Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Canbaareeyay Weeraradii Ismiidaaminta Ee ka Dhacay Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo shalay qaraxyo xoogan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasi oo geestay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa canbaareeyay qaraxyadaasi qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka ay maanta xildhibaano ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay ku canbaareeyeen Qaraxyadaasi oo lagu weeraray hotel uu daganaa madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa xildhibaanadii kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho maanta ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inuusan dhag jalaq usiin falalka caynkaas oo kale ah.
Xasan Abshir ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahanyahay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay sugaan amaanka caasimada Soomaaliaya ayna ka hortagaan wax walba oo ka soo horjeeda amaanka Soomaaliya.
Xildhibaankaan ayaa wuxuu intaasi uu ku sii daray hadalkiisa in kooxahaan ay doonayaan in amaanka Soomaaliya ay galiyaan qal qal isla markaana ay u muujiyaan aduunka in Soomaaliya aysan ka jirin nabad.
Weeraro ismiidaamin ah ayaa shalay waxaa lagu qaaday Hotelka jasiira oo uu daganaa madaxweynaha Soomaaliya, waxaana weeraradaasi ay geesteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Masuuliyada weerarkii shalay ayaa waxaa sheegtay Ururka Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya dagaal kula jira, waxaana sidoo kale Al-Shabaab ay ku sii han jabeen in ay dagaalada ay sii wadi doonaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] See the original article here: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Canbaareeyay Weeraradii Ismiidaaminta Ee ka Dhacay … [...]
Waa in xildhibaan kasta oo barlamaanka ku jira,Sheikh Shariif iyo kuwa taageersan,iyo kuwo isleh in la aantood dalku deegi karin sharciga la keena. Waa in la amra kuwa barlamanka kujira in si cad u Cambaareeyaan fartana ku fiiqaan qab qableyasha argagixisleeyaasha si looga samata bixiyo dadka rayid ah ee wax galabsan.