Wasiirka Kowaad Oo Aad u Magacawda Others-ka Waa… W/Q Cabdullaahi Siyaasi
Wasiirka Kowaad Oo Aad u Magacawda Others-ka Waa Guushaada iyo Bilawga Baabi’inta Qabyaalada Nala Hartay
Abdallah Moallim Mahamud (Abdullahi Siyaasi))
Moallem10@hotmail.com
Sabteembar 13 2012
Fariin furan oo ku socoto Madaxweynaha dalka Somaliyeed Prf Xasan Shikh Axmed.
Madaxweyne naga guddoon hambalyo ku aadan guusha taariikhiga ah ee kuu horseeday gaarista mansabkaan , hambalyo Mudane madaxweyne Xilka laguu doortay , mudane Madaxweyne waa guul maalinta lagu doortay oo doorashada waxay u dhacday si hufan oo ka madaxbanaan musuqmaasuq iyo is-dabamarin,waxaya ka dhacday dalka gudhiisa 22 sano keddib oo dhiiga ummaddeena ee dahirka ah lagu daadinayay si gardara ah ,waa guul oo maalintaa waxaa laga tilaabay xayndaabki dowlad ku meel gaar ah ,waxaa loo gudbay dowlad dhameystiran oo awoodaheeda iyo dastuurki ay ku shaqayn lahayd u dhan yihiin ,maalintaas 10/09/2012 waa guul oo waxaa la doortay nin ka warhaayo xaalada dalka guud ahaan ,aqoon leh , in badane xogogaal u ah dhib iyo dheef wixi dalka ka jiray inta lagu dhax jiray sanadihi burburka. Mudane Madaxweyne horudhac keddib waxaad naga gudoontaa soo jeedinta talooyin aan isleenahay waxay fadhi iyo gogol u yihiin qaabka ugu haboon oo aad u dhameystir karto hawlaha ku horyaal oo ay ugu horeyso in aad wadanka doorashada dambe gaarsiiso in ay ahaato nin iyo codkiisa ,tirakoob ummadda lagu sameeyo keddib inshaa’Allah.
Hawsha dowlada aad soo dhiseyo in ay guuleysato waxaan kuugula talineynaa saddex waxyaabood oo haddii aad yeesho kuu horseedayso wadadi guushaada ,iyadana waxaan kuugula talineynaa ka dheeraashada saddex kale oo haddii aad la timaada fashilkaada ah
Saddexdan hore eek u xusan hoos haddii aad la timaado waxaa hubaal ah in aad ka miradhalin doonto mas’uuliyada xilka ay ummaddaada dusha kuu saartay, culayskiisana leh.
1-adiga oo wax walba qabashadooda sal uga dhigo Allah ka cabsi iyo dastuurka oo si cad ugu dahqanto adiga oo la kaashaanaayo golaha sharci-dejinta, labadaana waana guusha dowladaada .
2- wasiirka koowaad oo aad ka soo magacawda beelaha lagu dulmay magaca xun ee la yiraa others-ka ama nuska ama beelaha dega goballada aan hoos kuu soo xusi doono oo aanan iyaga jagooyin waaweyn ka heyn dowlada Somaliyeed. Tan waxay horseedeysaa yaraynta xasaasiyada qabyaaladeed ee ku habsatay ummaddeena ,waxayna keeeneysaa ka gudbida in ay awooda dalka ku koobnaato dad gaar ah,waxayna noqoneysaa bilawga baa’inta qabyaalada, waxaa kale oo ay sahleysaa hawsha dowlada oo ka korto isqabqabsigi caadaada u ahaa dowladihi wadankeena laga soo dhisay 22 sano oo aan burburka ku jirnay ,waxay abuureysaa dowlada oo si hufan uga so baxdo shaqooyinka horyaalo ,waana guusha dowladaada ,guusha dowladaadana waa guusha ummada Somaliyeed.
