Xaalada Kismaayo Caawa, Khasaaraha Rayidka Iyo Saraakiil Cadaan ah oo Lagu Arkay Ceeldhiig (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Xaalada magaalada Kismaayo ayaa caawa degan kadib duulaankii saaka waaberigii ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada Soomaaliya ku gaareen deegaano ku teedsan magaalada. Waxaana wararka ugu dambeeya ay sheegayaan in caawa magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada Al-Shabaab.

Idaacadda Andulus ee ku taalla magaalada Kismaayo ayaa caawa baahisay in laga guuleystay ciidamada Kenya oo ay ku tilmaanta “cadaw ku soo duulay ummada muslimka” waxaana idaacadda ay caawa baahisay hadalo ay jeedinayeen afhayeenka Al-Shabaab Sheekh C/casiis abuu Muscab iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo u sheegaya dadka in ay difaaci doonaan magaalada.

Sidoo kale dhanka Kenyanka ayaa saaka dadka deegaanada Ceeldhiig illaa Ma-dhamaato u daadiyey waraaqo ay ku qoran yihiin hadalo loogu sheegayo inay u wadaan “nabad iyo barwaaqo” iyagoo ku baaqay inay ka fogaadaan meelaha ay joogaan Al-Shabaab. [HALKAN KA AKGRI FAAHFAAHINO HORE]

Khasaaraha shacabka

Duqeyn xoog leh oo dhanka cirka iyo badda ka imaaneysay ayaa illaa duhurkii ku socotay qeybo ka mid ah waqooyiga iyo galbeedka magaalada, waxaana meelaha duqeynta ku dhacday ka mid ah xaafada Buulo Abliko oo hal ruux uu ku dhintay afar kalana ay ku dhaawacmeen.  Afarta dhaawaca waxaa ku jirta haweeney da’ ah iyo gabar ay dhashay kuwaasoo la gaarsiitey isbitaalka magaalada Kismaayo.  Guri ku dhow xarunta gobolka ayaa ka mid ah meelaha ay maanta duqeybnta culus ku dhacday.

Waxaa iyana jiray dad dhowr ruux ah oo ku dhaawacmay saaka markii ciidamada Kenya ee magaaada gees ka soo galay ay rasaas ku fureen kadib markii ay dadka iyagoon ay ogeyn ay u soo carareen dhanka waqooyi xaafado ku yaalla xilligaasoo duqeyn ay ku dhacayay meelo ka mid ah magaalada.

Dhanka deegaanka Ceeldhiig oo ay ciidamada Kenya ku sugan yihiin ayaa galabta dadka tuulada loo oholaaday dhaqdhaqaaq kadib markii saaka ciidamada Kenya ay dadka u diideen inay xitaa bannaanka guryahooda uga soo baxaan, inkastoo weli dadku ay cabsi ka qabaan ciidamada huwanta ah.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo amaanka awgiis ka gaabsaday magaciisa, ayaa galabta Raxanreeb u sheegay in dadka ay galabta biyo ka soo dhaansadeen ceelka tuulada oo saaka laga xayiray iyadoo carruurta iyo haweenka ay galabta daawanayeen ciidamada Kenya ee teendhooyinka iyo difaacyada ka qotay hareeraha tuulada.

Oday dhaqameedkan ayaa ka codsaday in ciidamada huwanta ay ka taxadaraan sida dadka rayidka ah looga badbaadin lahaa khasaare ka soo gaara dagaalay suurtagal tahay inuu kadhsco magaalada Kismaayo.

Waxaa weli maqan labo nin oo odayaasha reer Ceeldhiig ahaa oo saaka ay kaxaysteen ciidamada Kenyanka kuwaasoo markii war ugu dambeysay loo kexeeyay dhanka markab dagaal oo xeebta u taagan ciidamada Kenya. [AKHRI MAGACYADA RAGGAASI]

Dadka deegaanka waxay Raxanreeb u xaqiijiyeen in gudaha tuulada ay ku arkeen saraakiil caddaan ah oo la socday askarta Kenyanka ee tuulada fariisinka ka sameystay. Waxaana saraakiishan aan la garan karin dhalasho ahaan wadamada ay ka socdaan laakiin waxaa dadkii aan la hadalnay ay ku tilmaameen tababarayaal militari iyo la taliyaal inay u eg yihiin.

Meelaha lakala joogo caawa

Ciidamada Al-Shabaab oo uu hadda ku furan yahay dagaal dhowr jiho ah kuna doo wajahan magaalada Kismaayo ayaa difaacyadooda ka adkeysanaya dhowr fariisimoo oo kala ah; dhanka Ceeldhiig waxay ku sugan yihiin halka loo yaqaano “Beeraha Gumurta” waxayna ka horjeedaan ciidanka Kenya ee xirtay dariiqa Nus Dariiq illaa Ceeldhiig.

