NATIIJADA RASMIGA EE DOORASHADA: Xasan Sheekh Maxamuud 190-Cod Shariif Sheekh Axmed 79-Cod
Muqdisho [Radio RBC] Waxa la soo gabagabeeyay tirinta codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo wareega 3-aad ay ku tartamayeen musharrax Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii ugu dambeeyay DKMG ah.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in musharrax Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleestay wareega seddaxaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya isagoo helay 190 cod halka Shariif Sheekh Axmed uu helay 79 cod kaliya.
Waxaa markii natiijadaasi lagu dhawaaqay mar qura sacab iyo farxad uu ka bilawday hoolka shirarka ee Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho iyadoo ay adkaatay in la maqlo khudbadaha hoolka ka socda.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale raysul wasaarihii hore C/weli Gaas ayaa soo istaagay oo gacanqaaday madaxweynaha la doortay.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aad u soo dhaweeyay caawa isbadalka ka dhacay magaalada Muqdisho, waxana magaalada caawa laga maqlayaa rasaas taasoo ah dabaal dagyo.













Hambalyo mudane madaxweyne.
Xasan Sheekh, Hambalyo, ilaahay khayrkaaga hana siiyo sharkaagana hanaga xijaabo, aamin.
Maanta waxaa soomaaliya badbaadiyey musharixiinta garatay inay washamsi ku qaado Labada looser ee shariifyada ee isa siiyey wadankaan.
Ilaah baa mahad iska leh ee ina dhaafiyey shariifyo iyo dagaal oogataasha. Waxaan saarnay wadaddi caddeyd ee halagu caraabiyo,
long live somalia,
[...] Excerpt from: Xasan Sheekh Maxamuud 190-Cod Shariif Sheekh Axmed 79-Cod [...]
msh,laah ilaahow nabad amin amin somaliyeey wx ka qabta
Hambalyo Hambalyo. from australia, waa 4;30 aroornimo. ciyaartii maxayku dhamaatay sidii aan rabnay dhamaan reer australia. Jeele madaxweyne Allah hakul garab galo shaqada cusub ee laguu doortay Aamin.
[...] See more here: NATIIJADA RASMIGA EE DOORASHADA: Xasan Sheekh Maxamuud 190-Cod Shariif Sheekh Axmed 79-Cod [...]
Waan u hanbalyeeynayaa Madaxweynaha cusub, waa nin cusub oo da’yar waxaa laga sugayaa inuu keeno isbadal wax ku ool ah kuwaas ay kamid yihiin qabqablayaashii uu shariif tuke ku qaraabanayey waase ilaah mahadii qabqable iyo laaluush hadey 79 cod u dhaafin weydey, halka Xasan sheekh tiro labo jibaar kabadan kaga guuleystey, mashallah
Welcome mr president!
madaxweynaha cusub waa taageereynaa madaxweynihii horana dalka asaa gaarsiiyay meesha uu hada joogo amaan ayuu mudan yahay madaxweyne shariif in tuu qabatay soomaliya 21sano lagama qaban alaha barakeyo asiga iyo intii dadaashay oo naftooda u hurtay nabada xamar aan ku joogno shariif kahor xamar suu ahaa warmuu haysaan sxb yaal haloo duceeyo shariif nin kii walaalkaa dhibka kaqaada adigana wuu kaa qaaday anaga hadaan nahay reer mugadisho taalo u dhisno ayuu naga astaahilaa qeer qabe waaye
Reer adeer sidoodii ha loosoo istaagaan ” bowe hadaan dhadhamo nuugu jirin yeeli mayno”. maskaxdii guracnayd ee xinka iyo xiqdiga ku salaysnayd, caqligii fooraray ee wiilka xanuunsan ee Faroole ee ahaa Walee cadkaasow ama ku cunay ama Ku ciideeyay halasoo shie tageen.
kkkkkkkkkkkkkkk sharta 2da shariif aa laga cabsanayay waxaa soo baxay madaxwayne xasan, gaas, cosoble, baadiyaw i.wm oo dhulka ku jiiday kkkkkkkkkk walgay tanoo kale ma arkin dhiiranaatii gaas, iyo jixinjix la aantii saado walee maanta waxbaa dhacay ee ilahaw madaxwaynaha cusub u gargaar oo kheyrka iyo jidka wanagsan ku hunuuni.