3-adiga oo dhiso laba guddi oo hawshooda tahay ilaalinta hantida guud ee ummadda iyo ka warheynta qaabka loo shaqaaleeyo shaqaalaha dowlada iyo qaabka ay u socoto shaqada dowlada ee kaabayaasha dowlada oo dhan oo ay ku jiraan milatariga iyo booliska wallow ay aad qurax badan-tahay iyadana in aad ciidamada si gaar ah ugu dhax-dhisto labadan guddi oo kale.
Saddexdan kale ee hoos ku xusan waxaaan kuugula talineynaa in aad ku dhaqanto inta karaankaada ah waayo haadii aad yeesho caksikooda waxay soo dedejinayaan fashil si dhaqsiya ugu yimaado dowladaada iyo xilka weyn oo aad ku magacaaban-tahay .
Ka dheeraw in aad Wasiirka koowaad ka soo magacawdo nin ka soo jeedo beelaha dego goballadan ku xusan qoraalka hoose si kasto oo uu karti u leeyahay shakhsigaas waayo waqtigan ma awoodayo ka hor-imaanshaha danaha goballadaas oo abuuri karo jawi is-neceyb oo somalida dhaxdooda ah taasna waa tan ummada u horseedeyso fashil iyo dowladaada lugaha ka jiisawdo.
A- Wasiirka koowaad ha ka soo magacaabin goballada woqooyi galbeed oo loo yaqaan Somaliland inta meel la saarayo wada hadlaki u socday dowlada iyo dowlada Somaliland waayo haddii aad ka soo magacawda waxay caqabad ku noqnaysaa wada hadalada u socdo dowlada iyo Somaliland.
B- Wasiir koowaad ha ka keenin nin ka soo jeedo gobalka puntland waayo waxaa kuugu adkaaneyso in aad adiga iyo barlamaankaba u fulisaan dastuurka sida uu u dhigan yahay ,laguna wada heshiiyay maadaama aanan weli la dhameystiran dhisida goballada fedaralka ah ee dalkoo dhan.
C- Wasiirka koowaad ha ka soo magacabin gobalka khatumo waayo wuxuu hinaasi gelinayaa labada dowlad goballeed oo waaweyn ee deriska la ah gobalkaas, sidaas darteed taas waxay hawshaada ku keeneysaa faashil degdeg ah maadaama uu abuuri karo xasaasiyad iyo isqabqabsi kaaga yimaado dhankaas..
D- Wasiirkaada koowaad ha ka soo magacaabin gobalka gedo iyo Kismaayo waayo waxay caqabad ku noqaneysaa xal u helida maamul u sasmeynta gobalka Kismaayo iyo goballada ku xeeran waayo waxaa halkaas ka jirto xasaasiyad qabiil oo aad u xoogan abuuri kartana colaado iyo is-fiirsasho ka dhax-abuuranto dadka wada deegaankaas.
2-hab dhaqankaada ku aadan la tacaamulka beesha caalamka waa in uunan ahaan iskiijin iyo jilcanaan labadaba ,wax walba oo aad isla garataan beesha caalamka waa in ay soo maraan barlamaanka dowlada si uu uga tala keeno arrimahaas , loogana koro fashil iyo isfaham la’aan nooga yimaado dhanka beesha caalamka.
3-saddex waa in aadan jilaac ka muujin qaabka aad uga hortageyso faragelinta xoogan ee dowladaha deriska nala ah ku haayaan arrimaha gudaha ee wadankeena siyaasad ahaan iyo milatari ahaanba ,wax walba oo ah siyaasad ku aadan dhinacoodo waa in la horkeenaa barlamaanka gudihiisa si looga dheeraado eed kaaga timaado ummaddaada maadaama ay ummada dhinacaas ka qabto xasaasiyad xoogan oo ay sabab u yihiin dhaqan xumo fara badan oo dhankooda nooga imaaneysay 22 sano ee ummaddeena ku dhax jirtay dhibaata aan annaga isku heynay.