Wararka ayaa sheegaya in maanta dagaal culus iyo duqeyn madaafiicda loo adeegsaday la isku weydaarsaday Nus Dariiq.

Ciidamada Kenya ee saaka soo gaaray Ceeldhiig ma tiro badna laakiin waxaa la xaqiijiyery inay wataan dabaabado iyo hub fara badan isla markaana ay yihiin ciidamado kumandoos ah gadaalna waxaa ka caawinaya illaa afar markab oo badda u taagan, sida dadka arkay ay u xaqiijiyeen Raxanreeb.

Dhanka Canjeel oo 30-km magaalada ka baxsan dhanka Galbeed, waxaa galabta soo galay guutooyin isugu jira cxiidamada dawlada, kuwa Raskambooni yo kuwa Kenya oo diyaarado dusha looga soo daadiyey.  Difaaca ugu horeeya ee Al-Shabaab ayaa ka fadhiya meel wax yar u muuqata dhanka Fii Afmadow waxaana mararka qaar laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo la isku tuurayo. [HALKAN KA AKHRI WARARKII HORE]

Ciidamada Al-Shabaab waxay kaloo difaacyo ka sameysteen duleedka Goobweyn ee soo xigta dhanka Kismaayo waxaana halkaasi isugu yimid ciidamo aad u fara badan oo qaarkood illaa Baraawe maanta ka soo furmadeen, halkja qaar kalana laga soo saaray “Akademiyada” oo ah saldhig weyn oo Al-Shabaab lahaayeen oo Goobweyn u dhow.

Muhimada dhulka lagu dagaalamayo

- Nus Dariiq: Waxaa ku yaalla buur dhagax oo uu dhexmaro waddo magaalada Kismaayo ka timaada taasoo haddii cidii qabsata ay si fudud u kontorooli karto jidka dheer ee magaalada gala; waana taas sababta dhinac kasta uu xooga u saarayo inuu qabsado.

- Ceeldhiig: Waa deegaan tuulo yar oo ay degan yihiin dad u badan xoolo dhaqato.  Waxaa ku yaalla garoon diyaaradeed oo macmal ah oo aan waayadan la isticmaalin.  Ceeldhiig waxay kaabiga ku heysaa badda, waxaana fudud in maraakiibta ay ku soo dhowaadaan, waana meeshii ay xalay ciidamada Kenya ka soo degeen.

Qabsashada Ceeldhiig ee Kenyanka ma ahayn mid ay filayeen Al-Shabaab waayo kama mida hayn jihooyinkii hore loogu dagaalamayey, waxayna Kenya u soo qaaday weerarka xalay ay ku qabsatay Ceeldhiig si ay furin dagaal oo hor leh ugu furto Al-Shabaab.

- Goobweyn: Waa meesha ay isaga darsamaan Wabiga Jubba oo halkaasi ku dhamaada iyo badweynta Hindiya.  Goobweyn oo dhanka Jilib ka soo xigta Kismaayo waxaa ku dhow Akedimiyadii hore ee ciidanka Cirka Soomaaliya oo hadda saldhig weyn u ah ciidamada ururka Al-Shabaab, waxayna Al-Shabaab ku qasban tahay inay ku dagaalanto.

- Canjeel: Waa tuulo 30-km dhanka galbeed ka xigta magaalada Kismaayo, horey waxaa u joogay ciidamada Al-Shabaab ee dagaalka kaga jiray dhanka Janaay Cabdalla.  Kenyanka way ku adkaan doontaa inay toos uga soo dhaqaaqaan Canjeel haddii aysan marka hore magaalada qabsanin; waayo waxaa Canjeel ka sokeeye dhul bannaan “gelgel” taasoo keeni karta in ciidamadooda la soo duqeeyo khasaarana uu kasoo gaaro.

Al-Shabaab xaggee u furan?

Dagaalka Kismaayo sida hadda muuqata weji cusub ayuu galay oo waxaa saaka soo baxay jiho cusub oo Al-Shabaab ku furantay, weliba kaaga darane, waxaa dagaalka uu ka soo curtay dhanka wadada aadi jirtay Muqdisho iyo deegaanada kale sida Jilib illaa Baraawe oo [haddii ay dhacdo inay ka baxaan Kismaayo] Al-Shabaab u ahaan lahaa marin fudud una dhow.

Sida dadka deegaanka yaqaana ay u sheegeen Raxanreeb, waxaa hadda Al-Shabaab ay heystaan labo jiho oo ay kaga bixi karaan magaalada haddii ay dhacdo in dagaalka looga itaal roonaado, waxayna kala ah;

- Jidka Ciid Cad; Waa waddo waqooyiga aada oo si toos magaalada uga baxda, taasoo sii marta  deegaanka Sacmooye una jiheysta Galbeedka Afmadow waana dhul ugu dambeyntii taga hawdka Jubbada Hoose caanka ku yahay oo ay mudo ku dhuuman karaan kana so qaadi karaan weeraradooda.

