Wufuud Heerkoodu Sareeyo oo Ka Socda Mareykanka Iyo Yurub oo Muqdisho Imaanaya Maanta, Kulamana La Yeelanaya Madaxweynaha


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Labo wafdi oo heerkeedu sareeyo ayaa maanta lagu wadaa inay soo gaaraan caasimada dalka iyadoo kulamo ay la qaadan doonaan madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada wafdi ayaa ka kala socda Mareykanka iyo Midowga Yurub waxaana wufuuda ku jira danjiyaraasha labada dhinac u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo geeska Afrika.

Warar hordhac ah oo soo gaaray Raxanreeb ayaa sheegaya in wufuuda ay qaabilaad toos ah ugu tagi doonaan madaxweynaha cusub oo weli aan rasmi ahaan xafiiska madaxtooyada ula wareegin, waxaana kulankan uu ka dhici doonaa isla xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Ilo wareedyo u waramay Raxanreeb waxay sheegeen in ajendaha koowaad ee wufuuda ay kala hadli doonaan madaxweynaha uu yahay magacaabista raysul wasaaraha cusub ee dalka kaasoo weli wadatashiyo ku aadan ay ka socdaan Muqdisho.  Laakiin wufuuda ajnabiga ayaa la filayaa inay talooyin ku saabsan shakhsiga loo xulayo raysul wasaaranimada ay u gudbiyaan madaxweynaha cusub, sida Raxanreeb ay ka soo xigatay saraakiil madaxtooyada ku sugan oo aan rabin in la magacaabo.

Maalinta berito ee Axada [16/09/2012] waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaya xaflad uu madaxweynaha cusub si rasmi ah xilka ugala wareegayo madaxweynihii hore Sheekh Shariif taasoo ka dhacaysa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya. Waxaana dhanka kale aad u sii kordhaya cadaadiska dhinacyada badan kaga imaanaya madaxweynaha cusub ee looga codsanayo cida loo magacaabayo jagada wasiirka koowaad oo haatan ay loolan ugu jiraan siyaasiyiin fara badan.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

7 Responses for “Wufuud Heerkoodu Sareeyo oo Ka Socda Mareykanka Iyo Yurub oo Muqdisho Imaanaya Maanta, Kulamana La Yeelanaya Madaxweynaha”

  1. Kismayo33 says:

    Maadama ay tahay Somalia dhiiladii Baraaka Cabdow oo kale maanta waxay mareysaa in safaaradiihii beesha caalamka isku sheegi jidhay inay u yeedhiyaan ninkan cusub rasiil wasaaraha cidda laga dhigayo.

    Talada Kismaayoman waxaa weeye waa inuu Rasiisal wasaara ka dhigaa. Ma ahan inaan qabiil aaminsanahay waayo haddii la yidhi baa leh dee iyo waa soo qabteen.

    Imminka waxaa booskaasi iska leh kale sida

    Nacasnimada qabiil waxaa na baday waxaa weeye ummad dhan oo qabiil wax ku qaybsanaysa.,

  2. hadii somalia khayr laga rabo axmed ismaaciil samatar haloo magacaabo

  3. Qaasim says:

    Allow naga qabo kuwan beesha caalmka isku sheega ee qaska kawada somaliya

  4. M.H.Buraleh says:

    Jug jug halkaaga joog ama ka sii hoos mar bay noqon hadduu Madaxweyne Hassan Sheikh ogolaado in dibedda ama gudaha wax looga yeedhiyo. Maanta haddii laga tab helo,ka baxshaa ba’ay.

  5. maandeeq says:

    hadii soo maali dan laga rabo oo inaba soomaalinimo jirto waxaan ku talin lahaa madaxweeynaha cusub haka dhigo ra,iisuwasaari maxamed cabdilaahi farmaajo

  6. Abdi Somali says:

    WAADH NIN WADANI AH MARABAAN SHISHEEYUHU EE GO,AAN ADAG QAADO ISKA DABA WAREEG IYO WAX QABAD LA,AAN HORAY NOO DILOOTAY AMA RAAC KUWII HORE AMA BULSHADA DIIRSHIHII XAQ INTUU KU KALA DIRAY CUDURADII NA DILI JIRAY DAAWEEYA NOO NOQO

Leave a Reply