Gunaanad ,Mudane madaxweyne Xasan Shikh Axmed ummaddeena waa ummad aad u soo dhibtootay ,una baahan madaxweyne geesi ah ,caaqil ah,sabar leh ,go’aan adag leh ee gacanta qabto si uu ummadda uga saaro mugdigan iyo nabadarradan nagu daba dheeraatay. Mudane Madaxweyne caqabadaha kale ee ku horyaalo iyagana waxaa ka mid ah kooxda Alshabaab oo iyaga xaalad wareer ah ku jiro beryahi u dambeeyay keddib marki looga adkaaday dagaalaadi u dambeeyay oo ay umadooda kula jireen loogana qabsaday goballa badan oo gacantooda ku jiray, si hawshaas loo dhameeyo iyo ka adkaashadooda ,mar walba waa in aad arrintan la kaashataa milatariga ,odayaasha iyo culmada diinta ugu dhaqanto sidi Ilahey ugu tala galay in loogu cibaadeysto.
Mudane Madaxweyne waxaan iyadana kaa codsaneynaa in aad ka dheeraato in xilalka dowladaada loo magacaabo nin leh ha lay magacaabo hawshaas , waayo nin noocaas ah uma muuqdo nin ka soo baxo hawsha culus ee dowladan hortaal ,xilalka waa in aad la doonataa dad xilkas ah,aqoon leh adiga oo taa kala tashanayo somalida wax garadka ah oo dhan meel walba oo ay joogaan.Mudane madaxweyne la taliyayaasha aad xulaneyso haddii ay noqdaan kuwa xilkas ah waxaa hubaal ah in hawshaada ku dhamaaneyso guul .
Mudane madaxweyne waxaan kuu rajeynaynaa xilka culus ee aad dhabarka u dhigaty in Ilahey kuu fududeeyo ,kuuna sahlo si sahal ah in aad uga soo baxdo hawshi laguu igmaday.
Mudane Madaxweyne arrimaha kore ee aan kuugula talinayay shardi ma ahan in ay yihiin kuwa ugu haaboon talooyinka kale ee ummadda kuu soo jeedin doonto laakin waxaad yeelataa la taliyayaaal mas’uul ah ,xilkasna ah oo aad hordhigto talooyinka laguu soo jeediyo si ay kuugu fududaato in aad kala soo baxdo talooyinka ugu wacan ee aad ku dhaqi lahayd dowladaada , adiga oo aadan ka tagayn haddana in aad ugu dambeyn go’aan cad ka qaadato talada aad adiga u aragto in ay ku wacan tahay qaadasho iyo in aad kala dhaxbado taalooyinkaas ay kuu soo jeediyeen ummadddaaada. Somalida waxay tiraahdaa “hadal looma dhaho ha lagaa yeelo ee waxaa loo yiraa ha la maqlo”.wixi aan ku khaldamo waa shaydaanka iyo nafteyda ,igana cafiya ,wixi hagaagsan waa hidaayada Ilahey iyo Allah mahadiis. 12/09/2012
Adbdallah Moallim Mahamud(Abdullahi Siyaasi)
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM













ANIGA INTII AN MARKHATIGA KA AHA WAXAYUSAMEYEEN WAX KASTA OO WALAAL LOO SOMAEYO WAXA UGU FICAN .M/PUNTLAND OO AY TALADOODII U DHIBTEN ,M/WAYNE SOOMALIYEED OOAY HIIL IYO HOBA LAGARAB TAGNAYEN,MIDII KISMAANYO OO AY UGA HILIYEEN SOOMALI OO DHAN XITAA .MAXAY TAHAY SABABTA AY MANTA AY UGA SOO HORJEEDAN IN AH NOQDO WASIIRKA KOWAAD OO AY MAR LOO LEYAHAY CID AN BA WAN KU QANACSANAHAY?IN AY TUSAALE UGU FILAN TAHAY GUL DARADA SOO WAJAHDEY WAXNA KU QATAN OO AY ISKA DAYAN INDHA KU GARADNIMADA OO AY AAD U DARASEYAN MUSTAQBALKA SOO SOCDA .
