbitaalada kala duwan ee Puntland iyadoona ay jiraan kuwa kale oo Jaamacado dibada ah ku maqan.
...”"”Sababta aanu u yeelnay sidaas ayaan idin sheegayaa marka ugu horeysa Machadkaani wuxuu soo shaqeynaayey ilaa 2000,wuxuu soo maray maraaxil farabadan,marka Waxbarashada Nidaamkeeda la fiirinayo,waxaa la fiiriyaa heerarka ay Mu’sasadu soo marto,waxaynu Markhaanti u wada nahay waxqabadkii Machadka,waxaynu Markhaanti u nahay dadkii ka baxay,...”"ayuu yiri.
Ganacsadata Puntland ayaa Intooda badan dadku ku dhaliilaan ineysan had iyo jeer aysan ka qeybqaadan horumarinta Caafimaadka,waxaana jirta Ganacsato kooban oo u taagan iney hawsha Caafimaadka balse Isbadel ifaya ayaa ka muuqda hannaanka ay had wax u wado Wasaaradu dhanka Caafimaadka iyadoona ay jirto ineysan Xooga saarin deegaanada ka baxsan dhanka laamiga isla markaana xooga saartay dhanka laamiga Magaalooyinka kuyaal.
_____________________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso














[...] View post: Wasiirka Caafimaadka Puntland: Ganacsatadu Yeysan Ku Mashquulin Ganacsi oo keliya ha Fureen Goobo Ca… [...]