Muhimada kale ee jidkani leeyahay waa inuu yahay dhabe aad u dhib badan oo cidii aan garaneyn iyo baabuurta ay adag tahay inay marto.

- Jidka Fii Afmadow: Waa dhabe weyn oo sii mara kontoroolka Yaaqa Sacmooye oo ku beegan waqooyi galbeed wuxuuna sii maraa tuulada Cabdulle Biroole.  Jidkan waa wadada labaad ee ugu weyn ee magaalada Kismaayo ka baxda marka laga reebo wadada u baxda Muqdisho.

Ugu dambeyn, sida dad badan qabaan dagaalka Kismaayo uma eka mid si fudud ku dhamaan kara maadaama labada dhinacba ay si weyn ugu diyaargaroobeen, waxaase aad looga cabsi qabaa in shacabka khasaare badan uu soo gaaro.


 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

9 Responses for “Xaalada Kismaayo Caawa, Khasaaraha Rayidka Iyo Saraakiil Cadaan ah oo Lagu Arkay Ceeldhiig (Faahfaahin)”

  1. Faroole says:

    Maxaa Ka jira moorgan ayaa wax Ka dajinaya qidada dagaalka kismayo???

  2. Dahabi says:

    Raxanreeb warbixintaadii waxaa qashin ka dhigay sadderka AMA paragraph ka ugu dambeyaa waxaadna tidhi dad baa aaminsan in dagaal dheer buu noqonayaa!!!!!!? Taas waa adiga sida aad jeceshahay laakii dagaalkan mar hore ayaa lagu kala adkaadey xaalada hada lagu waa ,qab qabsho ajaanib iyo cadeeyn lagu samaynayo madaxda al shabaab marka kala saar sida aad jeceshahy iyo sida wax u jiraan

  3. qoono. says:

    waxaa aduunkii ku mashquulay laba somaali ah in laka la ilaliyo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    lacag lagu cuno,qoryo laysugu dhiibo,dalkoodii iyio dadkoodii la xasuuqo……………………….
    uagaandhays methopian,kinyaaati,intu lacaga kaga helaan aduunka kuwa afka duubane ay
    ay umadeenii xasuuqaan ,,,,,,,,,,,,

  4. Khadra ahmed says:

    Moorgan waxbuu ka dajinayaa dagaalka anigaba waan maqlay, waxan kaloo maqlay inuu ka carooday duulaanka ay ku qaadeen kismayo markaas ayuu yiri iidaaya anaa gambar gaaban ugu fadhiyee.

  5. cali says:

    Morgan kulahaa kkkkkk war morganka aad sheegayso ninkii karbaashi jiray ee eryan jiray oo bare hiiraale la dhaho ayaa jooga morgan ma iman kara meel uu bare hiiraale joogo kkkkkkk

  6. kudhaa says:

    Kadaa beenta hadaa laguugu sheekeeyay morgan waa laga saary kismaayo waa run lakin yaa ka saary wxaa ka saary usc oo dhan wxa kismaayo yimid waqtigaas cawaankii ugu waynaa xataaa muuse suudi kkkkkkkkkkkkk marka adeer dhaxaan u soo joogy ciidanka bare la jabiyay intaas oo jeer hadana waa tii bare yiri kismaayo wxaa naga saary hade khidada moorgan waa muhim waa nin kaartada si fiican u yaqaan kismaayona labada jubo waa xarun adeer hada wxaa bilowday qaxii dadkii yimid oo la keenay kabohoodana waa la gubayaa saysan mar danbe loogusoo lugoyn dekeda kismaayo warkaas dhuux hadii kale wadadii uu mary bare ayaad marysaa

  7. khaatuma says:

    boowe meesha moorgan iyo pintland lagama yaqaan waxa isku haya wa-waynka iyo dad aan jirin ayad ka sheekaynaysaa

  8. Somane says:

    Ceebay tacaal moorkan ninkii cagacadaanta ugu baxay dhabayoco caqli xumaa oo beenbadana

  9. luuq luuq marow lazim lami aas maraa says:

    waxa meshan comment ka ka dhiibanaayo oo dhan waa cawaaniin ooo qaaliga ka xaran
    waryaada meshaa si sharaf leh uga hadla idinkoo cabiraayo ra’yigiina. waxan wuxuushta ah maxey ahaayeen ,. qabiilkii bey markasta mesha ku lifaaqaaaan , war somaliya u duceeyaa caabka ka buqee

Leave a Reply