Sida kuwii ka horeeyey madaxweyne Hassn Sh. waa inuu iska ilaaliyaa in dal shishe,maamul gobol,qabiil ama koox ay u yeedhiso cidda uu ka dhigayo PM,waayo ciddaas buu daacad u noqon doonaa,taasina waxay dhib aan laga soo waaqsan ku keeni doontaa wada shaqaynta loo baahanyahay iyo gudashada xilka Madax weynuhu kitaabka ugu dhaartay.
Dad badan oo Soomaali ah oo u qalma way buuxaan,waase inuu noqdaa weji cusub oo aan haba yaraate dembi hore uga gelin dadka,dalka,diinta,haybadda,hantida iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed.
PM waa reer Puntland haddii ay hali waayaan waa iney goostaan oo ay noqdaan sioda somalilnad u go’dey meeshan baryo mataalo xamar waxaa iska leh hal qabiil haddii aysan rabin in lalaxisaabtamo waa in looga guuraa oo ninksta dagaan uu sameysto si aan laisku qiyaanin meeshan waxaa isku badley waa reer marka Puntland waxba kuma yaalo ee magalda dhiso???
Ninkan noqonsanaa wary aa sidee ku ilawday 1 .ninkii dastuurka kuu qoray adoo iska daba laabanaya 2 .aaway ninkii ku meelgaafnimada kaa saarey 3 aaway ninkii ku sameeyay fadaraalkan aad harsananayso 4 .madaxan aad baryeyso soo saarey ayaa cod kii sii siiyey 5 .yaa la dagey shariifeenkii ayooda badnaa xagee jirtey
as wr wr. waa maxay ninkaan leh Others waziirka koowaad halaga dhigo. war dadkii caadiga ahaay ayaa la’ adigana others ayaad la Meereesaneesaa
MUDANE QORAA,, SHEEKADAN WAXEY SOCONEYSAA MARKII WADANKA LAGA SAARO (selectionka) OO LOO GUDBO (electionka=one person-one vote) MARKAAS WEEYE MARKA AQOON YAA LEH WADANI YAA AH IN WAX LOO EEGO AY IMANEYSO inta ka horeysa HOWSHU WAA (4.5) MARKA QORAA ADIGA IYO MADAXWEYNUHU dee BEELAHA KALE CADKOODII WEY HELEENEE puntland XAQEEDII ISKA DIYAARIYA, oo hadaad sey tahey wax ka badashaan “TA DHACDA IN DHAGEY FAR LA ORAN” ooy wixii hore BIKH noqon,
Jeer@ ALEYLEE ADIGAA QORAA SAX ah wadaadku WAXBUU ISKU DHEX KHALDAYEE,
reysalwasaaraha waxaa iska lah qof ka soo jeedo reer puntland maxaa dhacay anaga ayaa ka dhignay soomaliya federal si aysan udhicin 1991 madaxweynaha waa federal shuqul kuma leh gobalada marka hadii la siiyo qabiil kale reysalwasaare puntland weyka goosaneysaa koonfurta koonfurta waxbo mayaalo halgu kala tago
khatumo hakaso magacabin hadiikale hinaasaya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walahi wan qoslay ninkan waaba funny
