Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo u ambabaxay dalka Itoobiya
Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay waddanka Itoobiya oo ay kaga qaybgalayaan aaska Ra’iisal wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo Axadda Berri la aasi doono.
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay saaka diyaarad ka raaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaana garoonka ku sii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddiisa, isaga oo Madaxweynuhu salaam sharaf ka qaatay qaybo ka tirsan Ciidammada qalabka sida.
Intii aanu garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka dhoofin Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayaa, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo warbaahinta kula sii hadlay qolka nasashada garoonka, isaga oo faahfaahiyey ujeeddada socdaalkiisa uu ku tagayo magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Waxaanu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ujeeddada safarkiisa ka hadlayaa yiri; “Safarkaygan aan Itoobiya ku tagayaa wuxu daarran yahay oo aannu ku soconnaa aaska loo samaynayo Ra’iisal wasaarihii geeriyooday ee dalka Itoobiya. Itoobiya-na waa dal aynu jaar nahay, waa dal aynu saaxiib nahay, walaalo nahay, aad isugu fognahay.”
“Ra’iisal wasaarihii geeriyooday Meles waxa uu ahaa nin muhiimad weyn u leh geeska Afrika Somaliland ahaanna xidhiidh fiican oo dhawi innaga dhexeeyey, waxaana halkaa isugu imanaya wufuud badan oo caalami ah oo dabcan aannu qayb ka noqon doonno aniga iyo Weftigaygu.” Sidaa ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland Xubnaha safarkiisan uu Itoobiya ku tagay ku weheliyaa waxay kala ahaayeen, Marwadiisa Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayihiisa gaarka ah iyo xubno kale oo Xukuumadda ka tirsan.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.











[...] View article: Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo u ambabaxay dalka Itoobiya [...]
Madax goboleedyo barbar cararayaa Madaxweynaha Somalia,waa garasho iyo wadaniyad xumo baahdey.
@M.H.BURALEH
MADAX WAYNE SIILANYO WAA NINKA QUDHAH EE XUKUNKA DALKIISA KU YIMID SI DIMUQRAADIYA AH OO AY DAD KIISU U IGMADEEN XUKUNKA SOMALILAND.
NIMANKA KALE SE WAA NINHOGAAMIYE BEELEED AH,IYO SHEEKH SHARIIF OO DAWLADA SHISHEEYE AY SIIYEEN XUKUNKA DAKADA IYO AIRPORT KA MUQDISHO.
MARKAA HADAANU CUDURKII XUMAA EE ISSIR NACAYBKA EE SOMALI OO DHAN KU DHACAY
AANU KU HAYN XAQIIQADA LAGAMA FOGAADO.HADAAD NIN SOMALI JACEL AAD TAHAY XAASHE E NIN WALAALKAAYA LIBINTA LOOMA DIIDO.
XAQIIQO IYO RUN BAA DOOD LAGU BADIYAA.