Xassanoow Na daadihi! W/T Xassan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Xassanoow Na daadihi!
Xassan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde)
Hassanhashi2010@hotmail.com
Sabteembar 11 2012

Xassan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde)

Asc, salaan ka dib waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa dhammaan umadda soomaaliyeed ee maanta hoggaanka cusub heshay, waxaan hambalyo gaar ah uga dirayaa halkaan madaxwaynaha Cusub ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud. Maansada kooban waxaan curiyay ka dib markii uu mudane Xassan sh Maxamuud ku guulaystay doorashadii mataxtinimada Soomaaliya.

Maansadan waa talo, waa dhiirri galin, ku socota madaxwaynaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed Mudane Xassan Sh.maxamuud. Dalkayga waxaa u baryay waa cusub. Insha Allaah waxaa soo laabanaysa Sumcaddii aannu ku dhex lahayn dunida, waxaa dhammaanaya Alle idanki, dulli, dar xumo, dacdarro, qabyaalad, dib dhac, nin tooxsi fakhri iyo dhaqaale yari. Waxaa bilaabanaya Insha Allaah, soomaalinimo, horumar, wax wada qabsi, is taageerid, isku filnaansho.

Maansadii Xassanoow Na daadihi waxay ku bilaabanaysaa:

Alla daacaddaay nool!

Dibindaabyadaay mood!

Dallaafkiyo dhibkaaniyo !

Lagu waa dagaalkoow!

Damaqiyo xasuustiyo

Diihaalkanoow dhimo!

Damiir laawahoow joog!

Dammaadkiyo wareerkiyo

Daadduunka quustiyo

Dab ku gubo ibliiskoow!

Dagaal oogahaasoow

Dannigiyo dhibtaadii

Laga raysay dayrtaan!

Dable iyo askarigoow

Digtoonaada baan idhi!

Daljirkiyo waddanigoow

Daacad iyo wax garadkoow

Sama doonka joogoow

Garaadkiyo duqaydaay

Soco daansho-daanshood

Dalka nabad ku meer meer

Ninka dibad ku nooloow

Daltabyaa ku haysee

Dib u laabo waa talo!

Maandeeq ha darartee

Dureemiyo naq doogliyo

Doomaarta baxaysiyo

Cawskiyo dixida taal

Xassanoow durduursii!

Damaashaad an gaarnee

Xassanoow na daadihi!

Na daryeel waddanigoow!

Daydaygiyo qaswadihiyo

Naga qabo danaystaha!

Odayada dakhaakhulan

Iyo dayri dhagartoo

Ka dareeri maatada

Dulligiyo rafaadkoo

Dallacsii dhammaantood!

Dalka horumar gaarsii

Shacabkana dantoodiyo

U hagaaji darajada

Danti mooge shacabyahow

Maro duug horteed buu

Dhammaadaa dubkiisuye

Garo dowga nabaddoo

Qaadsii darmaankoo

Dalsan geeya reeraha!

Xassanoow dabuubtii

Dadabtaydi maansiyo

Deelleeydi aan qoray

Ha hilmaamin dulucdii

“Madax wayne diintiyo

Garan dowga nabi iyo

Noqo daacad waa kow”

Xassanoow nin damaqliyo

Nin daryeela maatada

Oo nala dareeniyo

Dugsi noo ahow laba

Dawladnimadu waa xile

Ka daryaani guul weyn!

Darroor iyo il duuf iyo

Daxalaysi yuu iman!

Dayra dhaafka qabowgiyo

Dawarsiga inoo diid!

Delidhaca hoggaankiyo

Demmanaanta garashada

Iyo dhagarta diimoon

Ha doon-doonin waa talo!

Didi maato dooxaha

Duullaan u joogaha!

Dufoobaha na dabar jaray!

Dingaraaro keenaha

Kan dirsooca shicibkiyo

Dire-dire fogeeyoo

Duraygiyo xanuunkiyo

Maandeeq daweeyoo

Rabbi darajo siiyoow

Damiirkaagu yuu lumin!

Dinnaahyee dhulkaagoo

Darandoorri barashada

Dugsiyada tacliintiyo

Qalin iyo dawaad badi!

Xassanoow Dalkaagii

Xassanoow Dadkaagii

Xassanoow dixdaadii

Adigaa u deeq ahe

Xassanoow dugaalkii

Xassanoow Daryeelkii

Xassanoow danteennii

Ha hilmaamin dulucdii!

W/T: Hal Abuur: Xassan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde)

Email:hassanhashi2010@hotmail.com

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags:

9 Responses for “Xassanoow Na daadihi! W/T Xassan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde)”

  1. [...] Read More: Xassanoow Na daadihi! W/T Xassan Cabdullaahi Xaashi (Timacadde) [...]

  2. maaaaaaaasha Allaah abwaan xassan xaashi timacadde halkaa kawad

  3. Cilmisabce says:

    Maasha Allaah, Hambalyo hambalyo hambalyo Madaxweyne Xasan Sh Max’ud. Xilka Alle ha kuu fududeeyo noqo kii Alle Idankii Nabad iyo horumar noo hor kaca.

  4. Osmaan says:

    Caadi mahan abwanka halkaa kasiwad

  5. Gaarhayeen says:

    Waa Islaamiiste ku xiran ururro dibadeed, sidaas awgeed, waa suurogal in uu dalka ka dhigo sida Afghaanistaan oo kale, meesha Soomaalidu horrumar u hanqal taagaysay.

    Soomaaliya Islaamiiste waa ka daashay, ayaguna kama maarmaan arrimaha ay damacsan yihiin. Ninkaanu wuxuu la mid yahay Aweys iyo Baadiyoow oo u halganaya in dalka la hoosgeey Sucuudiga oo la burburiyo dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed si Carabta loogu daydo.

  6. Masha Allah waa gabay qiimo leh oo qaaliya.

  7. c/qaadir aadan says:

    Asc, salaan ka dib waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa dhammaan umadda soomaaliyeed ee maanta hoggaanka cusub heshay, waxaan hambalyo gaar ah uga dirayaa halkaan madaxwaynaha Cusub ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud. waxaana Alle uga barya yaa inuu xilkaas waa culus yehee u fududeeyo oo uu noqdo kii dadki siyo dalkiisuba ku baraaraan.

  8. nabadon says:

    X.c.xaashi timacade
    waxaa kaasoo burqadey wadaniyada iyo wanaaga calooshaada ku jira ee halkaas kasiiwad waxaan kuu rajeynayaa inaad noqoto abwaan weyn oo curiya fekrado iyo murti xiiso badan, oo caruurta iskuulada loogu dhigo, mahadsanid abwaan timacade

  9. Abwaan Xassan (Timacadde) says:

    Dhammaantiin Mahadsandiin, @nabadoon walaale ku mahadsanid dhiirri galaintaada qaaliga ah, wadaninimaduna waa wax la inaga rabo inaynu muujinno si dalka aan ugun hiilinno.

Leave a Reply