waa talooyin wax ku ool ah uu soo qoray nin aan dhihi karo waa muwaadin dhab ah xaqiiqdana la socdo , aniga waxaan qaba a PM in laga dhigo nin peelha laheeyb sooco waayo waa soomalai waa dad caqbadan waa dad nabadda u sxb ah, aniga mab qabo in lagadhigo PM nin kasoo jeeda reer putland si walboo uu u fiican yahy reer PUTlan waxay la dhaceen 2 shariif , iygana waa ay dhaceen , isbadalka aay dhinac ka yhiin , diida ama dhaafa walle madaxwaynaheena waa nin ka war qabo reerkaas dhib kooda cid soo magacaawysao majirto , manatan waa lagabxay kumeelkaag cidii warkeenta talaabo dowladnimo ayaa laga qaadaya gudaha baarlamaanka aya alooga qaadayaa , faroole danbo oo qaylinaayo lama arkaayo insha alah tiisuu u baqi doonaa , ee waxaan idin leeyahay ninkaas meesha ka dajiya oo somalida wax laqaybsada walaalihiin , shacab ahaan waxaa tihiin dad wanagsan , lakin ilaha madaxdiina waxaa uu ka dhigaa kan ugu xun dhaxdiina , markas ayaa xumaanka ku racdaan , ee shacbiyahoow somaliya dhinic karaaca , manata geediga ha kaharina , xamar waa caasimad waxaa ay ka tarjumayso maahah nin jeclaysi ama gobol jeclaysi ,
siyaasi nacas nacayb ka buuxo baa tahay
waxaan idiin sheegayaa in uu isaga danaysanaayosi dawladiisa u shaqeeyso waa i uu puntland u magacaabaa hadii mkale waxaa ka dhumaaya wax badan sidii c/qasim iyo sharif isagana waa uu ogaa
marka waa uu garanayaa waxa u fiicaan hadii daoodka kale ka dhigo micno malaha
Others-ka wax jira maaha ee dadka la heyb sooco dheh mida kale xilka qofka laga dhigayo waxaa la raacayaa habka awood qeybsiga beelaha taas macnaheedu waxaa weeeye qofka R/Wasaare noqonayo wuxuu ka imaan karaa labada beelood ee waaweyn ee aan hada xilka ka heyn dowlada cusub,waana wax somalidu heshiis ku tahay laakiin shaqsi ka soo jeeda beelaha la heyb sooco hadii xilka loo dhiibo dageenkee bey dowlada taageero ka heleysaa bacdamaa aan ognahay in dadka la heys sooco eysan degaano kaligood daganeen ee ey beelaha waaweyn la dagaan?anigu ma qabo in waqtigaan adag xilka R/Wasaaraha loo dhiiho dadka la heyb sooco sababtoo ah kuwii waaweyn isku sheegay ayaa kuraastii isku heysta iyagoo qoray caaradii isticmaalaya,sidaas darteed R/Wasaaruhu waa inuu ka soo baxaa labada beel ee waaweyn mida taageerta jiritaanka somaliya welibana waxaan oran lahaa kolkaan R/Wasaaruhu waa inuu ka soo baxaa shaqsi ka soo jeeda KHaatumo Stat oo u taagan midnimada Somaliya qofkaasna yuusan noqon Cali Khaliif Galeyd.
Qosol badana, Qoraagan Abgaal markuu nin ina adeerkii uu helay Madaxweynenimo buu leeyahay PM ha ka dhigin nin — ama ——. Jaalle PM waxaa leh Puntland, qof Banaadiri ahna na waxaa loo dhibayaa jagada Duqa Magaalada/Gudoomiyaha G. Benadir oo aad idinka xirateen, kuna marmarsiiyooda — . Tarzan iyo Sheekh Shariiba waa inay baneeyaan Villa Somalia iyo Officio Governo, waqtigoodi wuu dhacay.
Talo aad u xun.
