Wasiiro Kamid Noqnaya Xukuumadda Puntland oo Maanta La Dhaariyey[Sawirro+Dhagaysi]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe[RBC Radio] Wasiiro,Wasiiro Kuxigeeno iyo Wasiiro-dawlayaal dhawaan uu digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole uu ku magacaabay ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey Xilalka loo Igmaday iyadoona Munaasabada dhaarintu ay ka dhacday aqalka Madaxtooyda ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole,Madaxweyne Kuxigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire,Xubno kamid ah Gollaha Wasiiradda Xukuumadiisa ayey Maxkamadda Sarre ee Puntland ku hor dhaarisay Xubnaha cusub ee kamid noqonaya Dawladda Puntland iyagoona dhaarta ka dib ka qeybgalay Shirkii Gollaha Xukuumadu yeeshaan maalin kasta oo Isniin ah.

Madaxwyne Cabdirixmaan Faroole oo la Dardaarmay Xubnaha Cusub ee Kusoo Biirey Xukuumadiisa Halkan Guji.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” oo hadalo kooban kasoo Jeediyey Madasha dhaarta ayaa sheegay in Xubnaha la dhaariyey ay Isugu jiraan Wasiiro iyo Wasiiro kuxigeeno iyo Wasiiro-dawlayaal iyadoona uu Intaas ku daray in Xilalka dawladda loo wada simanyahay.

Waxa uu tibaaxay Magacaabida Xubnaha cusub aysan ahayn mid cid gaar ah loogu daneynaayo,mid cid gaar ah loogu eexanaayo isagoona ku macneeyey tallaabada uu qaaday mid micneeyey mid la Jaanqaadeysa Isbadellada ka dhacay dalka sida dhanka Dawladda Soomaaliya.

..”"Cusbooneysiinta gollaha Wasaaradaha,waxna laga badelay,waxna lasoo gashay mid cid loogu darnaanayo maahan,mid cid gaar ah loogu eexanayo maahan,waxa weeye sidii dhaqanku ahaan jiray markii muddo la joogo iyadoo la isku qiimeynayo Shaqada iyo hawsha socota iyo Waayaha cusub oo dalka soo foodsaaray,ha ahaato Xagga dhexe oo dawladii dhexe wax Iska badeleen ama Xaggeena hawllo badani ka jiraan ka jiraan, in mar kasta la badbadalo wixii markas laga maarmaan ah…”"ayuu yiri.

Xubnaha cusub ee kusoo biirey Xukuumadiisa ayuu kula dardaaramay in ay hortaalo shaqo adag isla markaana looga baahanyahay in ay isla shaqeeyaan si looga gudbo hawlaha adag ee horyaala isla markaana waxa uu ku booriyey in ay meeshooda kasii wadaan hawlihii horey u socday.

Wasiiro,Wasiiro Kuxigeeno iyo Wasiiro-dawlayaasha ee maanta ay dhaarisay Maxkamada Sarre ee Puntland ayaa kala ah:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Mudane Maxamed Caydiid Dirir.
Wasiisur-dawlaha Deegaanka iyo Dalxiiska Puntland Saleebaan Maxamuud Siciid.
Wasiir Kuxigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Axmed Ibraahim Cabdirixmaan|Dooxajoog].
Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada Jaamac Yaasiin Jaamac.
Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Yuusuf Cali Axmed.
Wasiir Kuxigeenka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Caasho Maxamuud Axmed.

___________________________

RBC Radio
Xafiiska Garoowe+Boosaaso

Share

Tags:

6 Responses for “Wasiiro Kamid Noqnaya Xukuumadda Puntland oo Maanta La Dhaariyey[Sawirro+Dhagaysi]”

  1. FARATELO says:

    ASC, Waxaan maqli jirey Shinbirayahoow heesa iska heesa heesa oo sidii eeyihii u heesa, hade dad baa weli riyaalitiga arag laakiin arag ama ha arkin Somaliya waa Dawlad shacbigeeduna waa mid dadka raba ineey hoos geeyaan Cadowga soo jireenka ee Yuhuuda madoow waa la yaqaan abtirsidgooduna xaagasuu u batey beryahaan. Xaqiiqda ayaa laga hadlaa shacbka Somaliyeed waa Muslim marka dadka xayeeysiinaya diinta amxaarada wax isku fala oo dadkiina dhinac ka racaa haku aduun iyoo aakhiro seegina Amxaaro iyo firkeeda sc.

  2. taleex says:

    faroole iy wiilashisa hadan qashinka lagu darin waxba isma badalayan e maawelada naga daaya dhaha

  3. Cali says:

    Faroolaa meesha iskaga gal galanaya………. hadba mid cayri oo mid kale u yeer.

  4. M.H.Buraleh says:

    Wax la yiraahdo laba kaclayn baa kacaankii laga bartay,oo run ahaan noqon jirtey bartii hore hoos uga sii soco. Hadda waxaa soo baxay koox Xamar looga yaqaano dayuusbaro,oo dalka ugu soo noqda dhac iyo dhib.

  5. Dahir Haaji says:

    Waxaa jirta maahmaah laga isticmaalo Nord Europe specialy Denmark, taas oo tiraahda, Dhalooyon duq ah ayaa wine cusub lagu soo shubay, macnuhu maaha, in isbedel yimi, laakiin waa digo rogosho,mana aha, wax shacabka nadiifta ah reer Puntand u cuntaya.Suaashu muddo intee le’eg ayey niyada ku dhisanayaan, marka wakhtigiisu dhamaado waa tegeyaa.. Waxaan jeclaan lahaa inaad akhridaan Wikileaks document 2011 iyo warbixinta ay ka qoreen, waxa maamulka damacsan yahay, marka xiligiisu gabogabo yahay…

  6. Hiraabe says:

    faratelo meeshaan lama dhaarinayo muuse yalaxow xaaraan ku naax qanyare iyo wax lamida ma garatay sxb

Leave a Reply