Xildhibaan Xaaji Mustaf Oo Xalay Lagu Toogtay Muqdisho Oo Maanta La Aasay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay alaha u naxariistee Xildhibaan Xaaji Mustaf Maxamed kaasi oo shalay ay kooxo hubaysan ay ku toogteen magaalada Muqdisho.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu aasay qubuuraha Sheekh Suufi ee magalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay aaska xildhibaanka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Guddoomiyaha baarlamanka Federalka ah Prof Jawaari, xildhibaanno ka tirsan baarlamanka  iyo ehelada marxuumka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay duugta marxuumka ayaa uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in falkaan ay ka danbeeyaan Al-Shabaab, isla markaana Al-Shabaab aysan dili Karin cidii aysan teeda dhamaanin laakiin ay dhimanayso qofkii waqtigiisa uu dhamaado.

Mudanahaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ahaa nin ku cusub siyaasada Soomaaliya, wuxuuna soo galay markii ugu horaysay siyaasada markii la soo dhisay baarlamaanka hada jira.

Dilka xildhibaankaan ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya, waxayna sodoo kale ay sheegeen in ay sii wadi doonaan ugaarsiga xildhibaanada Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

3 Responses for “Xildhibaan Xaaji Mustaf Oo Xalay Lagu Toogtay Muqdisho Oo Maanta La Aasay”

  1. Yusuf says:

    Alla ha u naxariisto intii qaxdarada lagu dilay. Sh.tuke aysagaa sodogiis dilay, waayo haddii mooryan diimeedii uu ka tirsanaa aysan cabdulaahi yusuf ha hor imaan lahayn, argagixisada iyo qab qablayaasha daadka qaadi lahaa – soomaaliyana maanta nidaam iyo kala danbayn ayaa ka jiri lahayd.

    Mida kale waxaaba wararka soo baxayaa sheegayaan in marxuumka ay dileen kooxo kale. gaar ahaan waxaa lagu tuhmayaa kuwa bakaaraha iyo ceelasha biyaha boobka ku degay

  2. [...] Read More: Xildhibaan Xaaji Mustaf Oo Xalay Lagu Toogtay Muqdisho Oo Maanta La Aasay [...]

  3. Axmed says:

    Allaah hau naxriisto maxuunka dhintay samir iyo iimaan allaah hakasiiyo eheladiisiina

Leave a Reply