SC WR WBR. Waxaa ogaataan maalinba qolaa cslanmeed
Dhaceysaa, wa badan Baa dadkuhanjabeen waan goosandonaa
Wax badan Baa dad ku fakareen Xamar Waa maalmeysi
Wax badanbaa Faroole xabadka garaacay
Hal ciin daaqi jirtey. Daaqi waayey Baa u danbeysa
Maanta isla weyni iyo waan goosan dhamaatey, sheeq shariif
Waanu ka tashanee reer Puntland Noo Faroole ka tashada
Calooshina ha u sheeginina in nin Mahamud salebaana laga
Dhigi , daaroodka kale Waa u furantahay!! Ha oranina Waxaan
Waa ku meel agaar,,,,,,,,,,,,Xamar soomalibaa leh
Faroole Baa Yoruba dhamaatey
Maasha allah Raxanreeb xaqiiqdii waa wap aan caadi aheen wlhi sida aan u bartay wapkan mid kale maba aqriyo waliba dhanka Maqaalada waa maqaalo macqul xilkasnimo iyo wadani nimo mudan waliba anigoo markii hore la igu dhahay wapkan rer puntland aa iska leh ayaan is iri koley rer puntland warar cadaalad oo dhex dhexad ah Soomaliya kama qori karto ayaan hadana marqaati u ahay inaad wadaniyaal Soomaliyed tihin garabkiina allaha galo
War puntland nacaybka iyo qolo la colloobidda iska daaya. Madaxweynaha ha loo doorto maxa u dhihi weydeen, Guddoonka baarlamaanka ha laga dhigo maxaad u dhihi weydeen. Haddaa leedihiin markii kursiga Raiisul Wasaaraha ee harsan aad ogaateen cidda ugu mudan..
Wallee Soomaali inta xasad iyo reer hebel nacayb ka buuxo, walle reerku ma dego.
Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu islaamnimada aad afka ka sheegataan qalbigiina oo daadejiyo oo iftiinka iyo nuurka diintu qalbigiinna ka dhammayso gudcurka madow ee weli hadhsanaya.
Aammiin Allahayow Aammiin
Yaan la iloobin Puntland waa dawlad goboleed maamul leh ha hoos tagto dawladda Federaalka laakiin waa inay la qaybsataa maamulka guud, yaan la iloobin soomaalidu waa qabiil qabiil kala degen degaano maamulka puntland shaqsiguu doonaayo ha noqdee waa inuu halkaas ka soo jeedaa. Yaan la iloobin Puntland waa maamul leh hogaan ha saxnaado ama ha qaldanaado shacbigiisa waa ogolyahay maamulka jihaduu u kexeeyo
Wax la wada qaybsiga waa in la ogolaadaa hadan la ogolayn waa nasiibdaro
asc dhmaanti allana halaga cabsado ani fikirkaan qabo waxuu yahay
(1)marka hore cadaalad uma dhicin xubno qaysashada baarlaanka maxayeelaly 9Gobol deddegan iyo dadegan 2Gobol ayaa waxaa loo simay kuraastii taas ma ,ahayn cadaalad waxay kudhacaday dulqaadka iyo wanaag doonka beesha ka raalinoqotay in dulmigooda xal loogadhigo umada soomaaliyeed
(2) marka laga ego dhanka wanaagsan waxaan soobandhigayaa cida ku haboo kursiga PM waxaan qabaa maadaama cabdi wali maxamed gaas uu kasoojedo beesha xaqa uleh unaleeyahay khibradii uu kusoogaarsiiyaya halakan in loo magacaabo mar labaad waayo waxuu uduqaatay fikiradii xumaa shariif sheekh axmed oo ahaa qabyaalada cad ee aan geedna loo soomarin kuwaasooo ahaa markii aydhamaatay dowladii uu xukumay inuu magacaabo degmooyin khaas uah koonfur soomaliya & dalcsiinta saraakiisha oo ayaguna ahaa kuwa kasoo jeeda koonfurata somalia
(3) waxan soojeedinayaa inlaga gubo qodobkan 4.5 loona gudbo goblaysi
Jawaabta saxda iyo talada ugu macquulsan waxaa soo jeediyay qofka yiri hadaad others wax siineyso ha laga dhigo Mayor of Mogadishu nin Banadiri ah. Arintaas Baa ku raacsan nahay, waliba Waxaan ku Dari lahaa Mooryaanka ugu weyn ee xamar jooga TARZAN Waa in xabsi la dhigo. Canjeero sida u kala sareeyso baa loo kala qaadaa. Bal intaas marka hore u sameeya OTHERS, Raisul-Wasaare iyagaa iska gaari doonee lol ..
wasiirka kowaad halaga dhigo
cayayaaan