Waxa La Shaaciyay Magacyada Musharrixiinta Madaxtinimada ee Soo Buuxiyay Shuruudaha Laga Doonayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Iyadoo hal maalin ay ka hartay xilliga loogu talagalay qabashada araajida doorashada shaqsiyaadka doonaya in ay ka qeyb qaataan doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya, ayaa maanta guddiga doorashada waxa ay shaaciyeen musharrixiinta ilaa hadda soo buuxiyay shuruuradaha laga doonayo.

Afhayeenka guddiga doorashada Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo saxaafadda kula hadlaayay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay ilaa hadda in ay guddigooda qabteenn 37-musharrax, laakin siddii la rabay ay u soo buuxiyeen shuruudaha shan qof.

“ Ilaa hadda waxa aan heynaa shan musharrax oo siddii la rabay u soo buuxiyay Foomamka oo ay xitaa ku jiraan lacagta 10,000 ee dollar, taasoo lagu shubay Bankiga dhexe” ayuu yiri Cismaan Libaax.

Wuu sii hadlay waxana uu yiri ilaa hadda musharrixiinta foomamka qaatay iyo kuwa doonaya in ay ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha waxa uu harsan maalinta berito inay ku soo dhameystiraan ugu dambeyn saacada marka ay tahay 5:00 pm, ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale afhayeenka guddiga doorashada waxa uu xaqiijiyay in musharrixiinta shanta ee soo buuxiyay foomamka ay heestaan shuruuradaha ay ka mid yihiin in uu musharrax kasta ilaa 20-xildhibaan.

Hadaba dadka buuxiyay shuruudaha la soo bandhigay waxa ay kala yihiin:-

1- C/raxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow),

2- C/wali Maxamed Cali Gaas

3- Cabdulaahi  Axmed Cadow

4- Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

5- C/waaxid Cilmi Goonjeex

Musharrixiinta aan wali soo buuxin shuruudaha waxa ka mid ah Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha uu xiligiisa dhammaaday, laakin wararkii u dambeeyay waxa ay sheegayaan in foomka buuxiyay oo tirada marka isaga lagu daro ay gaarayaan ilaa siddeed qof.

Waxa magaalada Muqdisho ka socota olaha doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 10-ka bisha September.

Magaalada waxa lagu dhex arkayaa gaadiid ay saaran yihiin cod baahiyaal oo kala taageersan musharrixiinta madaxweynaha iyo sawiradooda, taasoo magaalada ka dhigtay mid mashquul ah.

Waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya ka dhacdo doorasho muddo ka badan 21-sano, waxaana magaalada ay ka dhigtay mid ka kabanaysa dagaalada la haray ee wax kasta magaalada seejiyay.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdishu

Share

Tags:

7 Responses for “Waxa La Shaaciyay Magacyada Musharrixiinta Madaxtinimada ee Soo Buuxiyay Shuruudaha Laga Doonayo”

  1. Insha allah waxan ilaahay ka baryayaa m.weyne daacada ,muslin dhaba ah ,naxarista, dalkana bad baadiya

  2. F.B.I says:

    k.k.k.k.k.k.k sheekh shariif shahaado BHD HOLDER ah ayaa indhaha looga riday k.k.k.k.k waxbarta qabqableyaasha

  3. [...] View article: Waxa La Shaaciyay Magacyada Musharrixiinta Madaxtinimada ee Soo Buuxiyay Shuruudaha Laga Doonayo [...]

  4. puntlander says:

    farmaajo doorta baarlamaankaw hadii aad shacabka matashaan
    oo aad rabtaan in somalia karaamadeedii iyo sharafteedii ay usoo noqoto waa ninka shacabka somaliyeed oo dhan min raas ganboone ilaa raascasayr ay uurka ku hayaan oo ay jecelyihiin in la doorto
    5 bari kadib waxaan filaynaa in madaxwaynaha somaliya uu noqon doono Dr maxamed c/laahi farmaajo

  5. farinomaleh says:

    CIDINA DAAH KAMA SAARNA CIDWALBO INUU SOOMAALIDA SHARAFTEEDA SOO CELINDOONO WAA CABDULAHI FARMAJO CADDOW WAAA NIN WANAAGSAN LAAKIIN WAQTIGA XAADIRKA AH LAMA SOCONKARO XAALADAHA AADUUNKA XWLIGUU KU SOCDO NIMANKAAN KALE QAAR FFIICAN IYOQAR QABIIL MADAXOODDA KA GUUUXAYO WAA LEEYIHIIN WAANA ISS OGYIHIIN IN SOOMAALI AYYSAN DOONAYN SHAQSI KALO AH FARRMAAJO

  6. Cabdicasis gacal says:

    Xildhibanadow lacagta hadoranine ee ucodey mudane c/raxman macalin badiyow wa mudane balan qaday inu qaban dono wax ay qabsan weysay dowladi xiligeda dhamaday insha Allah wuxu noqon dona madaxweynaha dalka somaliyed dr. C/raxman badiyow Allaha kula garab

  7. Qardho says:

    Waxaa tageerayaa Dr Abdulraman Moalim Badiyo,.Waa aqoonyahan
    Shiekh ah maadiga iyo diinigaba ku Haboon, Dr Badiyow garaabkaaga hajiro.

Leave a Reply