Xaalada Baladweyne Oo Alow Sahal Ah iyo Dadka Shacbka Oo Baaq Jeedinaya
Muqdisho (RBC Radio) Xaalada magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ah mid alow sahal ah ka dib markii inta badan xaafadaha magaalada ay harqijeen biyaha ka soo baxay wabiga Shabeelle.
Xaafadaha magaalada ayaa noqday kuho ay biyaha dhexyaalaan sidoo kalana guryaha qaar ayaa waxaa qadaay daadadka wayna bur bureen intooda badan.
Dadka qaar ayaa ka baxaya xaafadaha wabiga uu ku fatahay ee magaalada Baladweyne ayagoona ku baxsanayay doono, halka dadka danyarta ah ee aanan awoodin in ay kireestaan doonyahaasina ay dhibaatooyin la kulmeen.
Waxaa jira dad badan oo ku dhintay daadadkaan ka dib markii ay qaadeen oo mar danbe xaafadaha qaar la helay maydadkooda, waxaana dadkaasi u badan Haweyn iyo Caruur.
Qaar ka mid ah dadka magaalada Baladweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay ka codsadeen hay’adaha samafalka iyo waliba dowlada Soomaaliya in ay xiligaan ay gar gaar la soo gaaraan.
Ilaa iyo iminka ma jiraan wax gar gaar ah oo ay heleen dadkaan, xili magaalada Baladweyne ay ka mitahay meelaha ay maamusho dowlada Soomaaliya oo ay kala wareegtay Al-Shabaab.
Waxaa la sheegayaa in ay dhici karto in ay xaaladu intaan ka sii adkaato hadii ay da’aan roobab kale isla markaana fatahaado intaan ka sii badan uu sameeyo wabiga Shabeelle.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] See more here: Xaalada Baladweyne Oo Alow Sahal Ah iyo Dadka Shacbkaa Oo Baaq Jeedinaya [...]